Home Qoraallo Falaqayn-ta Sirta Guusha W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Falaqayn-ta Sirta Guusha W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Falaqayn-ta Sirta Guusha W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Dhiganaha SIRTA GUUSHU waa dhigane tilmaameed kuu far-fiiqaya, halka ay kaa jirto guusha nololeed. Wuxuu daaha kaaga rogayaa waddadii aad u mari lahayd guusha. Waa dhigane kaaga sir warramaya walax kaa daahan noloshu na u baahan tahay, ama looga baahan yahay guud ahaanteed ba. Ma ahan dhigane bogaggiisu tira badan yihiin, taa beddelkeeda na waa dhigane kooban. “Hadal yar iyo howl badan.” Mar haddii lagu yiri; “Guul” waxan filayaa inaad naftaada la showrtay, sina ay kuu taabatay GUUL, haah! Waa sidaas maxaa yeelay guushu, waa walax qof walba raadinayso, ha ba lagu kala duwanaado dhabbiga loo marayo e. Hadda ba dhiganaha aan kaaga faalloonayo waa kii aad ka dhaxli lahayd wadda sahlan, si aad u guulaysato, guushu inaad hanti badan yeelato oo aad badar noole noqoto ma ahan, inaad magac wayn iyo milge sharafeed yeelata na maahan. Waa se walax meela badan laga unko, ama laga raadiyo. Guushu waxay noqon kartaa mid Aakhiro, waa se naga daahan tahay gaaristeedu, kaliya waa inaad u qalab qaadataa adigoo aaminsan inaad gaareyso guusha Aakhiro. Mar kale guushu waxay lagama maarmaan u tahay qofka dunida ku nool.

Falaqayn-ta guusha iyo waxa ay ka yiraahdeen wadaaddada cilmigu, waxaad ma helaysaa dhiganaha SIRTA GUUSHA oo taas idiin tilmaamimaayo, balse, waxaan bidhaaminayaa waxa ku dhigan ama ku dhaadan dhiganahaan oo aan is leeyahay, waxa lagu lafa guray qodob muhiim u ah Aadanaha.

  • Magaca dhiganaha: SIRTA GUUSHA
    • Magaca qoraha: Xasan Mudane
    • Bogagga dhiganaha: (135 bog).
    • Xajmiga warqaddiisa: (A5) boor leh, aadna u bilicsan oo aan muuqa iyo milicsiga ba lagu ku kahaneyn.
    • Cutubyada dhiganaha: cutubyadiisu waa (7) toddobo cutub oo cutub walba goonidiisa u leeyahay faraqyo ka falliirmay.
    • Jeldiga buugga: qafiif jlicsan, magacana la jaan-qaadaya.
    • Daabacaad: laba goor ayaa la daabacay.

Anigoo og in magac bixita dhiganuhu ay tahay, mid fudud oo si dhib yar ay u fahmi maraan bulshada Soomaaliyeed, hadda na waxan ku samaynayaa guud mar, anigoo si kooban u tilmaami doona waxa looga jeedo SIR iyo dareenka ay tebinayso. Dhanka kale waxa ay u taagan tahay weerta/weedha GUUSHA. Waxa kale oo aan dul istaagi doonaa suugaanta iyo waxa ay ka iftiimiyeen halabuurrada Soomaaliyeed. Eray bixinti aan suugaanta laga helin, waxay la mid tahay mas’alo laga waayay DIINTA.

  •  Waa maxaay Sirta/Sirtu?

Sirta asalkeedu waa sir Walax dedan, kaana daahan, mar waxay ku dhammaataa dednaanteeda, marna bannaanka ayay u baxdaa sirtu, iyadoo ku talogal ah, halka ay marna ku baxdo taxaddar la’aan. Hadda ba markii aad maqasho weerta/weedha “Sir” waxa ugu horreeya ee aad gucanayso ama aaminayso ayaa ah, wax qarsoonaa una baahan inaan bannaanka/debadda loo saarin, balse, ay ogyihiin qof ama qolo gaar ah oo aan bulshadu wadaag ku ahayn.

  •  Sirtu ma dhaliil-baa mase waa caay”

Labada ma ahan ee waa oraah hadaleed dhacay ee haddana leh tabasho iyo garasho gaar ahaaneed oo bidhaaminaysa walax anfariir leh! Lagaa na qarinayo. dhan kale haddii loo dhigo, sirta lafteeda ayaa noqota sarbeeb kaa daahan, gidaarka gadaashiisa na kaaga aaddan. waa tii Abwaan Cabdullaahi Ciise “Sangub” lahaa:

  • • “Nin ku siray wax kuu sheeg
    • Nin sarbeebay kaa qari
    • Nin ku siiyay kuu faan.”

Marka abwaanku leeyahay nin ku siray wax kuu sheeg, sow sirtii ma noqon walax qofka dareen ku abuuray?” Haah! hadda ba Sirta uu dhiganaha “Sirta guushu bidhaaminayo waa sir si toos ah iyo si dad-ban ba laguu gu sheegayo, xog kaa qarsoon. Qofkii kuu biyaamiyay sow ma ahan qof kaa mudan xushmo iyo qaddarin haah dabcan. Haddii aan dhan kale uga weecanno sir maxay ku tilmaameen Abwaannadu?”

Abwaan yamyam (AUN) wuxuu yiri:

  • o Waqtiyada socdaalka ah
    o Ayaamaha silsidda ah
    o Xilliyada bal suuree
    o Soojire haddaad tahay
    o Sadarrada dib ugu noqo
    o SOOMAALI WAA KUMA?
    o Sinnaantaan la magac ahay
    o Sanku-neefle ma oggoli
    o Inuu iga sarrayn karo
    o Anna garasho sogordahan
    o Sooryo ruux ugama dhigo
    o SOOMAALI BAAN AHAY
    o Ninna madax-salaax iyo
    o Kama yeelo seetada
    o Sasabada ma qaayibo
    o SIRTA waxaan iraahdaa
    o Saab aan biyaha cellin
    o SOOMAALI BAAN AHAY.
    ●● ●● ●●

Maanso aan tiriyayna waxay leedahay sidaan:

  • Siday Diintu nagu tiri
     Muslim gaal la saaxibay
    Ama sooryo doqoneed
     Ku sasabay adduunyada
     Silac kama dhammaadee
     Adooy buuxda sabadaa
    Dhammi soofka xoolaha 
  • Kuu baxay Sabuulkii
    Samak iyo kalluunkuna
    Xeebaha sunsumayaan
    Sed quureed ka dheerow
     Haw hoorsan sacabada.
  • Dhanka kale ka saaraye
    Sifaan dagaye xaajada
     Su’aal baan hor dhigayaa
    Nin ku SIRAY dorraad galab
    Seedahana kaa jaray
    Sahansaday cadkaagii
    Inaad wada socdaashaan
    Sax miyaad u aragtaan?”    

Shiribmaal
●●● ●●● ●●●

Abwaan kale na wuxuu yiri:

  • o Ifku waa SIR iyo caad
    o Inta aad arkaysaya
    o Inta aad ilduuftee
    o Ishu dhaadi waydaa
    o Afar laab ka badanoo
    o Uurkuna dareenkuu
    o Afka sheeg yiraahdaa
    o Inta uu ka oodmee
    o Ereyada u waayaa
    o Kollay aad u badanoo
    o Aamusnidu-ba waa hadal
    o La adeegsi bido goor
    o Hadal kuu istaadhmayn!

●● ●● ●●

  • Waa maxaay GUUL?”

Guushu waxay u dhaxaysaa helid iyo waayid. Haddii aad doonto wax kaa maqan waa laba mid uun. Inaad hesho wixii aad doontay iyo inaad waydo. Haddii aad soo hesho walaxdii aad doontay, waa guul aad hanatay. Haddii se aad gaari waydo ama soo qaban waydo waa guul kale. Say ku dhacday taasi? Sabab kale maahan ee guuldarrada kula soo gudboonaatay ayaa guul ah, maxaa yeelay waxaad beddelaysaa xeeladdii aad ku baadi goobaysay muggii hore, waxaad na curinaysaa waddo kale oo ka sahlan tii hore, sidaa aawgeed waa tii mahmaahdu ahayd: “Muslim laba jeer god laga ma wada qaniino” ama tii kale ee ahayd: “Mar i dagi Alley baday, mar labaad i daga se anays baday.” Mar kale waa tii ay ahayd: “Guuldarradu waa marinka guusha.” Hadda-ba guushu waa hadaf aad gaartay ama aad xaqiijisay, balse, aad doontay markii hore. Guusha uu dhiganahaanu kuu tilmaamayo, waa inaad ka weecataa tabtii hore ee aad kusoo gebtootay, una guurtaa tab cusub oo kuu sahli karta guusha aad raadinayso.

  • Guul maxay ku tilmaameen abwaannadu?”

Abwaan Hadraawi wuxuu ku sheegay sidaan:

  •  Geda labe maddaacaley hadloo, dhaabad Wan geystey
     kala gurasho meertiyo rogaal, la isla guur guurey
     Maahmaaho wada guuna iyo, gabayo raac raacay
     Guddoon dhacay hubaal iyo go’aan, lays-ku gacan qaaday
     Shan god oo murtidu leedihiyo, gororka suugaanta
     Gedda hadalka loo ruga geshiyo, marin gobaadeed dheh.
     Gobannimadu waa libin ku taxan, geeddi nololeede
     Waa gumaro aadmigu hantiyo, GUUSHA ugu weyne
     Guddoonkeedu waa faral siyaal, loo gafaa firine
     Geduun buu ka leeyahay khalqigu, maalintuu gado’e
     Marka uu gabaabsiyo xilliga, laga gu’weynaadey
     Ayuun baa ninkii gudan karaa , dhan ugu guuraaye
     Qabyadeedu waa guun intay, gaadho weligeede.
    *** *** ***

Abwaan Abshir Bacadle (AUN) Wuxuu ku tilmaamay sidaan:

  •  Markaan gugiyo deyrtii dhoweyd, gabay ka dheeraaday;
     Oo aan ka go’ay baad malaha, gorof imooddeene
     Nin waliba makaa guuray buu, gaw ileeyahaye
     Anna goolku meeshaan la rabay, iima soo geline
     Waxaan gaaxiyaba maalin baan, godolka tuujaaye
     Gaawaha u hoorsada hadduu, gaada leeyahaye
     Gujaad igu disheen iyo miyuu, guray wadaadkiiye
     Taariikhda shay geli karaan, gabay ku sheegaaye
     Kuwii ganacsan jirey maahiyoo, GUUL darreyn jiraye
     Gumeystaha ma taageero iyo, gaalo waranleeye
     Gurubbiyo qabiil waa horaan, gooyayoo nacaye
     Gidaarrada ma saaree xaqaan, ugu gargaaraaye
     Inta goobta soo joogsatoon, garannin tawxiidka
     Ilaahay waxay uga go’een, gelin ku nooloow e
     Marka gogosha qaadkiyo hablaha, lagu la geeraaray
     Gablan talo adduunyooy, muxuu gabay canbaaroobay.
    *** *** ***

Xuseen Cabdi Xalane asna wuxuu yiri:

  •  Waa suurgaddoon Yuusufow, gadahan muuqdaaye
     Maandhow afkaa loo ganbiyey, GUUL wixii jiraye
     Adaa gaafan mooyee tolkaa, geesi ka idlaaye
     Gaashaanliyo sargaal gaammuriyo, gaar-hayihi beesha
     Janannadi garbaha buuxsadiyo, geesh-ka taladiisa
     La gummaad raggii geli yiqiin, gaylan dirireede
     Raggi talada loo geyni jirey, nabad ha goobeene
     Garcastiyo garaadyadi la mari, ganafta weyneed e.

*** *** ***

Abwaan Xasan Dhuxul wuxuu yiri sidaan:

  • Dadka ruuxa gacan madhan
     In kastuu go’ cawlani
     Garabkiisa sudhanyahay
     Yaanu waayihii gabay
     Kugu odhan gob maahoo
     Waxaad galinba aragtiyo
     Hadba dhaayo guudkood
     Yay garasho kaa noqon.
     Gobannimo ha wada bidin
     Qof aad galab is aragteen
     Ha na moodin gacalkaa
    GUUSHAADA ruux neceb
     Adigoo gargaar biday
     Ruuxa gacan ku siin kara
     Abaal maanta u gabay
     Berri yaanu kuu galin.
    *** *** ***

Aan dhex muquuranno dhiganaha ee kaalay ila arag, kugu badin maayo ee dhowr bog ayaan kaa tusayaa, si aad iila garato farshaxan qoraaleedka iyo fikir cuddoonaanta curineed ee qoraaga. Ku naso qeybtaan yar oo aan buugga toos uga soo weriyay:

  • SACAAGA DIL

Waxaa jiray nin murti badan oo dadku talo iyo waano u raadsadaan. Maalin maalmaha ka mida ayaa waxaa u yimid wiil dhallinyaro ah, wuxuu weyddiistay murti waxtar u leh noloshiisa si uu wax u qabsado adduun iyo aakhiraba. Murti badane wuxuu uu ballanqaaday in uu tusi doono waxa murtidu tahay. Waxay isla galayn safar dheer, habeen iyo maalin waxay socdaynba, Murti badane wuxuu wiilkii u sheegay in uu raadinayo reerka ugu saboolsan tuullada ay marayaan. Wax yar dabadeed ayay arkeen guri doqosh ah, guriga bannaankiisa waxaa ku xiran sac reerku leeyahay.

Reerku wuxuu ka koobnaa sideed qof, sideeddaas qof waxay giddigood ku hawlan yihiin sacaas: mid lisa, mid caws u dhiga, mid daajiya, mid moorada u ooda. Murti badane wuxuu wiilkii ku yiri “Caawo reerkaan ayaynu u hoyanaynaa.” Reerkii waa soo dhoweeyeen martida u timid iyaga oo ka cudurdaartay in sacaas caanihiisa mooyee aysan wax kale awoodin. Isla habeenkii Murti badane wuxuu reerka ku wargeliyey in subaxa hore arroortii sii dheelman doonaan, waana nabdeeyay reerka. Inta aysan dheelman ka hor, Murti badane intuu billaawe la baxay ayuu sacii reerka gowracay. Wiilkii ayaa ku qayliyay “Sacaas keliya ayuu reerku lahaa ee maxaad u dishay.” Murti badane qayladii wiilka dhegjalaq uma siin ee socodkiisa ayuu iska sii watay.

Hal sano markii ay ka soo wareegtey ayaa Murti badane iyo wiilkii waxay yimaadeen tuulladii ay saca reerka kaga dileen, wiilkii ayaa garan waayay gurigii waayo gurigii doqoshka ahaa waxaa beddelay guri cusub oo dhagax ah, guriga hortiisa waxaa ku horyaalla beer aad u ballaaran oo dadka jooga ay mashquul yihiin; qof walbana hawl gacanta kula jiro. Gurigii ayay yimaadeen oo reerkii bariidiyeen, waa la is gartay oo la is warraystay, reerkii waxay u sheegeen in habeenkii ay ka tegayn waaberigeedii mid inkaar qaba uu sacoodii ka dilay, in ay maalmo barooranaayeen, markii dambena derisku u soo gurmaday. Ugu dambayntii, in ay garawsadeen in ay u baahan yihiin in ay wax ka beddelaan noloshooda is ay u qabsadaan. Markaas ayay go’aansadeen in ay beer fashaan, abuurkiina way deyn qaateen. Markii beertii u soo go’day waxay bixiyeen wixii deyn lagu lahaa, waxayna iib geeyeen wixii u haray, iyagoo ka reebtay abuur kayd ah. Dheeftii ka soo gashay badarkii ay iib geeyeen waxay ku dhisteen gurigooda cusub, haddana waxay qorshaynayaan in ay soo gataan lo’ badan si ay caanaha ugu ganacsadaan. Waxay yiraahdeen “Inkasta oo markii hore aad ugu barooranay dilkii saca haddana waxa aanu ogaanay waxa horumarka noo diidaayay in uu haa saca aynu ku mashquulnay.” Murti badane wuxuu ku yiri wiilkii “Murtida nolosha ee lagu horumaro waa adiga oo dila sacaaga.”

Qof walba wuxuu leeyahay sac ka hortaagan in uu horumar sameeyo, marka waa adiga qofka la rabo in uu garto saciisa ka dib gawraca si uu u gaaro nolol ka duwan tii hore. Anigu waan garan karaa sacayga balse adigu ma garan kartaa sacaaga? Saca aan tilmaamayo ma aha kii aynu caanaha ka cabi jirnay ee waa midka aan kuu oggolayn in aad horumar samayso, oo aad ku noolaato nolol ku dhisan gobannimo iyo guul. Bal aan kula wadaago sacaas magaciisa si aad isaga ilaaliso suntiisa, saca waa cudurdaar! Isweyddii laba su’aal: Maxaa cudurdaar ii ah? Sidee ayaan ku garan karaa sacayga? Markii aad hesho jawaabta saxda ah ee su’aasha hore waxaad si fudud ku heli kartaa jawaabta su’aasha dambe.”

  • Qofkii diida in uu buuraha koro wuxuu
    weligiis ku noolaadaa godadka hoose”
    * * *

Marwalba oo aad cudurdaar samayso waxaad dhaawacday milgahaaga iyo kalsoonidii ay dadku kugu qabeen, sidoo kale haddii cudurdaarkaagu bato waxaad ku jirtaa halis, waayo haddii aad maanta cudurdaarato muran kuma jiro in aad berina cudurdaaran doonto, taas oo deddejinaysa in aad ku fashilanto xaqiijinta yoolkaaga. Go’aanso in gurigaaga iyo goobtaada shaqada aad ka dhigto goob ka madaxbannaan cudurdaar, haddii ay jiraanna cudurdaaro aad horay u samaysay la imow oggolaansho ku aaddan masuuliyaddeeda. Iskudday in aad soo ogaato waxyaabaha kugu dhaliyey in aad samayso cudurdaaradaas tirada badan. Haddaad ogaato sababta waxaad heshay qayb ka mida xalka. Ma jeceshahay in aad dadka ka maqasho hadallo ku dhisan cudurdaar? Jawaabta waa maya, sidoo kale iyagana ma jeclo in ay kaa maqlaan cudurdaar. Arrinku waa laba daran mid dooro; in aad cudurdaarka doorato iyo in aad ka fogaato. Bal aan kula wadaago sheeko gaaban oo aniga igu saabsan, taas oo aan ka helay khibrad weyn. Sannadkii 2011, waxaan ahaa arday dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga sare. Waan ka habsaamay waxbarashadaydii iskuulka, waayo waxaan fursad shaqo ka helay dekedda Muqdisho gaar ahaan qaybteeda bakhaarada. Islamarkiiba waxaan ka shaqo billaabay bakhaar weyn oo ay raashin ugu xaraysnayd Hay’adda Cunada Adduunka (WFP).

Toddoba bilood ka dib, shaqadii waa la iga eryey, waxaa la ii sheegay in go’aanku uu ka soo baxay maamulka sare. Inkasta oo aan jeclaysan waxa dhacay, haddana intaan joogey shaqada waxaan ku bartay saaxiibo hor leh, sidoo kale waxaan ka dhaxlay khibrad dhanka nolosha ah. Markii aan shaqada ka soo tegay, waxaan dib ugu laabtay waxbarashadaydii iskuulka ilaa aan ka soo gaaray heer jaamacadeed. Markii hore waxaan isku arkay in aan ahaa qof guuldarrastay, laakiin gadaal dambe ayaan ka ogaaday in ay ii ahayd guuldarro la socotay fursad weyn. Haddaba, waxaa jirta xikmad weyn oo aan ka dhaxlay sheekadan, adiguse maxaad ka baratay? Haddii aan sii joogi lahaa shaqadaas weligay isbeddel maan samayn lahayn, sidoo kale way igu adkaan lahayd in aan soo gaaro heerka aan maanta nolosha ka joogo, waxay ii samayn lahayd cudurdaar weyn oo dhanka nolosha ah.

  • Sidee u dilay Sacayga?

Markii aan akhriyay sheekadii ahayd sacaaga dil, waxaan ahaa arday dhigta jaamacadda Soomaaliya gaar ahaan kulliyada arrimaha bulshada. Waxaan jaamacadda aadi jiray maalmaha khamiis iyo Jimcaha halka maalmaha kale aan ka shaqeyn jiray telefishin baahiya wararka idaacadda Goolfm iyo Iftin. Maalin walba waxaan soo aadi jiray goobta shaqada, balse dhowr bilood ka dib ayaan dareemay in shaqadu ii tahay sacii la sheegaayay, durbadiiba waxaan go’aansaday in aan dilo saca, waana dilay! Aan si kale kuugu sheego, waxaan ka tegay shaqadii. Xilligii aan shaqada ka tegaayay waxay ahayd xilli adag waayo magaalada waxaa ka jiray shaqo la’aan baahsan, wayna adkayd in qofku si fudud ku helo shaqo. Laba arrimood ayaa igu kaliftay in aan sacayga dilo. Midda koowaad, shaqadu kuma aanan haysan bilgoosad (Mushaar) fiican oo dabooli kara noloshayda iyo tan qoyskaba. Midda labaad, shaqo sideedaba waa in ay tahay mid aqoontaada wax kuugu kordhiso balse ma aha in ay ku hilmaansiiso intii yarayd ee aad jaamacadda ka soo akhrisatay. Saca, wuxuu noqon karaa waxwalba oo kaa horistaagi kara horumarka nolosha; waa waxa dib kuu dhiga, ee ku qalqalgeliya markaad dalbato in aad go’aan adag samayso; waana waxa aad ka dhigato cudurdaar kolkaad gaari wayso yoolkaaga.

Maadaama aan sacaygii dilay maxaa xigay? Muddo laba isbuuc ayaan magaalada dhex wareegaayay si aan u helo sac ka duwan kii hore. Nasiibwanaag, waxaa jirtay fursad shaqo oo ka bannaanayd shirkadda war-isgaarsiinta Somtel. Waan ka wardoonay aniga oo aan qofna ka garanayn, markii aan iskuddayay in aan gudaha u galo shirkadda ayaa waxaa i horistaagay waardiyihii Albaabka. Wuxuu i weyddiiyay maxaad doonaysaa? Waxaan u sheegay in aan shaqo-doon ahay. Wuxuu igu yiri yaad ka taqaanaa shirkadda? Waxaan ku dhahay qofna. Wuxuu yiri dib u laabo. Inkasta oo aysan ii suurtaggalin in maalintaas aan gudaha u galo, haddana ma quusan, islamarkiina isma dhiibin. Maalin labaad ayaan dib u soo laabtay, wuxuu i weyddiiyay isla su’aashii hore. Waxaan ugu jawaabay waxaan ahay shaqo-doon. Wuxuu igu yiri wax yar isug, durbadiiba wuxuu wacay xafiiska shaqada iyo shaqaalaha, wax yar ka dib waxaan gudaha u galay shirkadda, dukumintiyadaydii ayaan ku wareejiyay xafiiska shaqada iyo shaqaalaha.

Nasiibwanaag, afar maalmood markay ka soo wareegtay ayaa waxaa isoo wacay qof ka mid ah xafiiska, wuxuu ii sheegay in beri aan isku soo diyaariyo wareysi. Waan ku guulaystay wareysigii, waxaa ka shaqo billaabay waaxda ganacsiga gaar ahaaan qaybteeda soo dhoweynta macaamilka. Waxay ii ahayd farxad iyo aqoon. Mar farxad ayay ii ahayd waayo waxaan ku bartay saaxiibo cusub, marna waxay ii ahayd aqoon iyo waaya-aragnimo. Intaas waxaa ii sii dheer, in shaqadu i bartay aqoon ka duwan tii aan horay u watay, waxay ii lahayd laba faa’iido. Midda koowaad: waxaan ku haystay internet lacag la’aan ah, taasi waxay iga caawisay in aan internetka ka diyaariyo laba iyo toban koorso, oo aan intaba ka qaatay shahaaddooyiin, kana sameeyay jaamacado caalami ah sida: Jaamacadda Manchester, Macquarie, Tasmania, Polytechnic West, Griffith, Western Sydney, Newcastle-Australia, Open training institute, Leicester. Midda labaad: Inkasta oo bil goosadkaygu iska yaraa, haddana shaqadu waxay i bartay xirfado kala duwan sida: abuurista, xirista iyo furista siimakaarada shirkadda. Qof walba oo naga mida wuxuu leeyahay sac ka hortaagan in uu horumar sameeyo ama sameeyo isbeddel dhanka nolosha ah, haddaba adigu garo sacaaga ka dib dil si aad u gaarto horumar nafeed. Ma kula tahay in uu iska yimaado horumarka nolosha adiga oo aadan dhaqaaq samayn? Si aad dhaqaaq u samayso waxay kaaga baahan tahay in aad hesho wax kugu dhiirriggeliya waayo waxa aad baadigoobayso waa sidii aad u sameyn lahayd isbeddel horumarineed. Haddaba, isbeddelka nolosha waa la abuuraa ee iskama yimaado.

  • Qorshe ku dhisan is xilqaamid
  • • Samayso waxwalba oo aad ku soo noolayn karto riyadaada, hana samayn cudurdaar; haddaad samayso aqbal oo qaado masuuliyadda.
    • Iskudday in aad marwalba samayso wax aadan horay u samayn jirin, waxaad arki doontaa natiijo ka duwan tii hore.
    • Qor cudurdaaradaadii hore, ka dib go’aanso in aadan mar dambe samayn, ugu dambayna ku tuur godka qashinka.

Joogso halkaan!!

Ka raalli noqo inaan kugu bergooyay aqriska iyo macaanida sheekada. Wax kale maahan ee oggolaansho uma haysto, inaan sii wado sheekada. Waxaan se hubaa inaad dareentay isbeddel ka abuurmay fikir oo aad naftaada kula showrtay. Dhiganaha SIRTA GUUSHA geddigiisba wuxuu werinayaa inaad ka fikirto, falka aad lasoo shirtegayso, ka hor waa inaad fiiro iyo falaqeyn naftaada kula kooddaa. Waa dhigane kaa kaalmeynaya habka fikirka iyo sirta kaa daahan ee guushu ku hoos aasan-tahay.

  • AFEEF:

Haddii aan daawga garan waayay ma ahan ku talogal ee waa ilduuf ee ii cudur-daar, ha na ila yaabin falaqayn-ta iyo gorfeyn-ta aan ku sameeyo buugaagta waxay ifisaa dhiganaha dhankiisa san iyo meelaha uu anfaca ka leeyahay. Wixii aan dhexdiisa ka tebo oo dhimaal ahna si toos ah ayaan qoraha ula wadaagaa. Waa shaqo la kala leeyahay. “Wixii dheef ah bulshadaa leh.” Wixii “Dhimaal ah na qorahaa leh.”

W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE