Home Qoraallo CAGA-YARE ! W/Q: Qasim Abdulle Husen (Nero).

CAGA-YARE ! W/Q: Qasim Abdulle Husen (Nero).

0
SHARE

CAGA-YARE !!

Geeska bari ee qaaradda Afrika isaga oo ka qaxay, Jid qalloocan oo qodaxa badanna sii qaaday, maalmo maahee, bilooyin ayuu ugu  Socd dheeraa ku furay cirifka waqooyi ee Yurub. Deegaan, Dad iyo dabeecadaha jawiga oo ku wada cusub ayuu saaka kasoo toosay. Waa Mudan Socdaal oo aan magacan anigu u doortay inaan ugu yeero mar haddii aysan wax fududeyn suurtagal ii ahayn inaan kiisa dhabta ah u adeegsado sheekadan oo aan ka qoray wiil soomaaliyeed oo megan-gelyo qaxootinimo weydiistay Dowladda Norway dhowr sano ka hor.

Qudhiisa ayaa iiga sheekeeyey wixii ku qabsaday Xero qaxooti oo ku taalla Waqooyiga Norway. Maalmo aan badneyn, haddii uu joogay Xeradan qaxooti ee ku dhex taalla magaalo yar oo Dadkeedu dhowr kun yihiin ayuu maanta u adeeg doontay Dukaan weyn oo ku yaalla, mar haddii faraha laga saaray Lacag aan badneyn oo noloshiisa loogu talo galay.

Socdaal, afka Soomaaliga ee oo Afkiisa ah maahee mid kale kuma hadlo inkasta oo uu jajabsado tan Ingiriiska oo uu ugu yaraan ka yaqaan weydiinta wax iibsiga ee ‘ How much is this’?, ha yeeshee ku hadalkeeda aan sidaas looga jecleyn Waddanka uu meganta u yahay, si gaar ahna Magaalooyinka yar yar ee dadkoodu Beeraladeyda u badanyihiin. Waa Nin Soomaaliya ku soo koraye, Salladda/dambiisha lagu adeegto ee Dukaanka oo uu dorraad arkay iyada oo ay isticmaalayaan Dhallinyaro isaga Xerada uga sii horreysay ha soo dafo oo Dukaanka ha ku dhex wareego oo Sheyba mar ha laaco.

Goor uu Safka dambe ee Dukaanka marayo ayey Indhihiisu qabteen Hilib guduudan oo Jiir u badan kuna keydsan Qaboojiye loogu talo galay in Caafimaadkiisa lagu dhowro. Hilibka xoolaha oo uu cunistiisa aad u jecelyahay iyo cabidda Fuudkiisa ayuu xiiso weyn u qabaa. Dhowr Bacood hilib ku jira ayuu midba mar Salladda salka u dhigay. Wuxuu u dhareerayaa sida uu u daliiqi doono marka uu karsadee si wacan u bislaado. Qorshaha uguma jirto inuu Hilibkan ku daro waxyaabaha lagu macaaneeyo ama lagu carfiyo, Cusbo yar wax ka badan inuu ku daro ha ka yaabin si uu u ruugo hilib aan dhadhankiisa la doorin oo Biyo maahee aan wax kale loo dhaweyn

Socdaal oo adeeggii ku sida dhowr bacood oo ay ka muuqato astaanta Dukaanka ee KIWI ayaa gurigiisii yimid. Waa Qol yar oo Sariir yari u dhex taal, Jiko, Qaboojiye iyo Musqul na leh walow uu Fadhiga iyo Dhalada Tv-ga la wadaago Qaxooti kale oo Dalal kala duwan kasoo cararay, ha ba ugu badnaadeen Soomaali, Ciraaqiyiin iyo Afganistaan. Middi af badan intuu la kala baxay ayuu qeyb Hilibkii ka mid ah cad cad u kala jar jaray, waa intuu karsan lahaa, laakiin intii kale qeybta barafka dhalisa ee Talaajadda ayuu ku keydiyey.

Socdaal, ma yaqaan jaadka hilibka ee u karsamaya, mana aqrin karo qoraallada tilmaanta ah ee ku dul qoran Bacaha hilibka ku dahaaran, waxayse la tahay inuu soo iibsaday Hilibka Lo’da, kol haddii uu ka warqabo inaan mid Geel carradan laga aqoon kuna nooleyn Yurubta oo dhan, Markii uu hubiyey in hilibku si fiican u bislaaday ayuu kuleyka ku cantuugay Cad jiir ah oo intuu kulkiisa hayn waayey Daan ba mar u dhiibay oo calaliyey, dhunjiyey oo Maraq isaga dejiyey.

Jiir iyo Fuud intuu u kala saaray oo labo Baaquli mid ba goonidii ugu shubtay ayuu Macawista u dabacsaday oo si hammuun badani ka muuqato u laba canleeyey, tartiibna u fiiqsaday Maraq diirran oo uu in muddo ah dhakabsigiisa moogaa. Intii uu cuni karay ayuu caloosha ku hubsaday, haraagiina meel dhigtay si uu ugu rakaato Galabta maadaama uu ka laxa-jecleysanayo Wiilasha iyo Gabdhaha qosolkoodu ka baxayo qolalka kiisa ku dheggan. Maxaase dhacay.?

Gabar dadka kale oo dhan uga sokeysa oo maalintii uu Xerada ku cusbaa iyo kaddib ba si wanaagsan u caawineysay ayaa kas oo war doontay mar haddii aysan maanta oo dhan ku arag qolka fadhigga oo ay dhallinyaradu ku daawanayeen ciyaaraha kubadda-cagta ee horyaallada Yurub. Socdaal oo dherag geddi-cad ula jiifa ayey Suuraaley Iridka kusoo garaacday iyada oo cod dheer ku leh “iga fur abboowe, Suuraaley waaye”. Socdaal ayaa si deg deg ah albaabka uga furay maadaama ay tahay Qofka kaliya ee uu Hilibka u oggolyahay. Suuraaley, sida Socdaal oo kale Nolosha Yurub hadda uguma horreyso oo waxay sanad in ka badan ku nooleyd magaalada Athens ee dalka Giriiga.

Inteey sanka la raacday Hilibka Muhaajir u karsan ayey si dareen ku jiro isha ula raacday Hilibka wada Jiirka ah ee baaquliga ku jira. Aad ayey uga shakisay nuuca Hilib ee halka ku xarfanaya markaasey iyada oo aan isaga waxba weydiin gacan xooggan Qaboojiyaha ku furtay oo akhrisay Magaca ku qoran bacda hilibka ku tolan mise waa SKINKE.!! “aqasheey…Caga-yaroow cunay” inteey la qeylisay ayey Suuliga ku carartay iyada oo Afka gacanta ku heysa. Socdaal, inkasta oo uusan garan magaca ‘CAGA-YARE’ ee ay Gabadhu ku dhawaaqday, haddana Dareen baa galay markii uu maqlay Suuraaley oo hunqaaceysa ‘AAAAAAAC…UUUUUUC’…!!. Inuu Gabadha gar-gaaro sow lama gudboona.?. si deg deg ah ayuu jiifkii uga booday oo iyadii oo mantageysa dul istaagay….caawi is yiri oo labadiisa Calaacalood Dhafoorrada ka saaray.

“Suuraaley…Abbaayo…maxaa kugu dhacay..”.? Ayuu si wel-wel leh u weydiiyey, balse jawaab uusan waligiiba filan ayey dhagaha ugu shubtay, markii ay tiri “Aaaah…iga qaad gacmahaaga…nijaas waaye…Alla ba’ay..Caga-yaraa cuntay..HILIB DOOFAAR waaye waxaa cuntay…”.

Socdaal ayaa markiisa hunqaaco aad Gantaal mooddo ka wareegay oo bannaanka keenay wixii uu maanta aadka u cunay, markaasuu kolkii ay labaduba hunqaacadii ka yara nasteen ayuu Socdaal Gabadhii ka codsaday inay sheekadan halkeeda ku disho.

Faahfaahin: erayga SKINKE: waa af Norwijiyaan waana Hilibka nooc Doofaarka ka mid ah oo dadka aan aqoon ee Muslimka ahi ay ku kadsoomaan. CAGA-YARE, waa magac ay Soomaalidii Sagaashamaadkii dalkaas tagtay ula baxeen iyaga oo sida muuqata magaciisa Afka ka dhowraya.

Waxaa qoray: Qasim Abdulle Husen (Nero).

SHARE