Gob jabtay! W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

ses

Gob jabtay!

Dhalinyaradan waxey ku dagaalamayaan, Anaa dhaqayo iyo anaa dhaqayo.

Maskaxda waa remootka hago jirka kale ee bini’aadanka, Lacala haddii cirribta qodax kaa mudo ama jug kaa gaarto, isla markiiba tiftaafyada ayaa u gudbinayo maskaxda, Markaaseey maskaxda lugta ku amreeysaa ineey kor u hinjiso cirribta, lugtina amarki ayeey fulinaysaa si loo yareeyo qasaaraha ciribta gaaray, jirkii kale oo dhan ayaa la qaybsanayo xanuunka.

Haddaba sidaasoo kale ayeey maskaxdu tahay meesha laga hago insiga, Haddii lagaa qabsado waa kuu dhamaatay, Kama duwanid telifisyoon meel qotomo, oo uu qofka rimootkiisa haayo, hadba kanaalkuu rabo shaashadiisa ku soo bandhigto mana lihid iraado ama iqtiyaar, aan ka aheeyn inaad raacdo hadba meeshi laguu jiheeyo.

Xilligii eey xukuumadaha boqortooyada ah, aduunka ka talinayeen Boqorrada waxeey samayn jireen, ninkasto oo mucaarado ama eey u arkaan inuu halis ku yahay amaba eey iska sanafaanba Waa eey dili jireen, Ama seef ha ku dileen, ama ha daldaleene, si unbeey uga taqalusi jireen.

Waxaa ka gadaal maray xilliyadii demoqoraadiya, Reer galbeedkuna qodobkaasi waxeey ku sameeyeen tacdiil, Waxaa loo yeeray quburo saykolojiga ku taqasustay waxeeyna soo jeediyeen go’aan ah in qofka maskaxda laga qabsado badal maa la dili lahaana uu noolaado asagoo la haysto ah, halkaana laga hago, heer uu isaga naftiisii naco oo uu geerida ka jeclaado nolosha.

Kadib burburkii horey loo qorsheeyay ee ku yimid qaranimada soomaaliyeed, Isla xeerkaas ayaa loo adeegsaday dalkeedii iyo dadkeedii, Si fudud ayuu shisheeyihina gacanta ula helay remootkii nalaga hagayay, Waxeeyna u soo maraan wada dahsoon oo loogu yeeray “Dib u heshiisiin” madaxdii iyo hogaamiyaashii maskaxda laga qabsaday ayaa sidii telifishinkii shacabka loo shidaa, oo eey ku jahwareeraan, ayagoo aan arki karin gacanta remootka badbadalayso.

Meel kasto ayaa nalooga soo dhacay, Xitaa carabtii aan la bahownay 1974 isla xeerkaas ayey nalugu dhaqmeen. dadkii soomaaliyeed ee u qaxay carabaha waa eey ka waayeen shaqa u qalanto. Ninka madow si kasto oo uu shahaado heer sare ah iyo Cv tayo leh u wato, shaqo la siin maayo inta uu nin cad safka ku jiro.

Maahmaah soomaliyeed ayaa oraneysay “Nin cad naagtaada uga baq, nin madowna naftaada” midhaa maahmaahdaas asalkeediiba carab baa aheyd oo ninka madow naftooda ayeey uga baqayaan!

85% waxa loo dirtaa howlaha siftiga ah, Dumarkiina waa adeegto guryaha uga shaqeeyso, ragiina waa kuwa naf ka dayay gawaarida oo eey u meeyraan ama isbasiini u xaaqo meelaha xafiisyada ah.

Dadkan maskaxda laga qabsaday malaha awood iyo dhaqdhaqaaq iqtiyaari ah oo eey shaqooyinka ku diidaan, Waayo waxaa ku hagayo remootkii aan kor ku soo xusay. qofka markii eey niyada ka dhimato,ama uuba arko adeerkiis iyo aabihiis oo sidan falayo, waxuu moodaa ineey wanaagsan tahay.

Dhankii waxbarashada ayaa iyana nalooga dusay,2006 oo aan barre ka ahaa Xamar, waxaa jiray laba daladood, Mid manaahijta carabta wax ku barto iyo mid manhajka keenyaatiga wax ku barto, oo waxaa halkaasi ka baxay manaahijtii waxbarasho ee uu dalka lahaa.

Waxan la yaabi jiray dadkan la dhalan rogayo meesha la gayn doono.!!

Maaseey waa qabiil dagan Kenya waxaa saas loogu bxiyay waxeey dagaan Qorrax dhaca dalka, mise Qorrax ka soo baxa, wax saas ah ayaa ardayda la barayay.

Habeenkii ugu darnaa waxuu ahaa mar eey, Onkodka sababta dhaliso ka sheekaynayeen,

Waxaa ku jiray, Gugaca waxaa sababo, Illaahey oo xanaaqay ayaa jalamad meesha taal ku soo tuurayo xaaskiisii, sidaas ayeey qululumta iyo qlalalamta onkodka ku timaadaa.( Illaahay idin cadaab) waa gaalnimo cad oo carruurta maskaxda looga rogayee, Sidi baan ku wargaliyay, Hay’adihii markaas Ka talinayay, Oo uu majliskii shuurada go’aan uga soo saaray in la joojiyo manaahijta Kenya” Ma ogi in eey dhaqan gashay iyo in kale waxaanse ogahay in aan nahay dad loo tashtay oo loo fikiray.

W/Q; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN