Home Curis Doob gaamuray! Q6AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q6AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

0
SHARE

Doob gaamuray! Q6AAD 

Waxey aheyd, ammin galab gaabad ah oo ku cadceedu isku shaqashay diilimo guduudan oo ay ku sii nabadgelyeeysay noolihii maalintaa tirsaday, oo ay barbaarta iyo kurayduba soo hooyanayeen xoolihii ama (duunyadii) ay subaxaasi daaqa u foof geeyeen.

Waxaa meel fog ka soo bidhaamayay xeyn ari ah oo ay soo galbineysay gabar uu foolkeeda daal fara badani ka muuqday xabadkana ku sidatay nayl yar oo saacado ka hor un dhalatay.

Gabadhu waxey aheyd, Gobaad Heybe Warfaa oo aan dareensaneyn kana war heynin waxa reer koodii ku soo kordhay, balse markii ay ariga soo xera gelisay bey la kulantay dhowr duqey ah oo loo goglay geed weyn oo ardaaga guriga ka yara dad banaa muuqaal ahaanna bannaanka uga baxsanaa.

Si wanaagsan, ayaa odayada loogu loogay, waxaana aad loogu hawlanaa u adeeggidda iyo marti sooridda guurtida golaha fadhiday, iyada oo weliba dhaq dhaqaaq aan horay loogu aqoon iyo hawlo dheeri ahba uu reerku ku guda jiray.

Gobaad oo la yaabbaneyd arrinka aanay ka war qabin ee meesha ka jirta, ayaa nabdiga iska weydiisay weydiin aheyd “tolow maanta reerku muxuu qabaa, sidee beyse wax u jiraan?”.

Alla yaa wax u sheega waa war moog aan ka war heynin in iyada loo gola fadhiyo!!!, waxey isku dayday iney u kuur gasho oo ay war bixin sugan ka hesho, waxa meesha ka socda.

Iyada oo xishood dartii isla sii hagoogeysa sheed ka il qooraasina ku sii eegeysa geedka ay odayadu fadhiyaan, ayey aabbeheed Heybe Warfaa weydiisay weydiin aheyd “ Aabbe caawa reerka maxaa ku soo kordhay?”.

Hawl buu faraha kula jiraye intuu kor u soo yara jalleecay buu cod aad yar ah ku yiri “Aabbe dareen ma jiro marti baase inoo joogta, wixii intaa ka dheeri ahna iyagaan ka sugeynaa”.

Gobaad, warcelintaa ku ma aanay degin, waxeyse dhaqsa u billowday moora tiigsi iyo xareynta ariga, si ay walaasheed xaali, faah faahin uga hesho waaba  haddii ay wax ka ogtahay arrinka meesha ka jira e.

Gobaad tuhun iyo dareen fog baa galay, oo waxa ay dib u xusuusatay ereyadii uu ku la hadlay Mahad-dheere, hasa yeeshee, durbadiiba intey hawsha si dhaqsa ah u soo geba gebeysay bey soo dhinac fariisatay walaasheed Xaali oo dhiil caana ah luleysay iyada oo ku tiri “ Walaalle waxaan ku weydiiyay, maxey doonayaan odayada reerka u soo martiyay ee geedka hoos fadhiya?”.

Xaali oo qudheedaba aad u tuhun qabtay baa ku war celisay “Walaal waxba ma ogi waxna la ii ma sheegan, waxaanse u maleynayaa in ay odayadu inan doon yihiin!!!”.

Gobaad, oo ay ku sii kordheen welwelkii iyo dareenkii ay horay u qabtay, ayaa cod kulul oo tiiraanyeysan ku tiri “ oo yeey soo doonteen aafo ha doonatee?”.

“ Naa is deji gabar yahay kolleba inan aan adiga aheyni guriga ma joogtee” ayey ku warcelisey Xaali oo hawsheeda iska sii wadatay welibana ay degganaani ka muuqatay.

“ oo miyaanan u madax bannaaney inaan xulashayda doorto ma ninkii la rabaa la iska key siinayaa?” ayey Gobaad ku caalaacashay iyada oo indhaheeda dhibco ilmo ah ka sii tireysay!!!.

Walaasheed Xaali, oo deyrtii dhoweyd ina abtigeed lagu daray baa ku canaanatay “ Naa markii la i soo doonanayay iyo goortii la i mehrinayayba goob joog baad u aheyde ma cid baa wax i su’aashay?, naa anshax yeelo oo talada waalidka qaado, haddiiba ay dhab tahay in adiga lagu soo doontay!”.

Gobaad, oo hoos eegeysa foolkeedana ay murugo buuxisay baa si  debecsan ugu tiri “walaashey iga weyn baa tahay weliba aan aad u jeclahay, waxaad igu la talisana kaa diidi maayo balse godob baan tirsanayaa”.

“ Naa xir warka gabar yahay, haddaad duca waalid dooneyso” ayey Xaali ugu danbeystii Gobaad ku aamusiisay.

Dhowr saacadood ka dib, ayuu soo geba geboobay marti soorkii odayada, waxaana mar kale la billaabay wada hadal iyo lafagur ku saabsan arrin xididnimo.

Goobtu waa madal aad iyo aad u qurxoon oo xeyndaabka gogosha ay isa soo hor fadhiyaan ruug caddaa xeerbeegti wada ah oo labada dhinac ka soo kala jeeda.

Oday 80 jir ah oo gar weyn oo cirra ah lahaa, ayaa hadalkii ku billaabay “ marka hore amaan iyo mahad naq naga guddooma haddaa tihiin reer Heybee Warfaa sidii wanaagsaneyd ee aad noo marti geliseen awgeed ”.

Idinkaa mudan iyo idinkaa mudan markii in cabbaar ahayd leysu talan taalliyay buu Aw-Daahir oo go’iisa doonyeysana, wuxuu si maamuus iyo milge leh u yiri “ Idinka oo mahadsan bal noo yara ifiya ujeeddada socdaalkiinna iyo waxa aad maagan tihiinba”.

Oday Warsame oo dhoolla caddeynaya, ayaa ku warceliyey celiyay “ Walaalayaal waxaan idiin ku soconnaa arrin soo jireen ah oo aan bulshadeenna ugub ku aheyn”.

Warka hoos ugu daadeg ayuu yiri “ Aw-Daahir oo rabay in daaha looga qaado dulucda  ujeeddada goobta loo yimid”.

“ Anoon hadalka ku sii dheeraaneyn, waxaan doonasho u nahay gabar ina Heybe Warfaa ah” buu oday Warsame si kooban oo maamuus leh u soo jeediyay”.

Dhega-cadde oo Heybe ina adeerkiis ahaa ayaa hadalkii qaatay oo yiri “ Garannay ujeeddada socdaal kiinna ee inantu waa tuma yaase loo doonayaa?”.

“ Waxaan caawa ardaagiinna u soo gola fariisannay inantiinna Gobaad ah, oo aan u dooneyno wiilka aan adeerka u ahay Mahad Cawaale” ayuu oday Warsame hadalkiisa ku soo af meeray isaga oo shaarubihiisa sii mar maroojinayay.

“ Waa hagaage arrinta bal aan u jeedinno inanta aabbaheed” ayuu si degan  u yiri, Aw-Daahir oo sii eegayay Heybe Warfaa oo dhinaciisa fadhiyay, wuxuuna sii raaciyay “haye Heybe waad maqleysaa arrini halka ay mareyso ee adna bal wax uun ka dheh”.

Heybe oo giirka kor u soo qaadaya, ayaa hadalkiisa ku billaabay “ waxey aniga ila tahay gabar kasta oo qaan gaar ihiba iney guur u joog tahay, sidaasi darteed obsi iyo nayaayir bey ii tahay in la i tixgeliyo oo inanteyda leyga soo doonto, iimana muuqato wax aan libta u qaadan waayo, in ay gabadha xaggiinna soo martana waxba kama qabo, balse adeerradeed baa goob joog ah oo goobta fadhiya bixinteeda iyo diidmadeedana wax ku leh”.

Aw-Daahir oo hadalka walaalkii go’aan kama danbeys ah ka dhigaya, ayaa arrintii ku soo af jaray “ walaalayaal waannu idin siinnay gabadhii ”.

Waa leysu sare kacay, sacabbadana waa leysku jiiday, xididnimo wanaagsan iyo xididnimo wanaagsan, baa leysu tuur tuuray odayadiina isku gacan qaadeen, xil iyo saanqaad, yarad iyo gabbaati iyo intii uu ku tala gal ka ahaana waa la kala guddoomay, isla goobtii baana lagu mehriyay Gobaad Heybe Warfaa.

Damaashaad iyo dabbaaldeg ayaa markiiba leysla dhex maray, waxaana cirka isku shareeray sawaxanka iyo alalaaska ay isku dareen dumarkii sokeeyaha, xigtada, gacalka iyo deriska ahaa ee goobta ka ag dhowaa.

Gobaad, waxaa ku habsaday naxdintii ugu weyneyd tan iyo intii ay soo jirtay sooyaal keeda nololeed, waayo, waxaa loo mashxaradayaa meher ( ninkaax ) aanay ka war heyn waxa uu yahay, iyada oo weliba maqleysay sida ay wax u dhacayeen.

Gobaad, oo sey u hiqleyneysay ay indhuhu barareen bey u soo gashay hooyadeed Xaadsan Diiriye oo rabtay in ay ugu ugu hambalyeyso  meherkeeda, waxeyse la soo kulantay iyada oo qoomameysan oo ay murugo indhaha caseysay!.

Xaadsan intey yaabtay bey iyada oo cadheysan si kulul ugu canaanatay “ naa yaahee!!, maxaad la ooyeysaa ma ina Cawaale Xirsi oo kalaad heleysaa?, xagguuse joogaa wiilka Mahad ka wanaagsan ee aad guursan laheyd?”.

W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHARE