Filan waa Q35AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Intaa kaddib Deeqa markay aragtay in uuna maxamed dhankeeda u soo jeedin waxay qaadatay go’aan degdega.

Waxay tidhi: “waxaan jeclaa inaad il naxariisa igu eegto, balse  ma dhicin oo waad igu dhaga adeegtay waxaan dhihi lahaaba dhibkaan gaystaybaa dhaliil ii yeelay, sidaa darteed waan ku qasbanahay inaan go’aan qaato.

Inkastoo aana awoodin inaan qalbiga kaa jaro, haddana waan isku dayi inaan naftayda xakameeyo, balse waxaad ogaataa xaqiiqduna ay atahay in aana xal u haynin indho aragtidaada u jeelan iyo dhago codkaaga raba inay maqlaan, ama wadne hammuun iyo hilow kuu qaba, laakiin mar hadduu xaalku sidaa yahay, waa inaan magaalada dartaa uga tagaa, wallow aana garayn meel aan u foolka saaro, kol haddiiba aragaygu ku dhibaayo fadhi iima yaalo, wax walba ood ku adigu ku degayso waa  xil guudkeyga saaran inaan kuu sameeyo, maxaa yeelay waxaa  tahay qofka kaliye een adduunka ugu jeclahay.

Rajadii Deeqa halkaa ayay ku laalmatay, iyadoo qoomamo iyo ciil dhan ula tiicaysaa, ayay nafteeda canaan iyo wax sheeg kula dhaqaaqday xili xeedho iyo fandhaal ay kala dhaceen,  waxay gurigeedii u dumisay oo waliba ninkeedii oo aad u jecel uga soo carartay Maxamed dartii, waxa ay si wayn u naawilaysay inuu nolasha la wadaagi doono, haseyeeshe sheekadu dhan kale ayay u biyo shubatay, dhana uma fayooba labadiiba way seegtay,  waxaa qalbigeeda gocosho ku reebay ninki ay kala tageen, iyo cidla ciirsi la’da uu Maxamed kaga dhaqaaqaday markii ay isaga u soo goday.

Dhacdooyinkaa aan kor ku soo xusnay iyo wax yaabo kaloo qarsoon ayaa cindigeeda ciil iyo cadho aan dhamaan ku reebay, shalayto waa shey xaaraane  waxaa Filan waa ku noqotay sida arrintu u cayn wareegtay oo meel laga qabto iyo ciriq loo bixiyo midna aanay u lahayn, dhibaataddan qaangaadhka ah ee yaraanteedi la kowsaday iyo Samir cisho noolba nafta lagu Jujuubayo sidii kiniini dhaqtar u qoray  ayaa rajadeedii rako dheer ku xidhay.

Waxaa  mararka qaar maankeeda ku soo dhaca, sidani nolal ma ahee waxaaba kuu dhaanta adigoo naftaba is dhaafiya oo is daldala ama sun caba, haddana waxay niyada u sheegtaa ama isku qancisaa erayadii Maxamed ee ahaa haka quusan nolasha maalin ayaad farxad ku noolaan doontaa. Waxay tidhi:

  • Qofwaliba Adduunyada
  • Qaxar iyo dhibaatiyo
  • Nolal qaaya loo wacan
  • Wuxuu Eebbaheen qoray
  • In uun lagu qancaabaay
  • Diinteenu qeexdee
  • Qisa iyo qardoofiyo
  • Anaa qalad sameeyee
  • Naftay qaribayoo
  • Qarka tuurey dheere
  • Qalbigii aan dhaawacay
  • Waa kan iga qatoobee
  • Qaabkeeen waxyeela!

Deeqa si dhaba ayay u qirsan tahay inay qoys dumisay qalbi kalana dhaawacday nafteediina qar ka tuurtay, dhibka saddex geesoodka ah ee Deeqa gacanteeda ku fashay wuxuu ku noqday Sooyaal madow oo laabteeda degay.

Dhanka kale Maxamed aad ayuu uga niyad jabay guuldaradii uu kala kulmay baadigoobkii sahanka mustaqbalka uu ugu jiray lamaanihii noolasha uu lawadaagi lahaa.

Wuxuu iskadhaadhicayay inuu sameeyay dadaal badan sidii uu kasban lahaa qof nolasha la qaybsada, balse uu ku hungoobay,

Arrintu markay halkaa gaadhay oo waxyaabo badan oo filanwaa ahna ay dhaceen, qof walbana rajadii uu naawilayay quus ka joogo, ayaa waxaa si hoose u wada kulmay Maxamed hooyadii iyo walaashii Nuura, si ay uga wada tashadaan arrimo dhowra oo xaalada Maxamed ugu horayso.

Falanqayn badan kaddib,waxay isla meel dhigeen in gabadhii uu Maxamed jeclaa xaaladeeda caafimaad la soo ogaado, haddi ay rajo wanaagsan leedahayna la saadaaliyo oo la sugu inta ay isbitaalka ka soo baxayso, haddii kalana go’aan kale la gaadho oo sanadkan Maxamed kor iyo hoosba loo guuriyo, si xaaladiisa caafimaad loo badbaadiyaan.

Waxyar kaddib iyagoo sheekadu meel fiican u marayso ayaa waxaa magaalada ka yimid Maxamed Aabbihii, qolka intuu ugu soo galay isagoo xanaaq ka muuqdo ayuu wuxuu islaanta u sheegay inuu Maxamed  wax aan waxba ka jirin dadka ku lugooyay, wuxuu yidhi: “Wax walba waan soo ogaaday, balse waxaa fajac igu abuuray wiilku waxaasoo beena meesha uu ka keenay, iyo waxaa ku kalifay, walle nin adduun joogow maxaa aragtii kuulaaban”

Maxamed hooyadii oo yaaban islamarkaana warka dulucdiisa wali aan helin ayaa odayga ku tidhi: “Ee bal hadalka noo saaf oo si fiican noogu sharax waxaa aad soo ogaatay waxa ay yihiin”

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN