Yaa ugu Taajirsanaa Dunida 2000 sanno ee ugu dambeysay? W/Q: Prof: Yaxye Caamir

.

Yaa ugu Taajirsanaa Dunida 2000 sanno ee ugu dambeysay?

Waxaa laga yaabaa in aad xasuusato Taajiriin uu ka mid yahay Mr.Bill Gate oo hantidiisu u dhexeeyso 80-90 billion USD, ama boqorrada Carabta, Laakin waxaa ugu taajirsanaa Bani Aadamkii noolaa 2000 Sanno ee u dambeysay Nin Afrikaan ahaa oo Muslima hantidiisana lagu qiyaasay 400 Billion USD, waa Manza Muusa, Manza, oo macnaheedu yahay Suldaan ama Boqor ( 1280 – 1337).

Qoraaga (Davidson- 2015) waxa uu leeyahay hantida Muusa lama qiyaasi karin marka la tixraaco qoraalladii Reer galbeedku ka qoreen. Qoraagii Talyaani Sergio Domian ayaa yiri: Caasimaddii Maali ee Muusa aad ayey u horumarsaneyd waxa ay laheyd Ilbaxnimo waxaa hoos imaanayay 400 Magaalo oo dadku aad ugu badnaa, waxaa kale oo caddeyn u ah qoraalladii Ibnu khalduun, Al-Umari, Abu-sa’id Uthman ad-Dukkali iyo Ibn Battuta. Markii uu xukunka qabtay Boqortooyada Maali waxa ey ka koobneeyd dalalka Maali, Ghana iyo Mauritania iyo waddamada u dhaw. ( F.S: 1 & 2aad)

Sannadii 1324-kii soo gudashadiisii Xajka waxaa sii raacay 60.000 Ruux oo Shaqaalihiisa iyo ilaaladiisa ahaa. , 12.000 Ruux oo ka mid ahi waxaa ey sideen Dahab. Dadka la socday waxa ey ku labisnaayen koofiyado Dahab ah iyo Dhar xariir ah, Magaala kasta oo uu sii maro waxaa uu qaybinayay Dahab Sadaqa ah. ( F.S: 3aad) waxa uu sii maray dhinaca Biriga waddamo badan sida Masar ( kanaal suweys ma qodneyn waqtigaa )

Musa Xajka uma aadin in uu soo guto waajibaadka Xajka oo kaliya ee waxa uu ka doontay Culumo dadkiisa Diinta Barto hoggaaminta iyo kuwa wax dhiso. Musa aad ayaa looga yaqiin Bariga dhexe, waqooyiga Afrika iyo Magaalada Barakeysan ee Mekka, waxa uuna wax ku xakumi jiray shareecada Islaamka.

Maalin kasta oo Jimca ah waxa uu amrayay in la dhiso Masjid Cusub. Musa waxa uu ka dhisay Dugsiyo badan Magaaloyinka Timbuktu iyo Gao, waxaa ka mid ahaa Dugsigii Sankore oo hadda ah ( University of Sankore). Musa waxa uu dhisay xarun weyn oo lagu shiro una dhaw xarunta Boqorka , Taalo cajiib ah ayaana ku taal, iyo Munaarad Qalin ah iyo Dahab ka sameysan. Qasriga Timbuktu iyo Masjidka weyn ee Djinguereber oo illaa waqtigan taagan, waxa ey noqotay Xaruntii Ganacsiga iyo dhaqanka Islaamka waxa uu Jaamacaddo ka dhisay Magaalooyinka Timbuktu, Djenne iyo Segou, waxaana lagu baran jiray shareecada, Cilmiga Xiddigaha iyo Xisaabta.

Diinta islaamkana waxaa dadka lagu bari jiray Suuqyada iyo Jaamacaddaha. Jaamacadda Sankoré University waxaa hadda yaal Buugaagta ugu badan ee Afrika laga qoray, waxa wax ka baran kara 25.000 Arday, Makadabadeedana waxaa yaal qoraallo gaarayo 1.000.000. dhismayaashii uu ka tagay weli waa taaganyihiin ( F.S: 4aad)

Boqorkaa Muslimka ahi waxa uu diray 200 Doomood oo waaweyn oo ciidan saaran yahay, Dooma kale oo Dahab saaran yahay Biyo iyo Cunto ku filan dhowr Sanno, waxa uuna amray Horjoogihii in uuna soo noqon illaa uu tago cirifka Badda Atlantiga halka waddanka Mareykanku maanta ku yaal.

Muddo markii ey maqnaayeen ayaa hal Doon oo kali ahi soo noqotay. Horjoogihii Doontii soo noqotay ayaa yiri: Muddo markii aan soconay ayaan la kulanay meel wabi u eg oo biyuhuna aad u durdurayaan, Doomihii iga horeyay waxa ey ku dhaceen meel sida barkad oo kale ah, soomana noqon.

Doonteyda oo ugu dambeysay dib ayaan u soo celiyay, Boqorku ma aaminin war bixintaa . waxa uu amray in la diro 2000 doomood oo rag badan oo qalabkoodu u dhanyahay ey la socdaan, Dib dambe looma arag dhamaantood, warna lagama helin. waqtigaa ma jirin ragga Reer yurub ey ku faanaan ee Sahamiyayaasha ahaa sida Fasko Dogama, Kistofor Kolombas iyo Amriku Fasbuji.

Taariikhdaa Afrikaanka Islaamka ahaa, waxa uu ku dadaalay Gumeeystuhu in uu baabiyo sida teenii Somaalidii horeba loo baabiyay, loona qariyay. Ileyn waxa la aaminsanaa Dad taariikh leh lama Gumeysan karo. Maantana Dagaalada ka socdo waddanka Mali, waa kuwo looga hortagayo fiditaanka Islaamka oo dib uga Bilaawday halkaa.

Qof ahaan weli ma tagin Dalka Mali, in kasta oo  la i siiyay fursad, haddana Iima suura galin. Bishii JUNE / 2018 ayaa la iga codsaday in 2 Usbuuc oo shaqo ah aan ku tago Dalka Mali, Cilmi baaris ey waday Jaamacadda NMBU –Norway, oo aan kala qeyb gali lahaa Macallimiin Canada iyo Norway ka kala socdo, Arrimo Qoys oo Xamar igu qabsaday aawgood ayaan u baaqday, waxaana aan isku bedelay Haweeney Macallimad Sudana ah, Fursadaa oo aan rabay in aan uga Faa’iideysto in aan soo arku, qayba ka mid ah Taariikhdaa Muslimiinta ee la qariyay ahna muhim.

Waxaase ii suura gashay in aan Dalka Ghana kula kulmay Dad ka mid ahaa Dadkii uu diinta Islaamka gaarsiiyay Boqorku Muusa iyo wixii ka haray Taariikhdiisii ( F.S: 5aad). Maxaan ku soo arkay?. Fiiri Qaybta kale.

 

Qore: Yahya Amir .

SHEEKOOYIN