Home Curis XASUUSAHII AAN DHEELLIGA LAHAYN! W/Q: Cabdiraxiim Saciid Ducaale.

XASUUSAHII AAN DHEELLIGA LAHAYN! W/Q: Cabdiraxiim Saciid Ducaale.

0
SHARE

XASUUSAHII AAN DHEELLIGA LAHAYN!.

Sannadkii 2006 ayaan subax ka mid ah u kallahay inaan raaco adhiga,  waxaan u daaq geeyey meel xoogee ka durugsan jeeskayaga, dooxo dureemo dhaadheer iyo gilmis fiican leh ayaan geeyey, doomaar wacanna way ku taallay , ramaas qallalay ayuu lahaa jeexu iyo tigaad fiican, sidoo kale  sifaar iyo duxi fiican ayaa ku yaallay tuur yar oo ka shisheysa oo aan naawilayo inaan galabta soo mayraco adhiga ama duhurkaba aan u raarido.

Maalinnimadii intii ka horreysay gadiidka illaa barqo-dheertii waxaan baallo daymoodaba waxaan go’aansaday inaan adhiga guriga ku dhoweeyo oo hadh  galiyo  si aan u soo qadeeyo kaddibna u soo laabto.Waa si wacan baan idhi. Laan yar oo gob ahayd ayaan foodda u galiyey adhigii oo aanba guriga ka fogeyn.

Waa waqti xagaa ah oo iduhu dhaleen , naylo illaa 160 ah ayaa guriga joogey laakiin dhowr neef ayaa isoo raacay saaka oo ku dhex dhuuntay adhiga, laba ayaa mataano ahaa, way qurux badnaayeen, lax saalimo leh ayaa dhashay iyaguna midna way galaalnayd midna hooyadeed ayay u eekayd oo way daylanayd, maalinnimadii oo dhan dhib badan ayay igu hayeen hase ahaatee iyaga ayaan la ciyaarayey waanna soo qaadayey mar walba oo ay daalaan ama seexdaan maadaama oo aanay ababin waxaa cunto u ahayd naaska hooyadood oo aanay afka ka qaadayn.

Yaanan sheeko kugu daaline adhigii gobkii yaraa keenay, kaddibna waan ka dheemaalay dhankaas iyo gurigii.

Markii aan soo gaadhay gurigii ayaa hooyo ( ALLAH HA XIFDIYO E)  ii keentay qadada, intii aanan hudhmadii u horreysay afkaba ka liqin ayaan waxaanba arkaa adhigii oo toddoba goos noqday, belaayo ayaa ku dhex dhacday, mise waaba dayyo (dawaco) oo adhigii ilafaha u qaadday, fadhi maa yaallee halkii baan orod qabsaday, taw baan idhi oo cagaha ayaan wax ka dayey, waxaan ordoba kusoo dul dhacay dayo oo bakhtiisatey labadii naylood ee mataanaha  ahaa!.Oo xillimay ka gaadhsiisay?

 Mise adhiga dabadooda ayayba seexdeen oo didmada adhigu mar danbe ayuuba ku war helay in cadow soo weeraray.

Cabbaar sii baacsaday dawacadii, adhigiina hubiyey in dhib kale gaadhay mise dhowr laxood ayayba xag-xagatey oo dibka jartay!.

Adhigii meeshii ka dareeriyey cabbaar ayaan tubayo-caddeeyey , cadceedii ayaaba iska qabowday oo casar ayay noqotey.

Galabnimadii ayaan mayracay adhigii anigoo ka sii welwelsan in fiidka caweysinka la igu canaan doono labadaa naylood ee dayo iga dagtay.

Maadaama ay iduhu dhaleen galabtii mayracu wuu sahlan yahay dhan kalena wuu adagyahay oo waa inaad kala ilaalisaa in naylaha iyo iduhu is gaadhaan, mar walba waxaan u ordayaa dhan anigoo lax horranaysa soo celinaya.

Wixii aan sidaas ahaadoba maalinkaas quud afka ma saarin biyona way igu yaraayeen, hase yeeshee dhib uma qabo, casar gaab mar ay noqotey ayaa la iiga gacan haadiyey guriga cod dheer ayay hooyo igu lahayd ” idaha soo daa cabdirraxiimoow” si loo liso naylahana loogu sii daayo.

Waan ka hor baydhay idihi dhammaantood way yaaceen intii aan dhalin mooyee.

Anna markaas ayaan guriga dhankiisa usoo dhaqaaqay si aan biyo ugu doonto quudna haddaan helo aan ka cuno, hooyona u caawiyo.

Macaacda mucuucda iyo sawaxanka  aagga ka baxaya malayn maysid idahaas dhegahaygu se way ku raaxaysanayaan.

Xeradii ayaan galay si aan naylaha ugu sii daayo idaha aan la lissayn iyo in aan kuwa dhaaqada ahna ka ilaaliyo in naylo kale jaqaan, sidoo kale waxaan jaqsiinayey idaha naylaha heecooyinka ah ee aan hooyada lahayn.Waan kala aqaannay!, xataa magacyada idaha waan kala aqaannay badankooda.

Sidii bay noo ahayd aniga iyo hooyo oo dhankaa ka lissaysa idaha iyo anigoo caawinaya, mararka qaarna waan lisayey idaha naasaha waaweyn maadaama aanan kuwa gabnada ah ama naasaha yaryar karaynin.Illaa fiidkii shaqadaas ayaan haynay!.

Markii la oodeeyey adhigii geeliina miranayo ayaan gogol yar halkaas guriga hortiisa ah u jiitay iyo buste yar oo kaligay igu filan.

Waxaan rabaa inaan hore u seexdo maadaama aan ogahay aroortana in shaqadii shalay oo kale i sugayso aanna daalannahay, caweyska hooyona waan sii jecelahay maadaama hooyo iyo aabbe habeen walba ay ka sheekeeyaan taariikho iyo usoo-joogtooyin badan – waa sababta aan illaa imminka u jecelahay taariikha oo aan jaalkeeda rabo inaan noqdo-.

Hooyo iyo aabbe taariikho badan ayay ka sheekeeyaan gabayo ayay xifdisanyihiin, waxaan halkaas ku xifdiyey gabayo badan oo daraawiish leedahay; sida gabayadii Ismaaciil Mire maadaama hooyo iyo Ismaaciil Mire qaraabo aad u dhow ahaayeen hooyo aqoon bay u leedahay qoyskaas.

Fiidkii oo dhan sidaas bay noo ahayd, waan weeleeyaa taariikhda walow gabayadii badankoodii aan dib ka illaaway markaan korey,

Cabsidii aan ka qabay in la igu canaanto naylihii aan siiyey dawacada lama aanan kulmin!.

Wax ay hooyo iyo aabbe sheekeeyaanba iyadoo sheekadii aan sii maqlayo ayaan seexdayba waanna gam’ay.

Hurdo macaan oo jawi sanqadh iyo saxar toonna lahayn, ayaan seexday habeenkaas iyo habeenno badanba oo aan reer miyi ahaa.Nolosha miyigu macaanaa!

In cabbaar ah mar aan hurday ayaa waxaa ay gaadhay waqtiga ay lo’du soo baxdo (cirka) si geela loo maalo oo geela waxaa lala sugaa marka uu dhaco xidiggaasi, haddii aanan qaldanayn!.

Hurdo ay igu adagtahay macaankeeda inaan ka tooso ayaan soo kacay anigoo dhalalowsan, geela aad uma kari jirin maadaama aan yaraa se danta ayaa igu haysatey oo aniga iyo walaalkay iga wayn oo Maxamed la dheho ayaa lisi doonna.

Waan lisnay, caano diirran oo dhay geel ah ayaan hadhuub ku magaabinnay aniga iyo Maxamed , intii kale caanahana gardeello ayaan ku shubnay si carruurta kale u dhanto aroorta.

Geeli intii la dabri jiray waan dabdabarnay kaddibna hurdadii ayaan ku noqday.Halkii baan kasii watay hurdadii yididiilada iyo macaanka xambaarsanayd.

Subaxiina nabad qab ayaan ku toosnay,  geeliina Aabbe iyo Maxamed ayaa wada lisay, adhigiina waa lasii daayey, hooyo ayaa riyaha lissaysay sidaas darteed riyaha irmaani way ka danbaynayaan adhiga inta kale.

Subaxaasna halkaas ayaan ka biyaystay waysada…. sidaas bayna noloshu u socotey, haddeerna xaalku in badan sidii wuu ka geddisan yahay, maalmahaas wacanina inay dib iisoo maraan waynaha xabkaa kala fudud.Wanaag badan ayaan dadka miyiga ku nool ku ogahay una rajaynayaa.

W/Q: Cabdiraxiim Saciid Ducaale.

SHARE