KALSOONIDA WAALIDNIMO . Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

                                                 KALSOONIDA WAALIDNIMO .

In waalid la noqdo waa riyada qof walba uu leeyahay, sidaas ay tahayna ma ahan wax fudud in waalid aad noqoto maxaa yeelay waalidnimadu waa mid ku timaadaa waddooyin badan.

Galmo waad samayn kartaa sidaasna ilmo waad ku dhali kartaa balse taas macnaheeda maahan in aad waalid aad tahay, waalidnimada waa mid mas’uuliyad ku timaada waana mid laga fakaro inta aan la noqon ka hor.

Waxay u baahantahay waalidnimada inta aan la noqon ka hor u diyaar garow iyo is waydiin aad naftaada waydiinayso in marka hore aad u diyaarsantahay in aad waalid noqoto haddii aad noqonaysana waalid nuucee ah ayaad noqonaysaa?

Sida badan dadku tan isma waydiiyaan oo qaar ayaa ka eega in waqtigu ku socdo da’ahaan muhiimna ay tahay in qofku wax dhalo isaga oo aan ka fakarin qofka uu wax la wadaagayo iyo qiimaha noloshiisa iyo tan ubadka uu sababta u noqon doono in dunidan ay kusoo biiraan.

Qasab ma ahan in ay noloshaada sida ay ahayd ama tahay ay noqoto tan ubadkaaga, waxaa muhiim ah in aad eegto in mar walba uu is baddal jiro, saacadda aad taagantahay haddii ay dhaqaaqdo tan kale ee iman doonto in aysan la mid ahayn tii hore oo ka duwantahay xaalad ahaan iyo qiima ahaan.

Noloshaada waa in aad mar walba uga tusaala qaadataa in waqtigu sida uusan iskugu mid ahayn aysan ula mid noqon karin barito oo ka dhigan mustaqbalkaaga. Marka aan sidaa leeyahay waxaan uga jeedaa ubadka aad waalidka u noqon doonto waa in uusan marin waddadii aad soo martay sidaana aadan ugu fakarin .

Waxaa laga yaabaa in korriimo fiican uu waalidkaaga kugu soo korshay oo noloshaada oo dhan jawi wanaagsan iyo nolol macaan aad dhex mushaaxaysay ilaa aad ka soo gaarto heerka aad manta timid sidaas si la mid ah waxaa suurowda in noloshaada dhinaca kale ahayd taas oo aan ula jeedo in aad ahayd qof waqti adag soo martay oo nolol aan lagu farxin soo maray ama kusoo koray.

Yeelkadeed sida ay doonto noloshaada hasoo ahaato waxaa muhiim ah in mar walba ubadkaaga aad u diyaariso nolol ka wanaagsan kana taya sarreysa taada oo kale adiga oo aan uga tusaala qaadanayn wixii aad soo martay balse wax ku qiimaynaya waaqica iyo xaaladda markaas aad ku nooshahay iyo casriga nololeed ee markaa ka jira dunida adiga iyo ubadkaaga aad ku nooshihiin.

Hadaba haddii aad tihiin waalidiin cusub waxaa muhiim idiin ah in aad is taageertaan isna qaddarisaan iskuna dulqaadataan idinka oo ku qiimaynaya qof walba xaaladdiisa iyo qaabka uu jecelyahay in ay noloshiisu noqoto iyo dhinaca uu ka arko Nolosha.

Nolosha sideedaba isku aragti in laga noqdo qasab ma ahan mar walba waa lagu kala duwanaan karaa maxaa yeelay kala duwanaanta waa quruxda nolosha haddii la isla fahmo, si kale haddaaan u dhigana waxay noqon kartaa caqabadda nolosha, waa haddii la isla fahmi waayo.

Dhinac walba oo noloshu ay kuugu timaado waa caynka aad ka dhigato, adiga ayaa quruxsan karo isla adiga ayaana fool xumayn karo, waxa koowaad ee nolosha qurxiya marka aad qof la wadaagayso ayaa ah is fahamka iyo is taageeridda lagu dheehay dulqaadka iyo Naxariista

Is dhaleecaynta iyo is jiid jiidka waa qayb ka mid ah caqabadaha lagu dhex arko Guurka ama qoyska wada jira, ma ahan marka is waydiintu sababta la isku qilaafo oo al isku qabto ee waa sida labada qof ay u wada xalliyaaan caqabadaha ay markaas wajahayaan iskulana fahmaan.

Qof walba waa u mihiin in uu fahmaa qiimaha qoyska ay wada leeyihiin qofna uusan ku fakarin burbur,  inta uu qofku sidaa wax isku waydiin lahaa waxaa ka wanaagsan in uu isku mashquuliyo xal u helista sida uu ku fahmi lahaa qofka uu nolosha la qaybsanayo.

Waalidiinta qaar sida ay iskugu faraxsanyihin ayey dhibaatadoodu bilaabataa marka ay caruur dhalaan iyada oo lagu kala duwan yahay sida loola dhaqmayo ama loo xanaaneynayo ubadkaas noloshooda kusoo biiray.

Taas waxaa la dhihi karaa waxay ku timaadaa kalsooni darro dhexdooda ka dhalata, ma ahan in aysan iyagu isku kalsoonayn ee waa in ay ku kala aragti duwan yihin qaabka loola tacaamulayo curuurtooda iyada oo laga yaabo in taas si wayn loogu kala aragti duwanaado.

Kala aragti duwaanaanta waa mid mar walba imaanayso dhinaca ay rabto iyo sida la doonaba ha ku timaado balse, taas macnaheedu waaa in aysan noqon mid sababta buuq joogta ah oo la isku naco.

Haddii aad hooyo tahay waa in aysan badan dhaleecaynta aad aabaha ilmahaaga mar walba ku dhaleecaynayso in uusan u xafidin ama waajibkiisa waalidnimo uusan u gudanayn sida aad jeclayd ama ay kula ahaan lahayd in uu u guto, sidaas si la mid ah aabaha isaguna waa inuu kalsooni buuxdo ku qabaa hooyada ilmihiisa.

Way jiri kartaa daciifnaan labada dhinac  dhinac ka mid ah ka imaan kartaa balse taas waa in aan la isku adkayn, haddii ay dhacdo in la isku adkeeyana hubaal natiijada ka dhalan karta in ay ahaanayso mid aan la mahdin.

Is dhaleecaynta oo ku dhex badata qoyska labadiisa hogaan waa aabaha iyo hooyada waxay sababta koowaad ka noqon kartaa in la wada gabo gudashada waajibaadka qoyseed ee qof walba ka saran guriga.

Sidoo kale midkood marka uu midka kale uusan kalsooni ku qabin waxay soo dadajin kartaa in la kala fogaado oo cuqdad aakhirka keenta is nacayb iyo is faham waa lagu kala tago uu meesha ka dhasho.

Waxaa wanaagsan in labada qof uu qof walba kan kale jaanis u siiyo in uu waajibkiisa waalidnimo sida uu jecelyahay u guto, muhiim maahan hooyo ama aabo in sida aad u jeceshahay in ninkaaga ama naagtaada ay noqoto ee waxaa muhiim ah in qof walba uu ku dadaalayo fahamsan yahayna qiimaha qoyska iyo waalidnimo ee laga doonayo.

Taas inta ay jirtana hubaal in qiimaha qoyskaas uu taagnaanayo, waa in farxadda qoyska qof walba dhiniciisa ka ilaashaada, is dhaleecaynta iyo isku buuqana laga fogaado xitaa haddii aan laga fogaan karin waa in la yareeyaa qof walbana qofka kale uu ku qaddariyaa qaabka dhaqankiisa haddii uusan dhaqankaas noqonayn mid wax burburiya oo wax u dhimi kara wada noolaashaha Qoyska.

Hadaba is waydiintu waxay tahay maxaa muhiim u ah inta aan kasoo hadalnay ilaalintooda iyo sida lagu hormarin karo qiimaha qoys farxad ku dhisan, bal is waydii maxaa saldhig u ah is fahamka iyo is qancinta labada tiir ee saldhiga u ah qoyska?

Waa su’aal adag marka laga eego saamaynta iyo baaxadda ay leedahay is waydiintan, aniga qoraha qormadan ah waxaan kusoo koobi lahaa hal shey oo muhiim ah jiritaanka farxadda iyo qoyska raaga ee lagu soo saaro ubad wanaagsan waxna tara dunida iyo dadkeedaba.

Waa isla xiriiridda, labada qof ayaga oo isku fakar ahayn isna waafaqi Karin haddi mar walba ay xiriir joogta ah oo ay uga wada hadlaan wax walba oo kusoo kordha ama ku kala aragti duwanaadaan waxaa badanaya markaas xal u helidda wax walba oo ay isku qilaafaan.

Sidoo kale waxaa wanaagsananayo oo soo fududaanayo sida la isku fahmi lahaa maxaa yeelay, inta badan ee la wada hadlo waa inta badan oo wax la isku waafaqo, haddii hal dhinac la isku fahmi waayo hubaal in dhinac kale oo la isku fahmaa uu jiri karo.

Sidaa darteed, waa in uu jiraa xirii joogta ah oo muran iyo buuq iyo kala fogaansho aan ku biya shuban, balse xiriirkaas yahay mid la isku fahmi karo la iskuguna soo dhawaan karo.

Haddi taas la helo hubaal in xalka ama furaha xalka xaalad walba oo wanaagsanayn la helay, taas oo ka dhigan in labadaas qof ay gaareen guusha caqabadaha noloshooda soo wajaho, su’aashuse waxay tahay imisa qof ayaa isku waafaqi karo oo fahmi karo in, in la wada xiriiraa ay nolosha labada nool muhiim u tahay .

Haddi aad rabtid in aad noqoto waalid wanaagsan waa in aad marka hore fahamtaa qofka wax kaala dhaxeeyaan ee noqon kara ilmahaaga hooyadood ama aabahood, haddii ay taas kugu adkaato hubaal in aadan noqon Karin waalidka wanaagan ee qof walba riyada u ah.

Qofka nolosha kula bilaabay ee sababta u ah in aad waalid noqoto haddi fahamkiisu kugu adkaado waa hubaal in aadan hagaajin karayn fahamka ubadka aad wada dhasheen, maxaa yeelay idinka ayaaba fahamkiinu xun yahay, Ubad nuucee ah ayaad soo saari kartaan marka ?

Qore:Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN