Hammi caashaq iyo hunga been ah Q33AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q33AAD

Raggii kolkii ay kala qabteen, ayay is bareen labadoodii, Cumar waxa loo sheegay in ninkaani yahay wiil ay dhashay gabar ay ilmo adeer yihiin oo adeerkiis ruma dhalay Cumar, sidaa darteedna uu abti u yahay, Cumar yaab ayuu afka qabsaday, waxaana hareereeyay oo harqiyay yaabkii dunida yaalay oo dhan, madaxaa ciil iyo caro la guuxay, asaga oo caraysan ayuu halmar la soo booday: “Ninka xabsi hala ii geliyo hanala ii xiro.

Nuur  arrintaas aad ayuu uga naxay, waxa uuna isku deyay in uu baxsado, waa u suura gashay, asaga oo cararaaya, odayaashiina cayrsanayaan, ayuu xaafaddii ka baxsaday, waxa uuna tegay meel uu is lahaa, waad uga bad baadaysaa, in yar kolkii uu meeshii joogay ayay ku soo dhacday in nimanka ay is hayaan yihiin niman meel walba uga daba iman kara, aysana suura gal ahayn in uu Nayroobi(Nairobi) uga dhuunto.

 Wax talamo oo hadba falanqeeyo lafa gurana xaalkiisa iyo halka ay manta la mareyso ayaa fikir dheer kaddib waxa u soo baxday in uu dalka iskaga baxo, dhanka waddanka Koonfur afrikana (South Africa )uu u kicitimo, arrintaasi waxa ay ula muuqatay mid suurtagal ah kuna habboon waqtigaan la joogo.

Maxaa yeelay? Waa meesha keliya ee uu uga badbaadi karo nimankan ay tolka yihiin ee uu dakanada ka galay ee haatan daba jooga. Haddaba waxaa dhibka ugu weyn ahaahalkee ayaad ka keenaysaa dhaqaale iyo fara qabsi aad ku gaarto ilaa koonfur afrika? Wuxuu hadba meel isku qaaddo oo ku hungooboba  ugu dambeyn waxaa usoo baxday in nin ay guri isla deganaayeen(Apartment) oo degal wadaag ahaayeen, inkastoo qolol kala duwan deganaayeen, haddana waa isu geli jireen oo jikadda iyo musqushaba waa wada adeegsan jireen.

Nuur wuxuu la tashaday nin aad ugu fara dhuudhuuban dhinaca tuugnimada, dhaca, boobka, Jabsiga dukaamada iyo baabuurta  Oo la yiraahdo Siidow, Maxaa yeelay Nuur Tuug ma ahayn ee wuxuu ahaa Afmiinshaar siyaabo kale dadka u dhagra.  Nuur markuu Siidoow uga warramey qaabka uu rabo, ayaa Siidoow yiri: Adiga keliya waxaad keenta Furaha  10 daqiiqo anigaa noo keenaya qarashkaan magaaladaan kaga bixi lahayn dusha uun iga ilaali ina soo wac haddii aad aragto inta aan hawsha ku guda jiro.

Sidii ayuu Nuur yeelay wuxuu tegay xaafaddiisa kaddibna habeenkii oodhan wuxuu ilaalo ugu jirey sidii uu furaha ku heli lahaa, goor dambe oo waagu soo baryeyo ayuu galay qolka saaxiibkiis isagoo weydiinaya, Walaacad ama bahasha sigaarka lagu shido, kaddibna surwaalka oo uu furuhu ku xirnaa ayuu toos u abbaarey waana kala baxay si aan la dareemin.

Isla markiiba intuu lebistay ayuu wacay saaxiibkiisi kale waxaana la tegay oo la furtey dukaankii oo laga helay, lacago badan iyo Dhar  ay ku lebistaan.Nuur isaga Siidoow waxay markiiba wacdeen nin dilaal ah(Mukhalas) oo dadka tahriibiya qiimo fiicana waa u gaareen, isla maalinimadiina waxay u ambaxeen socdaal dheer oo ilaa koonfur afrika ah.

Dhanka kale cumar iyo raggii la safnaa waxa ay meel walba ka raadiyeen Nuur kumase guulaysan in ay helaan, waxa ay yimaadeen gurigii uu deganaa, dhowr mar mase helin waa ku hungoobeen goobidiisa, ayaga oo marba marka ka danabaysa is leh gurigiisa ayaad ka helaysaan mar un  ayay gurigii galab casarkii  yimaadeen ayaga oo  ciidan wata, waxa ay la kulmeen Faarax oo ah  ninkii Nuur dukaankiisa dhacay oo isaguna maalmahaas oodhan goobayey ciddii uu uga ergoon lahaa  tuugi Nuur ahaa ee dukaankiisa jabsaday hantida badana ka dhacay.

 Faarax ciil iyo murugo ayuu meel uu is dhigo la’ yahay wuxuuna dalbaday, ciidan iyo gaangister oodhan in Nuur ciddii aragta usoo sheegto. Isagoo baadigoobka Nuur dhankiisa kaga jira ayaa qoladana albaabka usoo garaacday.

Is bariidin iyo is warsi kaddib waxay u sheegeen inay ninkaas oo ay xigaal yihiin iyo tol raadinayaan, isaguna markuu hubsaday in ay tolkiis yihiin ayuu yiri: “ Anigaaba idiin soo socday oo ninkaa burcada ahi wuxuu dhacay waxaan hanti iyo xoolo haystay, haddee nin tuuggana dhibkuu geysto tolkiis baa  lag araba inay mag dhabaan.

Nuur tolkii waxa ay isku dayeen in ay diidaan, balse Faarax waxa uu u sheegay, in ay arrinkaas ka fiirsadaan, haddii ay lacagtaas bixin waayaana waxa uu ugu hanjbay in uu dhibaato  u gaysan doono, aad bay u argagaxeen, Cabsina waa gashay waayo waa nin deegaanka awood ku leh, dhinaca maamula dowladda iyo dadkaba, awoodana inuu rag badan oo iyaga ka mid ah ganacsigooda dhib u geysto, waxaa loo ballamey in Faarax la muddeeyo wixiisiina tolka looga goobo loona magdhabo.

Tuug  xoolo iyo dad dhacay ayuu Nuur noqday, raggii rabay in ay Nuur xiraan waxaa waajib ku noqotay in ay qaraan ka bixiyaan, waa cibaaro aan horay oo arkin ayuu mid kasta qalbiga iska leeyahay.

Cumar waxa uu qaadan waayay, laqina waayay  harowsiga iyo sharaf dhaca  nimanka ganacsatada ah lagu haayo, iyo cibaarada asaga ku dhacday,  waxa uu aad ula yaabay, ninku sida uu nimanka ugu hanjabay iyo sida ay ugu dhega fududaadeen, ciilkiisii ciilbaa ugu biiray, balse waxa uu isku qanciyay in ay waddan shisheeye joogaan.

Sidaas si la mid ah Cumar waxa uu is waydiiyay siduu ka yeeli lahaa, Nasra maadaama ay xaaskiisii weli tahay, fikir dheer kadib waxa uu go,aansaday, in uu  Nasro la kulmo  isna horfadhiistaan, si uu u waydiiyo cida ceebtaan u horseeday, waxa uu aaday una kicitimay isla galabtiiba gurigii Xaliimo, waxa uuna Xaliimo waydiistay in uu Nasro la kulmo, Xaliimana waxa ay u sheegtay ineysan Nasra Joogin.

Lasoco qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN