WAAYIHII WARSAME Q11AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q11AAD

Salaaddii jimcada kaddib Shiikh Cabdi iyo labadii xerow waxa isugu yimaadeen mawlacii. Shiikh Cabdi ayaa Cumar iyo Ciise waydiiyay in ay yaqaannaan iskoolka uu Warsame galay? “Maya Shiikhow” ayay ugu jawaabeen.

Shiikh Cabdi waxa uu amar ku siiyay labadii wiil in ay u soo ogaadaan iskoolka magiciisa iyo halka uu ku yaal. Cumar ayaa yiri “Shiikh iskoolku maanta waa uu xiran yahay ee berri galab ayaan Warsame si qarsoodi ah u dabagalaynnaa sidaasna ku soo ogaanaynnaa iskoolka.”

Shiikh Cabdi oo aad uga maqsuuday Soo jeedinta Cumar ayaa yiri “Maashaa Allaah, waan ku ogaa caqliga iyo fiira dheerida Cumarow ee sidaas yeela war suganna ii keena.” Shiikh Cabdi  intaaa waxa uu sii raaciyay “Cumar iyo Ciisow, een een, berri safar ayaan u baxayaa oo Xamar ayaan aadayaa kaddibna siyaaradii Shiikh Aweys ayaa u sii gudbi doonaa ee markaan soo noqdo aan iskoolkaas warkiisa oo sugan idin kugu imaado.”  “Haye Shiikh Ilaahay ha ku soo nabadceliyo” inta yiraahdeen ayay iridda ka bexeen.

Shiikh Cabdi asagu waxa uu doonay in uu mawlaca xoogaa ku indhagaduudsado hadhowna gurigiisa u qado doonto. Waxa uu isku kala bixiyay sijaayad mawlaca dhextaallay. Balse asaga oo aan wali indhaha isku qabin ayaa Warsame albaabka ka soo galay sidii caadadu ahaydna inta uu jilbajabsaday oo labadiisa gacmood isugu geeyay gacanta midig ee Shiikh Cabdi ka shummiyay. Sidaas ayaa xerta oo dhani u salaamaan Shiikh Cabdi oo waa ixtiraam muujin iyo sarraysiinta darajada Shiikha.

Ninka aan sidaas Shiikh u salaamin waxaa loo arka ruux aan Eebbe khayr la doonin barakada Awliyadana laga dheereeyay.

Salaan iyo is nabdaadin kaddib Shiikh Cabdi ayaa Warsame waydiiyay meesha uu asbuuc dhan ku maqnaa. Warsame u sheeg in uu iskool bilaabay oo uusan helin fursad uu mawlaca ku yimaado.

Shiikh Cabdi oo aad uga sii xanaaqay jawaabta aan leexleexadka lahayn ee Warsame ayaa waydiiyay sababta uusan ugu sheegin haddii uu iskool aadayo, Warsame ayaa ku warceliyay “Shiikh Waan rabay ee waxaan la sugayay in aan ku arko, waana aan ka xumahay in aan la soo daahay, waqti ayaan waayay ee mar hore ayaan kuu sheegi lahaa isbeddalka igu soo siyaaday.”

Shiikh Cabdi:  Warsamow sidee ku bilowday iskool aanan fasax kuu siin? Tan kale ma ogtahay in aysan diintu ogolayn in iskoollo gaalo ama bidco wax laga barto?

Warsame: Shiikh ma qasab baa in aan ku sheego wax walba oo aan samaynayo?

Shiikh Cabdi; Warsame i dhagayso, waan u jeedaa in shaydaan ku duufsaday ee labo mid soo gal, in aad bidco iyo gaalo raacdid iyo in aad culimadaada warkooda dhagaysatid oo amarkooda raacdid.

Warsame: Shiikh anigu gaalo iyo bidco ma raacin, culimadayda amarkooda kama hor imaanayo.

Shiikh Cabdi: Maxaad uga hor imaan wayday? Yaa kuu fasaxay in aad iskool aadid? Waliba iskool bidco? Maad culimada waydiisid waxa diintu ka qabto iskoolka inta aadan aadin?

Warsame: Shiikh waan aqaan waxa diintu ka qabto iskool. Iskool sow meel cilmi lagu barto maahan?

Shiikh Cabdi: waan aqaan? Intee ku baratay? Iskool waa meel shaydaamadu isugu yimaadaan oo ku kulmaan.

Warsame: Shiikh miyaadan i barin in Nabigeennu (csw) ummaddiisa faray in ay cilmiga u doontaan xattaa Shiinaha?

Shiikh Cabdi: Ha ku beenabuuran Nabiga khaainyohow! Waryaa xaggee Nabigu ku amray in gaalo iyo bidco cilmi laga doonto? Halkeense anigu kugu iri gaalo iyo bidco cilmi ka doono?

Warsame: Shiikh, Shiinuhu xilligii Nabiga (csw) ma muslimiin bay ahaayeen?

Shiikh Cabdi: Waryaa i dhagayso, ma aadaysid iskool, ma aadaysid, ma aadaysid.

Warsame: Shiikh aniga oo diintayda baranaya xertaydana ku dhexjira ayaan rabaa in aan iskoolna dhigto. Iskoolka aniga wax kale ka baran maayo ee waxaaan ka baranayaa Af Soomaali, Carabi iyo Xisaab. Waxaan doonayaa in aan iskoolka aado Sabtida, Axadda, Isniinta, Talaadada iyo Arbacada. Khamiista iyo Jimcahana masaajidka iyo mawlaca ayaan imaanayaa haddii Eebbe idmo.

Shiikh Cabdi: Warsame taasi ma soconayso ma na dhici doonto in aad iskool aadid.

Warsame oo hadalkaas ka kululaaday ayaa si caro leh u yiri “Shiikh i dhagayso, waan kugu ixtiraamayaa in aad Shiikhayga tahay diintana i bartay laakiin noloshayda anigaa u madaxbannaan haddii aan ganacsade noqonayo, haddii iskool dhiganayo iyo haddii aan iska ba dhaafayo.”

Shiikh Cabdi ayaa inta xanaaqay oo istaagay yiri “Iiga bax mawlaca shaydaanyohow oo iga qari wajigaaga.” Warsame asaga oo aan butulli u furin Shiikh Cabdi ayuu si deg deg ah iridda uga baxay.

Shiikh Cabdi Xamar ayuu aaday. Dhawr toddobaad kaddibna Biyooley ayuu siyaaraddii Shiikh Aways u aaday. Shiikh Cabdi intii uu Biyooley joogay ayaa xanuun ku soo booday kaddibna Xamar ayaa gaari loo soo saaray.

 Isbitaal Muqdisho ku yaalla ayaa la dhigay balse maalin markuu yaalay dhaqaatiirtii ayaa u sheegay in aan Muqdisho wax looga qaban karin, waxa ayna talo ku siiyeen in Nayroobi uu si deg deg u aado. Shiikh Cabdi Nayroobi ayaa diyaarad loo saaray.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN