Doob gaamuray! Q8AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q8AAD

Gobaad Heybe Warfaa, xaaladda welwelka iyo murugada leh ee ay dhex gashay awgeed, dhowr maalmood hurdo ma anay ladin oomatana  ka ma ay degin, waxaana taasi ugu wacnaa naxdintii ay ka qaadday meherka loogu garba duubay nin aanay iyadu guur iskaba daaye la hadliddiisa xataa aanay  raalli ka ahayn isuna quurin, kaasi oo ay  horay ugu soo tiri “Ka bul dheh oo cagta saar waddada” codsigiisana deyro iyo diidmo qayaxan ay jawaab uga soo dhigtay!

Mahad Cawaale Xirsi, oo aad iyo aad ugu faraxsan in uu Gobaad qabkeedii jabiyay oo ay xaggiisa soo martay ooridiisana ay noqotay, ayaa waxa uu durbaba billaabay, is diyaarin iyo inuu dhallinta degaanka oo hablo iyo inamaba leh uu ku war geliyo casuumaad ah ka soo qeyb galka damaashaadka arooskiisa, sidoo kale duqeyda iyo cuqaasha iyo weliba culimada degaanka oo dhan, ayuu farriimo u kala diray, si loo weyneeyo maalinta iyo habeen farxadeedka aqal galkiisa.

Dhanka kale, Gobaad oo aan war u haynin is diyaarinta iyo faanka seygeeda Mahad-dheere, ka ma dhaadhacsana in ay Oori rageed noqotay, oo waxa ay weli sii tabeysaa indhahana ay ku sii heysaa oo laabteeda dhex miranaya rabitaanka lammaankeedii ay ballanta iyo kalgacal wadaagga la ahayd ee laga indha saabay, oo ah mid aan maankeeda ka go’aynin, wax kasta oo la sheegana aan qalbigeeda marnaba si fudud uga tirtirmeynin.

 Jacaylka dhiigga iyo dhuuxa gaaray ee ay Guuleed u qabto awgii!, Gobaad waxey noqotay “Oori nin leh oo nin kale u ooman” taasi oo si kastaba ha ku timaaddee shareeca ahaan iyo dhaqan ahaanba aan meel mar ahayn lagana yeeleynin waalidkana aan u cuntameynin, iyadase ku ah laf dhuun gashay oo aayaheeda danbe ka dhigi karta geesaxir xilli walba ku nool sansaan kelinnimo iyo dareen ah leef oo ha liqin!

Heybe Warfaa oo ahaa Gobaad aabbaheed, ayaa isaga oo fadhiya ardaaga guriga isugu yeeray hooyada qoyska oo ah Xaadsan Diiriye iyo gabadheeda Xaali oo ahayd da’dii Gobaad ka weyneyd, wuxuuna kala tashaday, sida laga yeelayo aqal dhiska iyo guri gaynta gabadhooda, maadaama ay soo dhowaatay bisha mowliid oo ay  ballantu ahayd, in ay noqoto madasha aqal gaynta gabadhooda.

Hooyo Xaadsan, ayaa markiiba ku war bixisay “In ay u diyaarsan yihiin dhammaan agabyadii qurxinta guriga ay u hoyanayso inanteeda iyo wax waliba oo ku saabsan guurinta iyo sagootinta gelbiska arooskeeda”. Xaali Heybe, oo ah Gobaad walaasheedna waxa ay sii badhitaartay war gelinta hooyadeed, waxa ayna wacad ku martay “In aad loo la yaabi doono, lagana sheekayn doono damaashaadka iyo dabbaaldegga ay Gobaad u dhigi doonaan”

Odayga reerka oo Xaadsan iyo gabadheeda u mahad celinayay, ayaa qoyska faray warkana ku soo af jaray “Maanta laga billaabo Gobaad howl ku saabsan xoola dhaqid iyo mid guriba yaan loo dirin dibaddana yaanay u bixin ee aayar aqalkeeda ha lagu baxnaaniyo si qurux badanna ha loo dhaashdhaasho tan iyo inta uu seygeeda naga kaxaysanayo, taas oo annaga milgaheenna kor u qaadeysa” Warsan iyo weedhsan bayna talo ku soo idlaatay.

Gobaad oo ila xirka aqalka taagney dhegta u raaricineysay warka meesha ka socda, ayaa si weyn uga bogatay xanta ku saabsan diyaarinta guurkeeda iyo waxa ay waalidkeed la maaggan yihiin, waxa ayna iyada oo uu wadnuhuu gariirayo go’aansatay “Inta aanay dhalanin bisha mowliid in ay meesha ka cararto geerina ka xigto guri u gelista Mahad-dheere” Waxa ayna iyada oo nabdiga ka sheekeysaneysa mar kale ku gunuunucday “Geel iyo guunya kasta oo aad leedahay, wallee Mahadoow, gar xirkayga ma furtid gogolna ku la ma  galo!”

La soco qaybaha kale

W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN