XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 70aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 70aad

 

                                                         1-Xasan albasri 

Kaligey ayaan dhashay
Kaligey ayaana dhimanayaa
Kaligey ayaa qabiirga la i galinayaa
Kaligey ayaan alle hortiisa la istaagayaa camalkayga.
Maxaa iga galay dad iyo arrimahooda
Xasan Albasri

                                                 2- Waqtiga iyo doorashada 
Waad jeclaan kartaa qof aadan nolosha la wadaagin, taas macnaheedase maahan in socoshada ama la wadaagista qofka nolosha kaala dhaxayso ay dhaawacantay.
Nolosha midna waqtiga ayaa ku siiya midna adiga ayaa doorta, dhabta noloshase maahan midda aad dooratid ee waa midda waqtiga ku siiyo taas ayaana la doonaya in aad la noolaato
Mmusa

                                                      3- Ha xukmin

Xaakimka ugu caddaaladda fiican dunida waa Alle, isagana dunida uguma tala galin in uu dadka ku xukumo, qof walba wuxuu ugu tala galay in uu xukunkiisa ku guddoonsiiyo ilaa maalinta Aakhiro, inta ka sokaysa dadku waxay jaanis u haystaan in ay ka toobad keenaan dambiyadooda ama ay sii badsadaan.
Hadaba is waydiintu waxay tahay, haddiiba Abuuraha koonka uu sidaa ugu dib dhigay abuuristiise in uusan xukumin ilaa watigaa, maxaa adiga oo la mid ah kan aad xukminayso ugu dag dagtaa in aad xukmiso oo ku sifayso wax uusan waligiis ahaan doonin Qofka?
Ha xukmin dadka, dadku waa gafaan waana kasoo laabtaan, waa qaldamaana dibna waa isku saxaan, fadlan u kaadi oo ha ku dag dagin xukminta dadka, ma jiro qof qaldakiisa ku dhex jiraya waligiis.
Mmusa

                    4- Macnaha nolosha
Dhaqanka nolosha u sameysantahay ayaa ah marka aad dhaqantahay oo dhaqaaleesantahay in aad naftaada garan wayso oo waxa kuu roon iyo waxa kaa xun aadan kala garan garin.
Halka marka aad liidato oo dhaqaala xuntahay aysan dadku ku garan karin, macnaha nolosha waa sidaas, in marka aad ladantahay aad naftaada hilmaanto, marka aad liidatana dadku ku hilmaamaan.
Mmusa

                                                     5-Waqtiga, qalbiga, dhaqanka

Waqtiga
Qalbiga
Dhaqanka
Waqtiga waa go’aamiyaha waxa aad la kulmayso noloshaada.
Qalbigaadana waa go’aamiyaha waxa aad noloshaada la doonayso.
Halka dhaqanka uu yahay kan go’aamiya cidda noloshaada saamayn kusii yeelan karta iyo cidda aan ku yeelan karin.
Mmusa

                                                                 6- Malada
In malada dadka ay kaa maleeyaan ay wanaagsanaato waa wax macaan, sidoo kale in qof qalbigiisa aad dhex daganaatana waa nabad galayada ugu wanaagsan ee ay laabtaada hesho.
Mmusa

                                                           7-  Musiibo
Marka ay musiibo kugu dhacdo ha eegin oo ha ku mashquulin waxa kaa lumay ee dib u eeg waxa kuu haray.
Sh Mohamed Shacraawi Allaha u naxariisto

                                                     8- macnaha dhimashada.
Dhimashadu ma ahan oo kaliya in aad dunida ka qarsoonta ee waa mid wajiya badan ku timaada, sugashada aad wax sugato waa dhimashada qayb ka mid ah, quusta aad quusato waa dhimashada qayb ka mid ah, ku xiridda naftaada qof kale waa dhimashada qayb ka mid ah, ku kalsoonaan la’aanta naftaada waa dhimashada qayb ka mid ah, wax tar la’aanta iyo taya xumada acmaashaada waa dhimashada qayb ka mid ah, u halgamid la’aanta hadafkaaga waa dhimashada qayb ka mid ah.
Wax walba oo u aragto in ay kaa hor istaagi karaan hore u socodkaaga  waa dhimashadaada.
Mmus

                                                      9- Danta iyo Diinta
Marka si dhab ah loo eego dunida dabeecaddeeda waxaa kuu soo baxayso in waxa kaliya ee dadka mideeya ay tahay danta kala gasha ee ka dhaxaysa.
Intii isku dan ah ayaa isku koox noqoto oo danahooda wada ilaashada, hadaba waxaan is waydiiyay diinta ay dadku sheeganayaan iyo danta dadka ka dhaxayso teebaa saamayn badan? Teesa u dhow in ay dadka mideyso?
Mmusa

                                                    10-Wax walba 
Wax walba waxay u shaqayn doonaan sida loogu tala galay ee ma noqon doonaan sida aad jeceshshay.
Mmusa

                                                    11- Qofka raba
Qofka raba in uu xumaantaada arko indhahaba ha la’aado xumaantaada wuu arkayaa, sidaas si la mid ah kan wanaagaaga raba in uu arko wuu arkayaa.
Mmusa

                                                     12- Rag iyo dumar
Rag ninka ugu garaad yar waa midka dumarka ku qiimeeya jirkooda oo kaliye ee aan meel kale ka qiimayn.
Dumarna midda ugu garaadka yar waa midda ninka ku qiimaysa oo kaliya hantidiisa ee kartidiisa kale eegin.
Victor Hugo

                                             13-Kalsooni buuxda maya.
Ma ahan in ay kalsooni laabtaada buuxisaa mar walba oo dadka xagiisa aad kala kulanto wax ku farax galsha ama baahidaada daawo u ah, waa in aad mar walba lahaato qayb ka mid ah filashada xun, tan macnaheeda maahan in aan kugu dhiiri galinayo in aad malada xun badsato ee waa in aan doonayo in aad naftaada miisaanto oo mar walba ogaataa farxadda in ay ku lamaanantahay murugo oo marka farxadda waqtigeeda uu dhamaado ay murugada baddalayso.
Muhiimadda hadalkayga ayaa ah rajadaada wanaagsan ee dadka xagiisa yeysan si buuxda u kaamilmin, maxaa yeelay dadku waa kuwa la baddalma cimilada oo waqtiga ayaa marba dhinac u weecsha.
Mmusa

                                                 14- Ha is canaanan
Wax walba oo aad jeclayd samayntooda ama in aad gaarto aad jeclayd hadana waqtiga uusan kuu saamixin ma ahan in aad ku canaanto isla waqtiga ee waa in aad u garataa wax aad damcday balse fulintooda uusan waqtigoodu ku iman.
Ma ahan in aad isku canaanataa wax Waynaha kaa awodda badan uusan doonayn in ay fulaan aad adiga fuliso, wax walba waxay ka ahaadaan Alle xagiisa, hubaal in waqtiga uu asiga dhaho ay ahaanayso.
Mmusa

                                                    15- 4tan iska eeg
Nolosha waxba kama haysatid haddii aadan afartan haysan.
Jacayl
Daacadnimo
Ixtiraam
Runta

Afartaas qofka aan haysan waa ka sabool nolosha dhabta ah, maxaa yeelay, waa afarta ugu qaalisan nolosha uguna qiimaha badan.
Mmusa

                                                      16- Ixtiraam
Xushamdda ama ixtiraamka waa tiirka afaraad ee muhiimada nolosha lagu qiimeeyo, qof walba karaamo ayuu la yimid marka uu dhalanayay, marka uu dhimanayana karaamadaas ayuu mudan yahay.
Xushamdda ama karaamada qofka waa lama taabtaan, ma ahan in loo eego ficilka uu sameeyo iyo fahamka laga qabo noloshiisa, muhiimadda ayaa ah in qof walba mudan yahay ixtiraam.
Mmusa

17-Runta
Runta waa tiirka saddexaad ee ugu muhiimsan nolosha Aadanaha, runta mararka qaar waa xanuun badan tahay fool xumana waa u muuqan kartaa sidoo kale liidimaad, hadana macaankeeda iyo iftiinkeeda waxaa la dareemaa marka la dhadhansho.
Runta waa lagama raystaan ayaa la yiri inta aad been ku noolaan lahayd waxaa dhaanta in aad runta ku noolaatid, maxaa yeelay, waa dhabta kaliya ee jirta ee aan la difiri karayn.
Runta waa mid ka mid ah muhiimadaha nolosha ugu qaalisan, sidaa darteed, runta naftaada ku noolow duruuftaada sida ay doontaba ha noqotee.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN