XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 72aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 72aad

 

                                              1-Waa riyoonayaa!!!!
Waqti walba oo kula qaato waa mid iiga dhigan malaayiin waqti oo u qalanta nefsashada nolosha aan ku neefsanayo.
Waqti wacan waan wada qaadanay, waxaan xusuustaa quudinta aad gacantaada igu quudisay, waxaan xusuustaa indha isku qabadkaaga iyo u dhuglaynta erayada qalbigayga kasoo baxayay.
Waxaan xusuustaa sida dagan ee aad qalbigayga ula faqi jirtay, waxaan xusuustaa sakan walba oo farxad ah ee aad ila qaadatay, waxaan xusuustaa walina aan ku noolahay riyada macaan ee naftayda ay la kowsatay marka aad kusoo biirtay.
Waxaan ku noolahay rajadaada ah, in inta badan aan ku sugo ay la mid noqon doonto inta badan ee aan noloshayda ku faraxsanaan doono, dhandhansan doonana dhibcaha macaan ee bushimaaga kasoo da’i doono.
Waa laga yaabaa in aan hadda hoos ahay, taas macnaheedase maahan in aadan dhadhan ii lahayn ee waa dhabta nolosha waxa aan qaadan la’ahay.
Xusustaada macaan igama go’do, marka aan riyadaada aniga oo ku jira soo baraarugo, dhabta noloshana dib u dhadhansho waa marka kaliya aan dunidan naco.
Soo la yaab maahan qof nool oo caafimaad qaba hadana riyada ka door bida in uu dhabta dunida kaga noolaado.
Waan dhibanahay runtii dhaawacna waan ahay,dhabtuse waxay tahay in aadan daawa u noqon karin taaha iyo tiiraanyada aan la dhutinayo, maxaa yeelay adiga ayaaba iga sii daran oo xornimada aan haysto haysan xabsina ugu jira xujo waqtiga kuu yaboohay.
Waan riyoonayaa inta aan roonahay, waan riyoonayaa inta aan neefsanayo, waan riyoonayaa inta aan meel kugu ogahay, waan riyoonayaa inta aanan hilmaamayn raxmaddaada, waan riyoonayaa inta aan roobka kulankeena filayo imitaankiisa.
Waan riyoonayaa maxaa yeelay riyadu waa midda kaliya aan kugula noolaado nolosha faraxadda ii ah.
Waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa, eed ma lahayn mana lahaan doontid waligaa, dareenkayga iyo diirimaadka naftayda daa’in ayaan u kaashanayaa.
Mmusa

                                      2-Waqtiga iyo Wadka
Fasixidda aad mararka qaar fasaxdo qof kugu qaali ah micnaheeda waa in aad ka nasiib badantahay dad badan oo aan haysan dareenka qof ku qaali ah, in qofkaas aad fasaxdana micnaheeda waa in ay jireen duruufo kugu kallifay in aad sidaa samayso.
Waqtiga iyo watkuba dadka lama tashadaan, waxay yimaadaan waqti aanan haboonayn, is waydiintuse waxay tahay goormee tahay in ay yimaadaan?
Mmus

3-Dhabta iyo dhalanteedka 
Dhabta aad ku nooshahay ha hilmaamin adiga oo raadinaya dhalanteedka quruxda badan ee marba dhinac kaaga ifayo.
Dhabta aad ku nooshahay ayaa mar walba ka dhadhan badan dhalanteedka aad macaansanaysid, dhaayahaaga iyo dhagahaaga dhabta ku dhur.
Mmusa

4- Xxxxxxxxxxxxx
Xumaha xurmo ku baddal
Xiisaha xulasho ku baddal
Xaaraanta xalaasha ku baddal
Xeerka xaqa uga hiili
Xadka ha ka bixin oo xakamaha dhuuqso
Xalay dhalay kasoo qaad xad gudubka
Mmusa

                                              5-Ciilka iyo cuqdadda.
Ciilka iyo cuqdadda badan ee aad ka qaadday gafka ay kugu sameeyeen kuwa xumaha u saaxiibka ah yuusan kugu kallifin in aad ku dhaqaaqdo aargudasho amaba aad ku fakarto sida aad xumayn lahayd ama u dhaawici lahayd.
Waxa kaliya ee kula gudboon ayaa ah in aad samirka badiso isna dajiso adiga oo ka fakaraya saamaxaaddooda, hubaal in naftooda ay canaanan doonaan, inta ay kuu geesteen in ka badana ay isku geesan doonaan, waxaa kaloo hubanti ah in aad daawan doonto dullinimadooda haddii Daaiinku (Alle) taa kuu saamaxo.
Mmusa

                                     6- Sida ay u mauuqato maahan.

 

Qof walba oo dunida ku nool wuxuu la noolyahay Qiso ku saabsan noloshiisa, wuxuu kaloo la nool yahay Sir u qaas ah, wuxuu la nool yahay wax badan oo duruuftu ku kalliftay balse uusan dooran lahayn haddii waqtigu uusan ku kallifin, xikmadda ujeeddadayda waa in aadan ku dag dagin eedaynta iyo faafinta xumaha iyo falsafadda naftaada ay kuu qurxisay ee ku aadan qofkaas.
Wax walba sida aad u cabbirtid maahan,dunida marka aad kor ka eegtid hal qof iyo hal geed kuma aragtid oo waa kubad oo kale, marka aad usoo daadagtid gudaheedana geedaha iyo inta k nool ma xisaabin kartid sidaas si la mid ah xaaladaha kal duwan ee ku qarsoon, muhiimadda waa in sida ay wax kuula muuqdaan aysan ahayn ee sida ay tahay aad hubsatid inta aadan tilmaan ku dag dagin .
Mmusa

                                       7- Dulqaadka iyo cudurdaarka
In lagu dhaawaco oo wax dhaawacid waa dabeecadda nolosha, dan uga bax, muhiimadda waa in dulqaadkaagu badan yahay marka lagu dhaawaco, marka aad wax dhaawacdidna cudurdaarka aadan hilmaamin.
Mmusa

                                        8-Farriintaada hawada u dir
Waxay dhaheen geedka geedaha ugu dhaawaca badan ee dhangadaha iyo dhagaxaanta ugu badan ay ku dhacaan waa midka miraha macaan, sidaas ay tahayna kama daalo geedkaas in uu soo saaro mirahaas macaan ee ay quudanayaan kuwaas dhagaxa iyo dhangadaha la dul taagan, geedkaas isaga oo la hadlayo kuwa dhaawaco ayuu yiri ” waa shaqadayda iyo waxa Rabi ii uumay in aan ku quudiyo dheecaankayga doqomadan aan mahdinta badnayn, naxariis iyo naruuro Rabi ayaan ka sugayaa”
Micnaha aan uga dan leeyahay ayaa ah sida aad rabto u qiima badnow una macaan badnow, mar walba waxaa jiraya kuwa u taagan dhaawacaaga, kuwaas oo noqon kara kuwa aad dhashay, kula dhashay, u dhaxdid, kuu dhaxdo, muhiimadda waa in aad garataa waxa aad tahay ee u taagantahay iyo waxa lagaa doonayo.
Filashadaada ha noqoto mid aadan hareerahaaga ka filan oo kor ka filato, farriintaada u dir hawada sare, filashadaada in aysan ku niyad jabinayn waa hubaal.
Mmusa

                                         9- Qaaddicid iyo qaddarin
In aad wanaagsantahay micnaheeda maahan in aadan u qalmin in lagu eedo, Eedda waa waxa aad u dhalatay, xusuusnow in sida laguugu farxay maalinta aad dhalatay aan laguugu farxi doonin maalinta aad dhimato, farqiga u dhaxeeyo labadaasna waa amaantaada iyo eeddaada.
Sida aad rabto u wanaagsanow ma eed la’aan doontid, qof wanaagaaga xumaan u arkana wuu jirayaa ee u diyaar garow kuna tala gal in talaaba kasta aad qaadaysid ay qaadicid iyo qaddarinba leedahay.
Mmusa

                                      10-Abuur Xusuus wanaagsan
Dadka qaar waa kuwa u taagan isticmaalka dadka kale, qof waa isticmaali kartaa waqti kooban, balse, ilaa goormee sii isticmaali kartaa is waydii?
Duruufaha loogama faaidaysto qofka kuu baahan si khaldana loogama faaiidaysto inta uu usoo hanqal taagayo xagaaga.
Xusuusnow in qof walba waqtiga uu keeno isla waqtigana uu la tago, xusuusta iyo dhaqanka wanaagsan ee la kala dhaxlana waa mid jirta mar walba oo waqti kuma xirna, fadlan abuur xusuus wanaagsan, sameena dhaqan wanaagsan oo lagugu xusuusto.
Mmusa

                                      11-Dhaliisha dhabta
Maxaad ku eeddaa qof kuu muujiyaya in uu kugu dareenyahay, balse dhabta ku xeeran noloshiisa ay dhabarka ka jabisay, dhudhun talaaba ahna xagaaga in uu usoo qaado aan awoodin.
Dhabta waa mid dhaliisheeda leh mararka qaar balse aan la dafiri karayn.
Mmusa

                                       12-Dharaarta dhabaha
Xusuusnow in qof walba ku jeclaan karo marka aad ladantahay, marka aad liidatase waa marka ugu wanaagsan ee aad baran karto qofka dhabta kuu jecel ee wax walba kula mari kara.
Kuwa maslaxadda kugula socda saantooda ma dhirir badna ee waa mid dhowraysa dharaarta uu dhabaha kaa soo xirmo.
Mmusa

                                           13-  Dulqaadka 
Dulqaadku waa casharkaaga maanta, waana faaiidadaada barito, inta badan ee dulqaadkaagu bato waa inta badan oo faaiidadaadu badato.
Mmusa

la soco axad walba

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN