XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 74aad 

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 74aad

 

                                    1- Khaladku waa khibrad.
Khaladku wuxuu kordhiyaa khibraddeena, khbaraddeenana waxay yaraysaa khaladkeena, dadku guushaada ayey eegtaan ee guul darradaada waxba kuma falaan, waxa qofka looga daydo waa guusha iyo waxa wanaagsan, ma jirto cid wax ku falaysa wax xun ama wax aan waxba soo kordhinayn.
Mmusa

                               2-  Diin iyo dadnimo 
Ma ahan Diin iyo Dadnimo midab saldhig looga dhigay is fahamka, ee daruuf iyo danta guud oo la isla gartaa waa waxa ina midayn kara.
Diinta waa dariiq uu qof walba rabigiisa kula kulmaya kagana helayo waxa uu mutaystay abaal marinteed, dadnimada iyo fahamka danaha guud  ayaa ah guusha iyo garsoorka dhabta ah ee nolosha dunida.
Mmusa

                                 3- In aad hartaa aqbal
Wax aan kuu hagaagin hagaajintooda waqti ha iskaga lumin, wax walba ayaga oo ku doonaya sida aad doonaysidna ah waa in ay kuu yimaadaan, adiga dadaalka la imow,  hana quusan, balse marka ay tahay in aad hartaa waa in aad aqbashaa.
Mmusa

                                   4-Wax walba xal ayey leeyihiin
Alle kuma siiyo dhibaato aadan xallin karayn, dhib walba xalkiisa wuu la socdaa, wax walba Alle laba ayuu ka abuuray uguna tala galay, sidaa darteed, marnaba ha malayn wax kugu kali ah oo aan la xallin karayn in qoorta laguu galshay.
Mmusa

                              5-Ixtiraamka dadka
In aad dadka ixtiraamto micnaheeda maahan in aad dana gaar ah ka leedahay ama si aad uga baqanayso, ee waa Akhlaaqdaada xitaa haddii aysan mudnayn.
Mmusa

                                  6-  Milicsi
Way wanaagsantahay in dib loo milicsado waqtiyada wanaagsan halka lagu mashquuli lahaa waqtiyada xun, in aad dib u milicsato wax ka mid ah waxyaabaha noloshaada ku dhacay ama soo maray waa qasab oo maskaxda sabab la’aan ayay mararka qaar is celisaa.
Mmusa

                                 7- Is difaacidda
Is difaacidda waxay ku wanaagsantahay taabashada xaqiiqda jirta, haddaad isku difaacdo been iyo arrin aan jirin, waxay ka dhigantahay in aadan is difaacin, balse naftaada aad galisay khatar ah in aysan dib dambe isku aaminin oo mar walba ay is inkirto iyada oo weerar ka cabsanaysa.
Mmusa

       8-Kala leenahay
Ma ahan in aad u qiran waydo marka uu ku waydiiyo xusuustaada hore qof kula sameeyay, xusuusnow, oo u fahan, in xusuustaada wanaagsan ay tahay hantidaada qaaska ah, oo qof kula leh uusan jirin.
Haa wuu jiri karaa qof kal sameeyay xusuustaas, balse isagana dhinciisa ayuu ka leeyahay, sidaa darteed, waa inoo muhiim in aan kala garanaa waxa aan isla leenahay iyo waxa aan kala leenahay.
Mmusa

9-Macnaha nolosha
Nolosha macnaheeda ayaa ah in marka wax cusub oo hammi aad ka lahayd ay noqon waayaan sida aad filaysay, in aad dib ugu laabato wixii hore oo is barbardhig aad samayso, markaana laga yaabo in wixii hore ay kaaga fiicnaayeen waxa cusub.
Mmusa

10-Xusuusnow 

SHEEKOOYIN