Sheeko gaaban:Aqriska iyo Ogaalka W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Aqriska iyo Ogaalka

Waa goor aroornimo ah Kayd wuu soo jarmaadey si uu wareysigii uu laha qoladii shaqada uu dirsadey ee ballamisey u tago.

Waxa uu soo kaxaystay baabuurkiisa waxa uu yimid meel kaalin shidaal ah dhanka kalena dukaan wax lagu iibiyo ah, wuu ku hakadey si uu Bun iyo roodhi Af bilow ah uga iibsado.

Waxa uu soo galay meeshii oo qof qudha maalintaas ka shaqeynayo dad badana is daba joogaan, wuxuu arkey gabadh ka dambeysay oo rabta inay lacag shiidaal iska bixiso oo takara dhabaneysa degdeg iyo deganaan la‘aana ka muuqato, haddana ahayd gabadha keliya ee meesha joogtay

Kayd waxaa ku soo dhacday buug uu aqriyey oo ay ka mid ahaayeen tuducyo samafalka bulshada” dareen dadka agagaarkaaga jooga iyaga oo aan waxba ku weydiina isku day inaad ogaato, inuu gargaar kaaga baahan yahay, adiguna ha weydiin!

Kayd oo halkaas ka duulaya ayaa si kaftana ayuu inta u baneeyey hortiisa ayuu cod dheer ku yidhi Marwadu ha horreyso( Lady is First) dhammaan raggii meesha joogay ayaa u wada banneeyey ilaa ay noqotey qofkii koowaad iyada oo qoslaysa aad u riyaaqsan ayey u mahad celisay.

Markuu Kayd sidaa sameeyey isaguna wuxuu ahaa qofka koowaad ee arrinkaas bilaabay sidaa awgeed gabadhu foolkiisa ayey ka buuxsatey ka bogatey si aysan u ilaawin haddeyba dhacdo iney dib u kulmaan, waxayna u qirtey wanaag.

Kayd waa iska soo baxay wuxuu yimid halkii balantu ahayd, wuxuu fadhiistay qolka sugitaanta ama qolka koroshada, kaddib waa loo yeedhay.

Gudaha markuu soo galay waxaa fadhiya saddex qof, Wiil dhallinyaro ah, Oday madax cad oo boos ah leh iyo Gabadh dhexdooda ku jirta, gabadhu waa gabadhii ay hore usoo kulmeen ee uu saaka samaanta u sameeyey.

Waxaa bilowdey wareysigii, markii wax walba wax laga weydiiyey dhanka aqoonta uu leeyahay hawsha loo igman doono iyadoo hore loo arkey caddeymihiisa iyo maragfurkiisa ( Shahaado) u soo dirsaday ayaa haddana qofnimadiisa lagu bilaabay Jirib iyo bilkayd waxaana qof weliba weydiiyey hal weydiin Odaygii ayaa ku bilaabay : Sidee baad u toosin lahayd gefkaaga ama surmaseegtadaada?

Kayd wuxuu soo xasuusto: Waaberigii salaaddi subax kaddib inuu aqristay kitaabka Riyaadu Saalixiin gaar ahaan cutubka Garowshaha iyo gef qirashada ( Baabul Tawba) kaddib isaga oo aan is dhibin ayuu yidhi:

  • Gefkayga waa qiran lahaa oo ma qariyeen garoowshiiyona wa ka bixin lahaa
  • Waa ka xumaan lahaa oo ka tiiraanyoon lahaa gefkaan falay
  • Dibna waan uga waantoobi lahaa inaan sameeyo gefkaasoo kale

Odaygii sidaasu ugu coddeeyey, waana ku raacay inay tahay habka keliya ee gefka looga noqon karo.

Wiilkii ayaa weydiiyey: Maxaad samaynaysaa, haddii qof ka mid ah hawlwadeennada kugu gardaroodo ama kuu gefo?

Isla markiiba waxaa ku soo dhacday: Aayadii quraanka ahayd ee ka hadlaysay habdhaqanka wanaagsan ee dadka eebbe rumeeyey,  iney yihiin  kuwo cadhadooda qariya dadkana iska ilaawa xumaha ay ku falaan.

Kayd wuxuu yidhi: Waan iska dhaafi lahaa, kamana aarsadeen ilaa tiro saddex jeer hadduu waxba qaadan waayona eedeyn ka dhan ah ayaan madaxda iga sareysa u gudbinayaa.

Wiilkii aad ayuu ula dhacay aragtidiisa, waayo waa hab wanaagsan oo dulqaad iyo adkeysi ka muuqdo lagana rabo qofka la rabo inuu koox hoggaamiyo.

Gabadhi ayaa tidhi: Kuma weydiinayo dadka aadan aqoon sida aad ula dhaqanto waayo hawshayda maanta waa ka soo daahi lahaa haddaadan ii fududeyn weliba garasho iyo furfurnaanba waad u dhalatey ee ku soo dhawoow mudane hawlgal wanaagsan.

Kayd: Waxaa uu ku helay shaqada, laba arrimood oo nolosheena u ah lama huraan, waa samafal iyo aqriska.

Wax kasta oo aad aqridaa Diin iyo Aqoon ama ogaal kale waa kuwo ku baraya hab dhaqan fududeeya nolosha. Aqrisku mar waa wehel oo cidlood maysid, marna waa cashar oo bare ayuu kuu noqonayaa wax ku tusa, marna waa fure kuu fududeeya irdo kaa xidhnaa maareyntooda.

Mahad badan

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN