WAAYIHII WARSAME Q12AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q12AAD

Warsame  iskoolkii si fiican ayuu u la jaanqaaday casharradiina si wanaagsan ayuu u dhex galay. Labada maaddo ee Afka Soomaaliga iyo xisaabta ayuu aad u jecel yahay waana u fudud yihiin waxaase xoogaa ku adkaykaaday Af Carabiga oo intii uusan iskoolka imaaan uu xoogaa ka jajabsan jiray, waa intii masaajidka ku soo bartay balse dhibka haysta ayaa ah in kan masaajidka uusan ku hadalka soo baran oo inkasta oo uu ujeedka iyo dulucda erayada iyo weedhaha garan karay heli karayna biyadhacooda haddana af Carbeedka kuma hadli karin.

Hadda iskool waxaa lagu barayaa ku hadalka oo wada sheekaysi iyo sheeko qorid ayaa la baraa. Fasalka xisaabta oo dhawr iyo toban arday dhigtaan waxaa dhigta Gaboobe oo ah ayniga da’da Cabdulwaaxid.

Inta badan waxa ay isku meel fariistaan Warsame. Maalmo kadib si fiican ayay Gaboobe iyo Warsame is barteen oo casharrada, haddana wax bay isla aqristaan ayay islana naqtiinshaan inta badanna Gaboobe waa uu yaqaan casharada la dhigo oo waxaadba u malaysaa in uu horay u soo dhigtay.

Warsame oo arrintaas la yaabban ayaa galab mar ay fasalka xisaabta ka soo baxeen ayna sugayaan kan carabiga in ay galaan ayaa Gaboobe waydiiyay in uu xisaabta horay u soo dhigtay iyo inkale?

Gaboobe ayaa ugu jawaabay “haa, 20 sannadood ka hor ayaan dhigtay oo xisaabta ilaa fasalka 10aad ayaan ka gaaray”.

Warsame oo la yaabban waxa ninka wayn ku soo celiyay meel uu 20 sannadood ka hor dhaafay ayaa yiri “Oo maxaa dhacay oo aad dib ugu soo noqotay?”

Gaboobe: Waxbarashada oo dhan ayaan ka saaqiday marka hadda ayaan go’aansaday in dib wax u barto.

Warsame: Oo maxaad uga bilaabi wayday halkii aad uga tagtay si aan waqti kaaga lumin?

Gaboobe: Maya! Waxba garan aan maayo oo qof cusub ayaan la mid ahay.Tan kale waxaa ii fudud in aan hoos ka bilaabo haddii kale kor ayaa igu adkaanaysa, sidaas darteed ayaan go’aansaday in kooraskaan degdeg ah sammeeyo.

Warsame: Oo ma deg deg baa fasalkaani?

Gaboobe: Haa, ma ogid miyaa?

Warsame: Maya ma ogi

Gaboobe: Waa kooras deg deg ah oo ah fasalka saddexaad ilaa kan siddeedaad oo la isku jacburiyay. Waxaa loogu talagalay dadka waxbarashada ka daahay sida adiga oo kale iyo kuwa ka saaqiday aniga oo kale.

Warsame: Oo miyaan ka daahay?

Gaboobe: Maya ee waad u soo dhaqsatay!. Xilligaan waxa ahayd in aad dhiganayso fasalka 11aad ama kan 12aad ee dugsiga sare.

Warsame: Oo goormaan gaaraynaa dugsiga sare?

Gaboobe: Adiga iyo dadaalkaaga ayay ku xiran tahay. Anigu lix bilood ayaan halkaan joogayaa kaddibna dugsiga sare ayaan imtixaan u galayaa.

Warsame: Haye, dugsi sare kaddibna?

Gaboobe: Kaddib waxaan ii qorsheysan in aan dibadda tan iyo heer jaamacad u aado waliba Suudaan ama Masar ayaan jeclahay in aan heli doono.

Warsame: Jaamacaddana maxaa laga bartaa?

Gaboobe: Oo jaamacad ma taqaanid miyaa? Jaamacadda waxaa lagu bartaa aqoontii koobeyd ee dugsiyada oo kala baxday heerkeeduna sarreeyo.

Warsame: Ninyohow waad dadaalaysaa ee aniguna sidaas ma samayn karaa?

Gaboobe: Haa, maxaad u yeeli wayday? Adiga ayaa iga nasiib badan oo dhallinyaro ayaa tahay, balse,waa in aad maaddooyin dheerad ah baratid sida Ingiriiska iyo Sayniska haddii kale dugsi sare ma heli doontid.

Warsame: Ingiriis fahmay ee Saynis na muxuu yahay?

Gaboobe: Saynisku waa aqoonta deegaanka iyo uunka, waana qaybo kala duwan oo isku dhafan haddana kala dhigan waxaana loo kala qaada saddex qaybood sida; Kimistiriga, Fiisigiska, bay’oolojiga.

Warsame: Mir kama fahmin waxaa aad daldashay.

Gaboobe dhib ma leh aniga ayaa caawa si fiican kuugu faahfaahinaya fasalladana berri ayaan kaa soo qorayaa. Waliba waxa aan hayaa buugaagta seyniska ee fasallada koowaad ilaa shanaad kuwaas ayaan kuu keenayaa halkaas ayaad ka baranaysaa.

Warsame:  Waad mahadsan tahay saaxiib.

Gaboobe; Adigaa mudan.

Warsame: Saaxiibow waxaan ku waydiiyay, waagii aad yarayd maxaa kugu dhacay oo aad waxbarashada uga saaqidday?

Gaboobe: Saaxiib dhallinyaranimo iyo doqonnimo ayaa i qaaday. Waalidkay oo wax walba ila garab taagan ayaan waxbarashadii diiday. Waxa aan la saaxiibay dhallinyaro baabuurrey ah oo balwad i baray. Baabuur wadidda iyo magaalo wareegga ayaa wax fiican i la ahaa. Ma aanan ku baraarugsanayn sida ay lagama maarmaan u tahaywaxbarashadu leedahay.  Aniga oo sidaas ah ayaan guursaday. Markii aan guursaday waxaa igu adkaatay in aan qoyska biilo, dhawr sharikadood oo niman aan tol iyo xigaal nahay leeyihiin haddii shaqo la iga siiyayna ma lihi tabtii iyo aqoonti oo ugu yaraan waa in aad afafka qalaad (Carabiga iyo Ingiriiska) mid ka mid ah ku hadli kartid qorina kartid aniguna midkoodna ma qori karo kuma hadli karo.

Taas ayaa igu dhallisay in aan waxbarashada ku soo laabto. Warsamow saaxiib ayaan dhawayd Hay’ad ayaa shaqo la iga siiyay laakiin booskaygi waxaa la galiyay wiil yar oo adiga oo kale oo Ingiriiska yaqaan anigana mar waardiye ayaa la iga dhigaa marna wiilka yar ayaan darawal u noqdaa oo baabuurka ku wadaa. Haddaan Ingiriis aqoon lahaa wiilka yari shaqada iga ma qaateen.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN