Home Qoraallo DIB U KAABIDDA AFKA IYO FARTA SOOMAALIGA W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

DIB U KAABIDDA AFKA IYO FARTA SOOMAALIGA W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

1
SHARE

DIB U KAABIDDA AFKA IYO FARTA SOOMAALIGA.

HORDHAC

Afka Soomaaliga oo ah af aad u hodansan dhan walba oo laga eegana ka dhisan, baa la sheegaa in uu curdin yahay oo bilawgii toddobaatanaadkii la aasaasay qoristiisa, hayeeshee uu soo maray heerar kala jaadka ah.

Haddaan inyar ka xuso taariikhda afka Soomaaliga iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu soo maray, anigoo milicsanaya murtida odhanaysa, “Taariikhdu dadkay bartaa, dunida waayaheeda”, wuxuu afka Soomaaliga soo maray heerarkan;

• Sannadku markuu ahaa 1920kii bey taariikhyahannadu weriyaan in ay ahayd jeerkii ugu horreeyey ee lagu taamo in la helo far ay Soomaalidu gaar u leedahay oo qoran.

• Cismaan Yuusuf Keenadiid oo ka mid ahaa boqorradii ka talin jirey saldanadihii ka jirey deegaannada ay Soomaalidu degto midkood, ayaa ahaa sida la weriyo qofkii ugu horreeyey ee ku fekera in ummadda Soomaaliyeed hesho far u gaar ah.

• Sannadkii 1922kii buu keenay Cismaan Yuusuf Keenadiid far la odhan jirey “Cusmaaniya”, fartaasi meelo kooban bey ka hirgashay, mana ahayn mid ay wada qabatimeen dadyowga Soomaaliyeed.

• Sannadihii 50aadkii-60aadkii, waxaa bilawday abaabullo xooggan oo lagu doonayo far qoran oo ay Soomaalidu gaar u leedahay. Hayeeshee waxaa laysla meel dhigi waayay in ay fartu noqoto far Carbeed iyo in ay Laatiin noqoto.

• Oktoobar 21, 1969kii bey ahayd dadaalladii iyo abaabulladii ugu xoogganaa ee abid ay Soomaalidu samayso, si ay u hesho far qoran oo ay leedahay.

• Jaalle Maxamed Siyaad Barre baa magacaabay guddi ka kooban 21 xubnood si ay ummadda Soomaaliyeed ugu soo saaraan far qoran oo ay leedahay.

• Guddigan ayaa lahaa guddi hoosaadyo sida, guddi hoosaadka qaabilsan qorista Qaamuuska, Sooyaalka, Juquraafiga, Sayniska iyo Naxwaha.

• Guddigan oo loo xilsaaray soo saaridda far qoran oo ay Soomaalidu leedahay, ayaa isku raacay in farta Romaanka ama Laatiinka ay noqoto farta ay Soomaalidu leedahay iyagoo u sammeeyey Naxwe dhammeystiran. Waayo, mashiinnadii markaa yiillay baa ahaa kuwa qaddoodu tahay Laatiin. Sidaa la ajligeedna umay suuragaleyn in ay mashiinno cusub soo iibsadaan, sababo jirey awgood.

• Muddo ku siman 22 bilood bey guddigu ku qoreen, diyaarna uga dhigeen dhammaan buugta dugsiga hoose iyo dhexeba.

• Kolkay guddigii dhammaystireen dhammaan Naxwihii iyo buugtii kala duwanaa ee aasaasiga u ahaa afka Soomaaliga bey shaaciyeen 1972kii in farta Soomaaligu tahay midda ay soo bandhigeen oo ah middan, aan hadda qormadan kuugu soo gudbinayo.

• Laashin Cabdulle Raage Taraawiil ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey ee daaha ka qaaday in afka Soomaaligu ku koobnayn 26 xaraf oo keliya, asii uu yahay 32 xaraf oo kala ah:

B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y = 21 shibbane.

A E I O U = 5 shaqal gaab.

AA EE II OO UU = 5 shaqal dheer.

HAMSA = Hamsadu waa hal uun. Waana (’). Tusaale (Lo’, tu’, gu’, so’ IWM).

Tirada guud = 21+5+5+1 = 32 xaraf.

Waxaa caddeyn buuxda u ah laashinku tix uu tiriyey horaantii 1970kii oo ahayd;

1- Labaatanya kow aamustiyo, shaqal irmaaneeya.

2- Amran iyo tilmaamiyo gudbe, aade iyo jooge.

3- Isku dare xiriiriye falkaab, ereyadeeni ah.

4- Ebyan iyo haddaan magac-u-yaal, ku arkay joornaalka.

5- Mar haddii afkaygii la qoray aabbe iyo hooyo.

6- Mar haddaan amaahsigii ka baxay, lagu agoontoobay.

7- Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye.

8- Amiirnimo sin iyo garab ah jirtey, nagu abuureene.

9- Afafkaa qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibay.

10- Anaa macallimo raba dad loo, furo iskuuladii.

• Muddo ku siman dhowr iyo labaatan sanno ayay ummadda Soomaaliyeed ku jireen dagaalo sokeeye, waxaa halkaa ku lumay buug badan oo yiillay keydka qaranka, akademiyadda iyo xafiisyada dawliga. Sidoo kale waxaa lumay buugtii dugsiyada dalka yiillay. Sidaa ay ullumeen iyana waxaa u sii dabar-go’ayay afka Soomaaliga oo burburkii saameyn weyn uu ku yeeshay. Haddaba sidee beynu dib ugu soo kaabi karnaa afka Soomaaliga ee bohosha gunta dheer ku dhacay?.

DIB U KAABIDDA AFKA IYO FARTA SOOMAALIGA.

Waa hubaal inteenna u dhuun duleesha afka Soomaaliga iyo dhigaalkiisaba, waxaynu wada doonaynaa dib kaabidda afka Soomaaliga iyo dhigaalkiisaba. Hayeeshee ninba si buu u kaabayaa, ama waddo gaar ah iyo tab/hab gaar ah buu adeegsanayaa. Dadkuna isku mid maaha mana jiro qof ku dhashay maarreynta arrimaha iyo gorfeyntoodaba.

Waxaan waayadan danbeba daalacanayey aadna ugu kuurgalayey qoraallo, curisyo iyo maqaallo ay qoreen dadyowga u dhuun-duleela afka Soomaaliga. Intaan xuuraansigaa ku guda jirey, waxaan la kulmay dadyow badan oo qoraayo isku sheegaya oo aan sinnaba qoraa ku noqon karin, iyo qaar badan oo dadyowgaa ka mid ah oo aad isleedahay malaha nus qarni bey saaxadda qoraalka ku jireen. Sidoo kale intaan akhriska qoraalladaa ku guda jirey, waxaan la kulmay qaar qoraalladaas ka mid ah oo aanan haba yaraatee wax aqoon ah ka kororsan, iyo in badan oo ii bidhaamiyey aqoon baahsan oo iga daahsooneyd.

Haddaba waxaan qormadan kooban kuugu soo bandhigi doonaa tallooyin iyo xirfado qoraaga ka caawin kara in uu qoraalkiisu noqdo mid mira dhal ah, saameyn balaaranna ku yeesha akhristayaashiisa, iyo in qof walba oo Soomaali ah ay suuragal u noqoto ka qeyb qaadashada dib u kaabidda iyo kobcinta afka Soomaaliga iyo dhigaalkiisaba.

FG; Waxaa habboon in qof walba oo Soomaali ah dhaqangeliyo arrimahan soo socda, si uu u kaabo afka Soomaaliga:

1- Qoris joogta ah.

2- Akhris badan

3- Ku hadlid joogta ah.

4- Erey bixinno hor leh.

5- Dood cilmiyeedyo badan.

6- Ku adeegsiga xafiisyada dawliga iyo maxalliga.

7- In looxyada/boodhadhka lagu daabaco.

8- In qudbaha lagu soo jeediyo.

9- In dhalaanka loogu wanqalo magac Soomaali.

10- In barreyaasha dugsiyada laasintaan adeegsiga afka Soomaaliga.

11- In jaraaidka lagu daabaco afka Soomaaliga.

12- In manaahijta dalka ay afka Soomaaliga ku baxaan.

13- In cashirada dugsiga hoose iyo dhexeba lagu bixiyo afka Soomaaliga.

14- In la tafatiro dhiganayaasha, curisyada iyo maqaalladaba inta aan la baahin.

15- In leysugu maansoodo.

16- In muuqaal-baahiyayaasha iyo maqal-baahiyayaashuba adeegsadaan afka Soomaaliga.

17- In la wacyigelinno loo sameeyo hooyooyinka, barreyaasha iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee hab adeegsiga afka Soomaaliga tolmoon.

18- In ay dowladdu sameyso guddi heer qaran ah oo kormeera dhammaan xafiisyada, goobaha ganacsiga, dugsiyada iyo dhammaan wixii soo raaca, siduu uga dhaqan galay afka Soomaaliga.

19- In la sameeyo kunjeertooyin lagu sarreysiinayo qiimaha afka Soomaaliga.

20- In tartan curiseed afka Soomaaliga ah loo qabto ardayda Soomaaliyeed, abaalmarinna looga dhigo buug afka Soomaaliga ku qoran iyo in dalxiis loo geeyo goobaha taariikhiga ah ee dalka.

21- In abwaannada Soomaaliyeed loo sameeyo bandhigyo maansooyinkooda la xiriira.

22- In laga hor tago wax walba oo lid ku ah afka Soomaaliga.

23- In la maamuuso, la milgeeyo, lana dhiirigeliyo qofkii keenaa wax horumarinaya afka Soomaaliga.

24- In aan shaqo la siin qof aan aqoon Naxwaha afka Soomaaliga.

25- In shaqaalaha xafiisyada iyo barreyaasha maaddada afka Soomaaliga laga dhowraa adeegsiga afafka qalaad.

26- In buug walba oo af qalaad ah oo wax u taraya dadyowga Soomaaliyeed, loo turjumo afka Soomaaliga si ay uga faaiideystaan.

27- In isgaarsiinta loo adeegsado afka Soomaaliga.

28- In la maalgeliyo Ururada, Golayaasha iyo Naadiyada ku hawlan horumarinta afka Soomaaliga.

□ Garaadkayga liita iyo garashadayda hooseysa ayaa intan ii sheegeysa in ay ka qeyb qaadan karayso dib u kaabidda afka iyo farta Soomaaliga.

W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

 

SHARE

1 COMMENT

Comments are closed.