Gabayga: Ogeysiis Curiye:Abwaan Cabdiqani Xuseen Adan (October)

 

OktooberGabaygan Magaciisa waa Ogeeysiis, waxaana Tiriyay 07,Novenber.2014 sababta ka danbeeysay waxaay tahay markaan arkay in farta Soomaaliga Dadki ka weecanayaan, waxaana Curiyay Abwaan Cabdiqani Xuseen Adan, oo markaa Dugsiga Hoose dhaxe iyo Sare ee Xamar jajab ka ahaay Macalin Dhiga Maadada Soomaaliga iyo English ka.
1. Alfeeyn gabay abbaar iyo abbaar ereyo Suugaana.

2. Ugbaad nuur leh weer arar macaan ama iqlaaskeda,

3. Uurkeeyga eebbaa ku qoray siddi ilhaan kiiye,

4. Anigoon ogeeynbaa Rabbigeey ii amaamudaye.

 

5. Ujeediyo afaaf iyo oraah kuman abloofiirsho.

6. Halki loo odorosaaba waay alam siddeediiye.

7. Istareex ayuu ii yihiyo dheehaad aragteene.

8. Aan iraahdo waanadu ka dhigan udub lajojaaye,

 

9. Afartaa astaan lagu yaqaan ehel gobaadkii dheh.

10. Afkiyoo dacwoon iyo fartoo oloshey waagaan dheh.

11. Afarkale Ogeeysiis siddii ooddin kuu qaban dheh.

 

12. Soomalaay insaanimo haddii la’is ajiibaayo.

13. Iimaankii samaa iyo haddeey sharafti iimoobin,

14. Dhaxalkii Awoowiyo fartii lana anmaaneeyay,

15. Awaaraha haddaan kaga tagnoo loo ambado duurka

16. Ubadkeena dhalan duulkalaa aabbahood noqone.

17. U istaaga wuu jiicsan yahay dhidibki aasnaaye.
W/Q: Abwaan Cabdiqani Xuseen Adan (October)

C.october12@hotmail.com

SHEEKOOYIN