WAA GABADHII ALBAABKA IGA FURI LAHAYD! W/Q: Suldaan Nayruus

WAA GABADHII ALBAABKA IGA FURI LAHAYD! W/Q: Suldaan Nayruus

Waa baa waxaa jiri jiray, wiil iyo gabar muddo dheer oo ay isjeclaayeen ka dib, go’aan ku gaaray in ay isguursadaan. Kolkii ay inta ismehersadeen, loo mashxadaray, ayey horay ka aqal galeen. Waa lammaane isku oommanaaye, waxa ay isla qaateen in, ilaa bil, inta ay ruuxaanta ku kacsan iska cuudinayaan, aysan aqalka qofna ka furin – xitaa haddii ay waaliddiintoodii yihiin.

Iyaga oo sidii isugu hawllan, baa toddobaad ka dib, waxaa la soo garaacay hoygii. Wiilkii baa inta booday, waxa uu ka fiiriyey daldaloolka albaabka dadka soo gaaracaya, mise waa labadiisii waalid. Isla markiiba waxaa ku oo dhacay ballantii isaga iyo xaaskiisii dhex martay ee ahayd, in aan guriga cidna laga furin, inta muddadaas la iska boganayo. Iyaga oo albaabkii garaacaya, ayuu inta ka soo laabtay, u yimid xaaskiisii. Inta u sheegay cidda illinka taagnayd, ayuu baalka ka sii galay.

Shan beri ka dib ayaa misena albaabkii la soo garaacay. Gabadha oo kolkaas ardaaga taagnayd, ayaa inta aadday ka fiirisay baqbaqa albaabka dadka soo garaacaya, mise waa labadii dhashay. Axdigii ayey soo xasuusatay. Waa heshiis adag oo ay la gashay seygeedii ay jeclayd, iyada oo weliba ogayd sidii uu inta wacadkii u oofiyey, uu waaridkiis illinka uga furi waayey. Gabadhii beerkaa balbalay, waxaana ku adkaatay in ay dhageysato waalidkeed. Iyada oo weli taagan, ayaa waxaa ku soo baxay ninkeedii, kolkaas baa inta illini ka soo daadatay, ku tiri seygeedii, “Qaali, hooyo iyo aabbe ayaa bannaanka taagan, mana awoodo iyaga oo albaabka taagan in aan ka furi waayo…” Iyada oo hadalka ku jirta baa waalidkii albaabka mar kale garaaceen, markaas baa iyada oo aan jawaab ka sugin seygeedii, inta ay laabdillaac la joogi weyday, albaabkii fag ka siisay. Inta ku boodday ayey inta – labadiiba – mid kasta labada dhaban ka dhunkatay, soo gelisay minankii. Inta meel harac ah fariisisay ayey biyo qabow u keentay, isla jeerkaasina ku qaabishay weji jeceyl iyo jamasho mug buuxisay. Wiilkii intaas waa eegayey. Arrintaas kala ma hadlin, waana isaga aamusay.

Gabadhii, waayadiiba waa uureysatay, waxa ayna ku curatay wiil. Seygeedii waxa uu u qalay wiilkii laba neef oo ari ah oo walqal ah. Laba qooroole kale ayey ku xijisay, isla sidii oo kale, laba neef oo ari ah buu u gawracay. Waxa ay ku saddexeysay gabar, markaas buu waxa uu u qalay 20 neef oo ari ah iyo 10 neef oo ishkin ah (5 lo’ ah iyo 5 geel ah). Waxaa uu isugu yeerey walqalkaas 500 oo qof. Arrintaan baa lala yaabay, sababta uu wiilasha, mid kasta laba neef ugu bireeyey, gabadhaanna uu waqdhaacdan iyo Alla berigan weyn ugu sameeyey. Gunaanadkii xafladda ayaa la weydiiyey ujeedka, kolkaas buu ugu jawaabay hadal dadkii meesha fadhiyey aysan fahmin markaas, laakiin, waa dambe oo ay qisada fahmeen ay garteen, oo ahaa, “Waa gabadhii albaabka iga furi lahayd!”

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus

SHEEKOOYIN