Home Qoraallo Hoggaaminta hagaagsan W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Hoggaaminta hagaagsan W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
SHARE

Hoggaaminta hagaagsan

Hoggaamin ama hoggaamiye: Weedhan ayaa ah mid dulucdeedu tahay qof hormuud ah heer qoys, heer beeleed ilaa heer qaran iyo habkii ama hannaankii u hormuudkaasi u maareyn lahaa.

Af ahaanta ama erayga salkiisu wuxuu ka yimid oo bulsho hoggaan oo ah xadhiga u dhaxeeya neefka iyo qofka wada, waxaa wax hoggaaminaya waa qofka xadhiga jiidaya isaga oo ka horreeya ahna midna neefka daba socda og meesha uu gaynayo iyo halka uu marinayo labadaba. La hoggaanshuhuna ku raacsanyahay meesha hoggaanshuhu u wado.

Haddaba hoggaamiye waa midka og meesha uu u wado dadkiisa iyo halka uu ku furi doono, waa mid ka warhaya kana baaraandegay meesha u socdo, u qalab qaatay, u sahay qaatay una sahan tegay.

Haddaba hoggaamiyuhu wuxuu leeyahay hawl gaar ah kuwaasoo lama huraan u ah hoggaamintiisa sida:

1. Dulqaad
2. Dhimris
3. La tashi
4. Go’aan qaadasho
5. Codkarnimo
6. Garowshiiyo

Dulqaad: Hoggaamiyuhu waa inuu yahay mid dulqaad badan oo is barbardhiga laba dhacdo mida fudud, isaga oo aan ka falcelin wax walba kana aargudan, Gobonnimada la sheego ayaa ah nin aad iska dhicin karto inaad iska dhaafto, taasi waa inaad dulqaad leedahay.

Dhimriska: ayaa ah mararka qaarkood wax adiga kugu adag oo aanan kaa suuroobin inaad dalkaaga iyo dadkaaga dartiis u yeesho, adigoo ugu naxariisanaya kuwa liita iyo saameynta ay keeni karto haddaad ka falceliso ama awood adeegsato.

La tashi: La tashigu waa lagama maarmaan, dadyoowga iyo uunka eebbe abuureyna waxay ku kala hormareen arrimaha wadaaga iyo wadatashiga lagu maareeyo, waxaa jirta hannaan la yidhaahdo IS AFGARADKA BULSHO.

  • Bandhig aragtiyeed(Presentation)
  • Dood wadaag(Discussion)
  • Talo uruurin ama talo kulmin(Calculation)

Sidan oo kale ayaa diinteena qumani ee wanaagsani na fareysaa inaan wada tashano oo arrin walba ka wada hadalno, lana lafa guro lagana baaraandego.

Go’aan qaadashada: Intaan marka hoggaamiyuhu leeyahay aan kor ku sheegnay waa lama huraan inuu leeyahay go’aan qaadasho marka uu meertooyinka kale oo dhan soo maro dhan walbana ka istaago, waa tii maahmaahdu ahaydu ahayd: Saddex hoggaankaagey god ku ridaa:

  • Gar leexsan
  • Guudoon jilicsan
  • Gacan gudhan

Codkarnimaddu: waa mid aad u xeeldheer taasoo ah in hoggaamiyuhu hanto dhegaha iyo dareenka bulshada isagoo u sheegaya halka ay u socdaan waxa horyaal iyo habka loo maareynayo waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa

  •  Run iyo ilkoba waa la caddeeya
  •  Xabaal iyo ninkeed lama kala qariyo
  •  Arrinkaaga waa loo Afeeftaa.

Haddii hoggaamiyuhu bulshada ku hago waddada iyo marinka maamul ee uu wado cod dheer oo togana ugu sheego hawlaha horyaal iyo maareyntooda, laysu dhuuman maayo, midka saluugsana ma helayo kansho ama meel uu ka soo galo dadweynaha.Haddiise hoggaamiyuhu hundhuro oo la aamuso wuxuu maaganyahay, waxaa ka dhalan kara dareen tuhun keena oo dadku ka maleystaan dhib iyo dhagar iyo inuu dabin u qoolayo.

  • Nimaan run sheegin beenbaa u qarsoon
  • Waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa
  • Arrin aan sidii dabo riyaad la feydin, ma fayoobaato.

Haddaba qofka hoggaamiyaha ahi waxa laga rabaa inuu la yimaad arrimahan si isaga iyo bulshada uu hoggaamiya xidhiidh wanaagsani u dhexmaro ayna hawl wadajir ah u qabtaan.Halka bulshadana laga rabo inay laba arrimood la yimaadaan.

  • Tixgelin iyo maamuus ay siiyaan hoggaamiyahooda.
  • Inay hoggaamiyaha runta u sheegaan wixii ka gadman, dareenkoodana xasilooni iyo wada hadal ku muujiyaan.

Hoggaamiyuhu maaha magac ama xil la huwado oo lala dhexgalo gurigaaga ee waa hawl iyo fullin aanu qofka hoggaamiyaha ahi gudanayo har iyo habeen.

Garowshiiyo: Garowshiiyuhu waa hannaanka ugu wanaagsan ee lagu toosiyo qalooc dhacay gef iyo gardaro timid, haddaan garowshiiyo la helin qofka ama kooxi ka garowdo dhibka laga tabtay waxaa imaneysa in aan la kala qarqaadan xaalkuna noqdo midi midi ku taag.

  • Gardarro looma garbo yeelo.
  • Gari ilaahay bay taqaan
  • Gari laba nin kama wada qosliso.

Hoggaamiyaha koowaad waa odayga reerka ama aabbaha, hadduusan ubadkiisa u garsoorin aanu noqon mid u dhex ah waxaa imanayaa in qoyskaasi kala guuro, tusaale odaygu hadduu ubadkiisa qaarkood gartooda iyo gardaradooda ku raaco oo dhankooda xigsato, waxaa imanaysa inay kooxda kalena colaad iyo nacayb badan galo.

Haddaba hoggaamiyaha bulsho waa inuu dhex u noqdaa, bulshada iyo hawlwadeennada waa inuu noqdaa mid mar walba iska jira in hoggaamintiisa lagu haleeyo.

Haddii hoggaamiyaha gef, gabboodfal ama godob uu falo waa inuu garowsadaa kana kana bixiyaa garowshiiyo, si ay bulshaduna uga garwaaqsato oo looga gudbo, haddiisa kale dadkii godobta laga galay ogoow inay mar walba yihiin kuwa gulufkoodu uusan dameyn oo u taagan siday gondaha u goyn lahaayeen hoggaamiyihii gardarada falay.

Bulshadeena Soomaaliyeed aad bay ugu yaryihiin hoggaamiye leh astamaahan. eebbese waxba kuma aha inuu inoogu deeqo, sidoo kale waxaa jirta in bulshadu aysan u bisleyn hoggaaminta waxa ayna kala qaybsan yihiin saddex.

1. Qolo hoggaamiyaha u aragto lama taabtaan wax walba isagu gar u leh
2. Qolo u aragta iney wax walba hoggaamiyaha gar ugu leeyihiin.
3. Dar yaqaan in hoggaamiyuhu yahay adeege bulsho, hawlo gaar ahna loo igmaday lagana rabo inuu hawshaas ka soo baxo, hadduusan awoodina xilka iska wareejiyo si uusan haadaan uga riday talada dalka iyo dadka.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE