Filan waa Q37AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q37AAD

Odaygi fajac iyo Filan waa ayay ku noqotay arrinta uu wiilku ka dhawaajiyay, gabadhii uu is lahaa Maxamed u doon waaba qofka uu daryanka iyo durbaanka qaylada arooskeeda uu ka seexan waayay.

Seddex bari kadib, markii howshii arooskii Nasra reerka dhan uga dhacday ayay Maxamed aabbihi si fiican isku waraysteen, odaygu candhuuftiisi dib ayuu u liqay, wuxuuna reerka u sheegay inuu soo gaadhay oo kaliya, maadaama in muddo ah la kala maqnaa.

Maxamed hooyadii oo aad u faraxsan  isla markaana ku rajo wayn arrinta  odaygu magaalada Jowhar u tagay, ayaa subaxdii u jarmaaday Saylada xoolaha, waxayna soo gaday laba neef oo Adhi ah, kaddib Maxamed ayaa halkaasi lagu quraan saaray waliba sigaara loogu duceeyay.

fiidkii ayay Maxamed hooyadii u yeedhay waxayna kala hadashay arrimo dhowra oo isaga quseeya, gaar ahaan waxay si qoto dheer ugala hadashay dhacdooyinkii is xigxigay ee uu Maxamed kala kulmay isku daygii himiladii musqtaqbalka uu ku cugan lahaa lammaane noolasha isla wadaagaan, iyo qorshayaashii dhicisoobay ee guuldarada ku dhammaaday, kuwaasoo dhammaantood ay u sababaysay inay ugu wacnayd deg dag iyo wada tashi la’aan, balse maanta dhacdooyinkaasi ay yihiin daruus iyo cashir lagu tusaale qaato.

Maamo Dahabo waxay wiilkeeda u sheegtay, arrimihii ay ka wada hadleen aabbihi iyo qorshaha reerku damacsan yahay, waxay tidhi: “Markaan qimayn ku samaynay arrimaha aan kor ku soo xusay, oo ay ugu horreeyaan gabdhihii labada ahaa eed doonaysay inaad noolasha la wadaagto iyo guuldaradii  aad kala kulantay, waxa aan isla garanay aniga iyo aabbaha annagoo dhinacyo badan wax ka eegayna inaan gabadh wanaagsan kuu dhisno ood guri yeelato, waxaana fileynaa inaad arrintaa adiguna nagu raaci doonto”.

Maxamed aad ayuu ugu farxay sida wanaagsan ee hooyadii uga fikirayso noolashiisa, balse wuu ka gows adeygay inuu arrintaa ka aqbalo xiligan, isagoo ku sababeeyay in tashuush badani ku furan yahay oo aanu wali xaalkiisu daganayn, wuxuu yidhi: “Hooyo waxaan doonayaa inaan nasto ilaa intii muddo ah, runtii arrin wanaagsan ayaad ii soo bandhigtay waana kaaga mahadcelinayaa balse waxaan jeclaan lahaa ilaa muddo lix bilooda inaad  dib inoogu dhigtaan”

Dood dheer kaddib, Maxamed waxaa lagu qanciyay inuu talada waalidkii aqbalo, inkastoo aan waxba loo carabaabin ama aan loo sheegin qofka la damacsanyahay inay noolasha wadaagaan, balse ugu dambayntii maxamed go’aanka hooyadii wuu aqbalay, walow aanu ku niyad masamayn inuu noolasha lawadaago qof uuna isagu dooran ama aqoon durugsan u lahayn.

Si walba ha ahaate isku daygaa iyo dadaalkaa qiimaha badan ee uu Maxamed aabbihii damacsanaa waa lagu hungoobay, toddobaad kaddib odaygii wuxuu soo laabtay isagoo fara madhan, markii uu reerka u sheegay sida ay wax u dhaceen, Maxamed hooyadii aad ayay uga niyad jabtay.

Galab galbaha kamida Maxamed isagoo buug jacayla oo uu aad u xiisayn jiray ka raadinaya gurigooda ayaa wuxuu ka helay boorso walaashii ay leedahay warqad bashqad furan ku jirta, si kadisa ayuu isha ula raacay, wuxuuna durba aqoonsaday farta warqada ku qorantahay! Intuu xaashidii soo bixiyay ayuu sidii qof dhiilaysan oo kale indhaha ka bidh bidh siiyay, isagoo aad u shakisan isla markaana la yaaban warqada uu meesha ka helay, ayaa wuxuu is weydiiyay tallow ma dhabbaa mise waad riyoonaysaa, waxaaba ka daran oo Filanwaa ku noqotay markuu si fiican warqada ciwaankeeda u akhriyay.

Maxamed intuu labadiisa dhinac jaleecay ayuu warqadii jeebka gashaday, kaddibna wuxuu u soo baxay bannaanka, jardiinka guriga intuu fadhiistay ayuu sidagan oo taxadar leh warqada akhriskeeda u guda galay, waxayna u qornayd sida tan….

La soco qaybaha dambe

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gamil.com

SHEEKOOYIN