Home Qoraallo URURKII LEEGADA (SYL). W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar)

URURKII LEEGADA (SYL). W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar)

0
SHARE

URURKII LEEGADA (SYL). W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar)

Xoriyaddii ummadda Soomaaliyeed ay hanatay 1960kii, waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo dhiig badani loo qubay, isla markaasna halgamayaal fara badan hantidoodii iyo naftoodiiba u hureen, si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan xornimo, iyadoo xilligaas ay ahayd xilli ay qaaraddan Afrika si weyn ugu halgameysay in ay xoriyad hesho, iskana qaaddo heeryada gumeystayaashii reer Yurub oo xoog ku heystay.

Xilligaas waxaa qaaradda Afrika ka shidnaa shulcad loogu magacdaray (Kacdoonka Xoriyaddoonka Afrika). Shulcadaasi gumeysi diidka ah ee ifeysay, Soomaaliya ka mid bey ahayd.

Qormadan waxaa si gaar ah uga hadli doonnaa Soomaaliya iyo Ururkii Kacdoonka Xoriyaddoonka ahaa ee Leego. 15/May/1943kii waxaa u suuragashay 13kii dhalinyarada ahaa ee xoriyad u dirirka ahaa in ay dhidibada u taagaan xisbigii loogu magacdaray (Somali Youth Club) ama (Leego) oo markii danbe u xuubsiibtay (Somali Youth League), sanadkii 1947kii ayey si rasmi u qaateen magacaasi, xilligaasi waxaa uu Ururka ka koobnaa13kii dhalinyarada ahaa ee bilawgiiba dhidibada u taagay.

MAGACYADA DHALINYARADA IYO HALKII AY KU DHASHEEN.

  • 1- C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, sanadku markuu ahaa 1919kii, xilligaana wuxuu jirey 24 sano.
  • 2- Maxamed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaallada Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sanadku markuu ahaa 1915kii, xilligaasi wuxuu jirey 28 sano.
  • 3- Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke, waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, sanadkii 1917kii, xilligaasi wuxuu jirey 26 sano.
  • 4- Xaaji Maxamed Xuseen Maxamed, waxa uu ku dhashay Magaallada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, sanadkii 1917kii, xillligaasi wuxuu jirey 26 sano.
  • 5- Cismaan Geeddi Raage, wuxuu ku dhashay Magaallada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, sanadkii 1925kii, xilligaasna wuxuu jirey 18 sano.
  • 6- Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay Magaallada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, sanadkii 1926kii, xilligaasna wuxuu jirey 17 sano.
  • 7- Daahir Xaaji Cusmaan, wuxuu ku dhashay Degmada Hobyo, sanadkii 1925kii, xilligaasi wuxuu jirey 18 sano.
  • 8- Cali Xasan Maslax, waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, sanadkii 1927kii, xilligaasi wuxuu jirey 24 sano.
  • 9- Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii, xilligaasna wuxuu jirey 16 sano.
  • 10- Maxamed Faarax Hilowle, waxa uu ku dhashay Magaallada Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sanadkii 1925kii, xilligaasna waxa uu jirey 18 sano.
  • 11- Xaaji Maxamed C/llaahi (Xayeesi), waxa uu ku dhashay Magaallada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, sanadkii 1918kii, xilligaasna wuxuu jirey 25 sano.
  • 12- Huudow Macallin Cabdulle, waxa uu ku dhashay Degmada Mareerey ee Gobolka Shabeellada Hoose, sanadkii 1926kii, xilligaasna wuxuu jirey 17 sano.
  • 13- Maxamed Cusmaan Baarbe, waxa uu ku dhashay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, sanadkii 1910kii, xilligaana wuxuu jirey 33 sano.

Waxaa Ururka Leego (SYL) sanadkaa xoghaye guud u ahaa, C/llaahi Ciise Maxamuud oo isagu ahaa raiisal wasaaraha xukuumadda daakhiliga ahayd ee ka horeysay xilligii gobannimada la qaatay.

Dhalinyaradaa 13ka ku sinnaa ayaa shaaciyey qorshahooda siyaasadeed iyo halgankooda xoriyaddoonka ahaa ee shanta gobol , kuwaa oo ay gacanta ku hayeen gumeystayaashu.
Dhalinyaradaasi waxaa u suurashagay in ay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago gumeysiga, iyagoo aaminsanaa haddii la helo midnimo Soomaaliyeed, in ay iska caabin karaan taliska gumeysiga. Waxaa dhalintaa quluubtooda ku weynayd waddaniyadda oo ay wax walba ka horumarsiin jireen, si ay u gaaraan u jeedooyinkooda ku xusnaa Dastuurka Xisbiga Leegada (SYL) oo ahayd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah iyo in la helo Soomaali weyn oo mida.

Hagardaamooyin badan oo lagu doonayay in lagu wiiqo u jeeddadooda ah, gobannimo doonka ayey isku duubni kaga tallaabeen, iyagoon haba yaraatee wax kala qoqob ah dareemin.

Waxaa jirey dadyow yar oo ku hoos jirey heeryada gumeysiga, aadna ula dhacsanaa nidaamka gumeystaha. Sidoo kale waxaa jirey qaar dadyowgaa ka mid ahaa oo ku biirey Ururkii Leegada, si ay u hakiyaan dadaallada loogu jiro gobannimo u helidda ummadda Soomaaliyeed.

Cali Xuseen oo ahaa gabyaa weyn oo gubaabada iyo garab istaagga xisbiga kaalin weyn ka geysan jirey baa farta ku godi jirey dadyowgaa. Sidoo kale Cali Xuseen waxa uu ahaa ninkii xisbiga (SYL) u qaabilsanaa dhanka suugaanta, wuxuuna tirin jirey tixo uu ku muujin jirey, in ururka qeybihiisu ku mideysan yihiin gobannimo doon, sidoo kale wuxuu bidhaamin jirey in ay jiraan dadyow u heelan jilbo laabidda ururka.

11/Janaayo/1948kii ayaa ergo ka kala timid 14 dal ku sugnaayeen Xamar, ergadaasoo u timid in ay la taliyaan kuwii laga adkaaday oo Talyaanigu ka mid ahaa, ummadihii ay gumeysan jireen sidii laga yeelli lahaa.

Talyaani ayaa doonaya in awooddii uu lahaa dib u yeesho, iyo Ingiriis oo Jabuuti mooyee dhuulkab Ummadda Soomaaliyeed, markaas wada heystayna uu rabo in isaga loo daayo, hayeshee SYL labadaaba midkood doonimeyso. Markaas bey ergadii u dhiibtay dhanbaal dulucdaas xambaarsan, xoriyadna ay dalka ugu dooneyso.

Si uu codsigaas meel mar u noqdo, waxay Leegadu abaabushay banaanbax ballaaranoo ay ku doonayso ergadu in ay cududdeeda ku aragto. Gumeysiguse, weligii dhuuni-raac ma waayo, Soomaali kale oo uu Talyaanigu riixaayo ayaa banaanbixii Leegada dhabqisay, halkaas oo uu dagaal ba’ani ka dhacay. Waa goobtii “Hanoolaato” ee Talyaaniga badani gacanta waddaniyiinta ku baxay, Cali Xuseen oo maantaa goobjoog u ahaa, baa yiri;

  • Itixaadka waagay ahayd, leysu soo ururay,
  • Dhuulka oohintiisa, markii olol ka soo yeeray,
  • Maad cadawga eridaan, markuu innagu uugaanshay,
  • Ableydiyo bilaawaha, markaan oodda kala boodnay,
  • Ayaantii hanoolaatadii, kulabku aargoostay,
  • Nin Ilaahay caasiyay, raggii gowrac ku idleeyey,
  • Albaabada kuwii ugu galee, daalinka eryaayey,
  • Ayuutooy markuu yiri, raggii ka asmici waayey,
  • Afka labadii yeeryaye, markuu aw-naxyada muujay,
  • Ma arxamine nimankii ka jaray, godobtii Aaseyle,
  • Awlaaddii uu cunay u dhimay, aramideediiye,
  • Arbayaal, dagaal u arinsaday, looma oonsado e’,
  • Meeshay abbaaraan la eed, ciilna ku abaadye,
  • Sida adhi tidcaadheed, kufriga lag unuun gooyey,
  • Waaggaa ilmada daadatay, iyo oohintii qubatay,
  • Mid kalaa ka aataar xumeyd, aaciil la soo aragye.

Talyaani iyo wixii ku jaar ahaa waa halkoodii, Leegana mawqifkeedii kama dhaqaaqin. Waxaa leysla gartay si qaddiyadda gobannimada aanu Talyaaniga u xagal-daacin, in la tago go’aamada waaweyn halka lagu gaarayo oo ah tuulada “Leegsegsees” ee cariga Mareykanka, waaggaasna xarun ku meel gaar ah Qaramada Midoobey u ahayd.

Golihii dhexe ee xisbiga ayaa shiray, kaddibna waxay go’aamiyeen Xoghayihiisii Guud oo Cabdullaahi Ciise ahaa in uu xaggaa u socdaalo, waxay ummaddu rabtana uu ka jeediyo. Hawl adag bey ahayd, wuuse yeelay.
Qarashkii in uu ku baxaayo la qiyaasay, waxa uu noqday boqol shillin, saa gobol kasta iyo degmo kasto oo ay Soomaali joogto baa laga soo aruuriyey.

C/llaahi Ciise markuu “Landan” gaaray, dayuuraddii uu raaci lahaa si loo gefsiiyo, baa qorshe loo maleegay, kaasoo uu ka badbaaday, kaddib bad-mareennadii Soomaalida ahaa ee halkaas joogay, markay si walba uguugu soo gurmadeen.

Cali ayaa tix uu tiriyey inoogu soo koobaya waxaa oo idil. Wuxuu sidoo kale Cali xusayaa doodihii C/llaahi sidii loola yaabay iyo danabkiisii gobannimo doonka ahaa, dalalkii ku taageeray, iyo kuwii ku diiddanaa. Wuxuu yiri;

  • Afartan iyo sagaalkii sanadu, marey ahaaneysay,
  • Cabdullaahi uunada, markuu berigii inoo aaday,
  • Waaggii ergada loo dirtaa, u Alle tuugaynay,
  • Arli aanu garanayn, markuu ruuxa ku idbaaray,
  • Istiqyaarka wey kaa ceshaan, Eyda qooqane,
  • Iglan markuu ka degay, bey xumaan uga aasaasaane,
  • Ininaanu Eeriyada raacin, bey ammar ku dhiibeene,
  • Axad bey baxaysay, oo Khamiis ima yiraahdeene,
  • Nin ehel lahayn, meel xun buu ag wareegaaye,
  • Soomaali aadaa jirtay, oon kala irdheysneyne,
  • Goortey ogaadeen sirtii, wey arimiyeene,
  • Rag ilaala ah baa loo baxshoo, eeggi loo diraye,
  • Ayaantey kacaysay, fatuurad u ijaareene
  • Ooggada markay kaga rideen, axad ma saarneene,
  • Ayaantuu mijiliskii tagiyo, ururkii dawlaadka,
  • Halkuu ka yimid bey, wax badan ku anfariireene,
  • Goortuu araajida hor dhigay, inankii loo yeerye
  • Aasiyadu kama uur xumayn, wey ayadayeene,
  • Dhurwaayada adoonsiga yaqaan, wey il jabiyeene.

Intan kalena wuxuu Cali ku xusuusanayaa dhanbaalkii Cabdullaahi uu Qaramada Midoobey Xisbiga uga soo diri jirey ee uu ku sheegaayay Talyaani oo dawlado kale taageero ka haysta, inuuba damacsan yahay, Soomaaliya inuu lihi u yeesho. Markuu malaayiin dadkiisa ah ku beero, sida Caddaanka Koonfurta Afrika.

Dhanbaalkaas dadweynaha lagama qarine, habeen Axada ayaa naadiga looga akhriyey, dabadeedna wuxuu sababay dagaalkii isna dhiigga ku daatay ee “Dhagaxtuur” la baxay, waddaniyiintii Leegada iyo Gumeysigana, Xamar ku dhex maray.

Waa 1949kii, bilawga qeybtan isaga oo aan magacaabeyn, wuxuu gabyaagu farta inoogu fiiqayaa, gumeysigu niman uu beryahaas Cabdullaahi ka daba diray, kuna doodi jirey inaan Soomaalidu gobannimo diyaar u ahayn.
Isagoo liqi kari la’, raggii sidaas ahaa oo markey soo dhawaatay maamulkii daakhiliga ahaa laga qeyb geliyey, xisbigii ay la diriri jireenna ku dhex milmaaya, ayuu yiri;

  • Abuurkii Xisbigan niman cunoo, ubixi daaqaya,
  • Eegga talinaayoo, ubucdu weynaatay,
  • Oo cadaw alaab siiyayoo, iibsan baa jiraye,
  • C/llaahi taa ku inkira, yaa loo ijaarsadaye,
  • Annagu dawlad , bey aqalki geeyeene,
  • Xaajadu adkaataye, kolkey meel xun ku aroortay,
  • Taar oogada duulayuu, aarku soo diraye,
  • Waxa laga akhriyey, hadaladii oohinta lahaaye,
  • Waqtigaa idaaradu, shir bey u olo’leeyeene,
  • Ummaddoo dhan baa qeylisoo, leysla oogsadaye,
  • Ingiriisku noomuu oggolayn, ururki maantiiye,
  • Oblikaannu ugu soo baxnee, amarki noo diidye,
  • Albaabada galaayaba, wuxuu oror dhaqaaqaaba,
  • Goortaan asmici weyney, buu doontay aarmiga e’,
  • Askartii u joogtay iyo la yimi, aarnikaarada e’,
  • Kufrigu nagu afuuf, saanaddii ootobilingaaye,
  • Asna eedyey dhagaxtuur, colkuu soo abuubulaye.

Sidoo kale Axmed Xaaji Saleebaan oo dhanka qoraallada u qaabilsanaa xisbiga ayaa mar uu ka hadlay shir ay lahaayeen golihii xisbiga, buu sheegay “In xisbiga ay ka mid yihiin dadyow aan dooneyn in uu guuleysto”,.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirn in xisbiga (SYL) uu kaalin muuqata ka qaatay gobannimada ummadda Soomaaliyeed ee la hantay sannadkii 1960kii, inkastoo u jeedooyinkii uu markaa xisbiga u duulayay aanay maanta jirin.

  • SIDEE KU AASAASANTAY LEEGO (SYL)?.

Horaantii sanadkii 1943kii ayaa waxaa sheekeystay sida taariikhyahannadu weriyaan, C/qaadir Sheekh Saqaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaarke oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa ahaa, isla socon jireyna markasta. Waxa ay ka wada hadleen sidii ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii gumeysiga.

Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxa uu midba uu jiray xilligaasi 24 sano iyo 26 sano, waxa ay muddo ka sheekaysanayeen sidii bal gumeystaha looga xaroobi lahaa, waxaana C/qaadir Sheekh Saqaawadiin uu soo jeediyey fikir ahaa; in la aasaaso xisbi Islaami ah oo dadka mideeya, isla maskaasna ka saara gumeysiga, laakiin Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa wuxuu soo jeediyey fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala.

Kaddib, wada hadalladii labada nin ee dhalinyarada ahaa, waxaa ku soo biiray dhalinyaro kale, waxaana la isku raacay in la dhiso gole ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, isla markaasna dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo luuqadda Ingiriiska oo xilligaasi ahayd mid ku cusbeyd Gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Kullankaasi dhalinyaradu waxa ay isla garteen in la dhiso gole dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku habboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisay golaha dhalinyarada Soomaaliyeed (SYC) ama (Somali Youth Club), waxayna xilligaasi ay aheyd 15kii/May/1943kii, wuxuuna kulankii ugu dambeyn ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas ay isku raaceen saddex qodob oo kala ahaa;

  • 1- In xukuumadda Ingiriiska ee dalka heysta loo qoro codsi ay ku doonayaan inay furtaan naadi la yiraahdo (SYC) (Somali Youth Club) oo ay dhalinyarada ku kulanto.
  • 2- In la kireeyo guri u qalma hawlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u aha, soona jiidan kara dhalinyarada kale.
  • 3- In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahan yahay lagama maarmaanna u ah hawlaha dhalinyarada.

Markii ay qoreen codsigii ayey 13kii dhalinyaro waxa ay tageen xafiiskii Xaakimka isticmaarka ee Ingiriiska u fadhiyey Magaallada Muqdisho, waxay u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalinyaradaasi ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono, halka qaarna ay qabeen inay xarig muteysan doonaan iskaba daaye in codsigoodu u hirgalo, laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee ahayd;

Waxaad ka kooban tihiin dhalinyaradiina qabiilo kala duwan, waxaana hubaal ah inaydan kuwada hishiin karin feker iyo ra’yi toona, anniga waxaan idiin arkaan dhurwaayo iyo ari xero lagu wada xereeyay, sideed naadi ugu heshiin kartaan khilaaf la’aan?”.

Hayeeshee dhalinyarada 13ka ahaa oo aan hadal kulul ku celin karin madaxa gumeystaha ayaa ugu jawaabay, “Hadalkaaga waxaan ka dhiganaynaa cashar aan ka faaiideysanno, waxaana barbaarin doonnaa dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto inaad aragto annagoo ku wada nool naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.

Maalmo ayey jawaab ka sugayeen kaddib waxaa la soo gaarsiiyey warqad lagu xusay in Ingiriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday inay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.

Kulankii ugu horeeyeyba waxa ay iska dhex doorteen madaxdii hogaamin lahayd naadiga, waxaan Guddoomiye loo doortay C/qaadir Saqaawadiin, halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) loo doortay ku xigeenno, iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaan loo doortay Xoghaye.

Laga soo bilaabo sanadkii 1943kii xisbiga (SYL), waxaa laga furay gebi ahaan dhuulka Soomaalida. Waxaana sii kordhay taageeradii ay ka helayeen dadyowga Soomaaliyeed ee u hammuun qabay gobannimo. Bishii Maajo 1947kii, waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca xisbiga, lana muujiyo awooddiisa.

Goor dambe oo xisbigii meel fiican gaarsiiyey halgankii gobannimo doonka ahaa, ayaa waxaa geeriyooday Xoghayihii xisbiga Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaarke, waxaana uu ka dardaarmay in jagadiisa loo magacaabo Halgame C/llaahi Ciise Maxamuud oo xilligaas ahaa wakiilka (SYL) ee magaallada Beledweyne, halkaasi ayaa laga soo waday C/llaahi Ciise Maxamuud, waxaana uu qabtay jagada Xoghayaha Guud ee Xisbiga Leego (SYL), isagoo hayay xilkaa ilaa ay (SYL) keentay xoriyaddii ummadda Soomaaliyeed.

Waxaana C/llaahi Ciise loo magacaabay raiisul wasaaraha xukuumaddii daakhilaga ahayd ee Soomaaliya intii aan xoriyadda si buuxda loo qaadan. Guushii halgankaa waxaa la gaaray 1/Luulyo/1960kii.

Ugu dambeyntii waxaa nasiibdarro ah in 13kaa dhalinyaro ee ay da’doodu badi ka hooseysay 20 sano ay ahaayeen hormuudkii halgankii xoriyaddoonka Ummadda Soomaaliyeed.

Maantana aad arkayso duqoow lixdan jir ah oo ka waaya aragsan, ka aqoon sarreeya, kana xoog iyo maal badan, in ay ka shaqeynayaa dibindaabyada iyo dib u dhigga Ummadda Soomaaliyeed. Ku darsoo qaarkood ay ku shaqeeyaan awaamiirta shisheeyaha ama gumeystaha.

W/Q: Bilaal Qaasim Fiqi (Aar).

SHARE