U QAADANWAA Q1AAD W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon)

U QAADANWAA Q1AAD

 

 

 

 

Ka helida Qofnimadeeda, furfurnaanta kaftankeeda, isla jaanqaadka ayaan turjumaad u baahneyn ee aniga iyo iyada, iyo isfahanka joogtadda ah ee naga dhaxeeyay waxa uu bilaabmey muddo hadda laga joogo laba sanno, haddii aanney saddex ba aheyn. Xisaabinta wakhtigu iiguma ay jirin qorshaha, waayo joogitaanka agteeda iyo la hadalkeeddu ba daqiiqad kastaa qiimo badan oo gaar ah ayaa ay agteyda ka laheyd.

Xidhiidh dareen jaceyl gaar nagamuu dhaxeyn. Haa, jaceyl weli islama aannu soo hadal qaadin, sababta haddii aad is weydiisey aannan ugu sheegan jaceylka aan u hayo, jawaabta aad iga heli laheyd way fududeyd, balse hadda maya. Wa run oo wax jawaab ah uma hayo sababta aan dareenkayga mar uun ugu la hadli waayey darmaantan degtay qalbigayga. 

Saaxiibo badan ayaa aan lahaa ka hor iyadda barashadeeda balse hadda waa iyadda keliya. Maan nicin asxaabtaydaas, xaasha. Balse waxa aan u waayey wakhti aannu isku wareysano, waa runtay oo sideen wakhti ugu heli marka aan Kaafiya haysto. Wehel iigu filan oo iyada ayaa aan u cidleeyay ka dibna u hibeeyay wakhti kasta oo firaaqo ah oo ka soo hadha waxbarashadeyda iyo shaqooyinka maalmaha qaarkood aan qabto. Waxaa se hubaal ah si aan iyada u arko waxa aan maalamaha qaarkood uga joogi jirey waxbarashada ama shaqada oo aan marmarsiiyo ka dhigan jiran in aan xanuunsanayo oo aannan awoodin in aan imaado goobta markaas layga sugayey. 

Waad i dareemi kartaa oo maan xanuunsaneyn, beenaale se igu ma sheegi kartid oo ma caafimaad qabin. Si marka loo eeggo oo qalbigayga holac ayaa ka bixi jirey, keliya arageeda ku dammi jirey. Dawo Rabbaani ii ah ayaa ay ii aheyd runtii. Farxadda aan kala soo noqdo la kulankeeda waxa hubaal in maalmo badan aan ku tamarin jirey, dhoolacaddeynta iyo furfurnaantayda na ay la yaabi jireen shaqaalaha iyo ardeyda aannu ku kulano goobta shaqada ama waxbarashada ka dib ka soo bogsashadii  iyo kabashaddii ”xanuunka”. 

Farxadda haddii ciddi iibin laheyd, iyadda ayaa sameyn jirtey. Mooji in ay ka ganacsan jirtey e, balse aniga bilaash bay ii aheyd inkasta oo ay kharashka ku baxaya arageeddu aannu yareyn marka laga eeggo u socdaalidda goobta barakeysan ee aannu ku kulmi jirney. Ma xisaabiyo oo la kulankeeda ayaa ka qiimo badan qarashaad kasta oo u baxaya iyada awgeed. Marnaba kama aan fikirn sababta ka dambeysa in aan dhowr toddobaad oo isku xiga midka kasta maalmaha fasaxa ee dhulkan aannu joogo, waa Sabtida iyo Axad kastee aan taagnaado maxaddada tareenka ee u socda dhankeeda. Maalmaha qaarna aan u socdaalo dhankeeda, iyada oo layga sugayo goobta waxbarashada ama shaqadda. 

Boosteejadda ama istaanka tareenku waxa ay noqotey goob laygu barto oo ii soo raacda maktabbada, masaajidka iyo gurigeyga oo ahaa goobaha keliya ee layga helo xilliyadda aan firaaqadda ahey. Halkaas ayaa ay ahaayeen goobaha saaxiibadda aannu magaaladda wada joogno ee is haleel la,aani na kala qariso ay iga soo raadiyaan, hadda se waxa ii soo intaasba ka haysata ”Boosteejadda” waayo way ogaayeen in aan halkan xadhig igaga go,ay maalmaha fasaxa , balse may ogeyn, kuma na ay dhici jirin in ay i weydiiyaan sababta aan ugu socdaalo caasimadda fasax kasta aan helo oo waxa ay ogaayeen in aan iska hawlo badnaa balse marnaba qorshaha kuma ay darsan saaxiibkiin la hel. In ay i xanteenna mooji, balse yaa xantoodda u joojinaya marka aan u socdo dhankeeda Hanidii xanibtey in qalbigaygu ka fikiro cadradda ha magaaladda igula dhaqan dhankeeda se isku fasaxdey xisaab la,aan. Alloow yaa noo kala warama. 

Keliya maan jeclaan quruxdeeda. Kartideeda iyo hammigeeddu waxa ay ka mid ahaayeen dhowr qodob oo dhammeystirey quruxda qalanjaddan, igu na hoggaamiyey godkan aannan marnaba ku tashan ku dhicitaankiisa, gaar ahaan wakhti sidan u dhow . Haa, dhowaanahay kumaan tashan ku dhicida dabinkaas, oo markii iigu dambeysay qorshaheygu waxa uu ahaa in aan ugu yaraan muddo lix sanno ah ka caaganaaddo u dhibirsanaanta iyo u dhoolaceynta bilis-haween oo aannan xidhiidh jaceyl ka hungureyn dhankooda muddada ammintaas lagu jiro, hadda se dhacdey si u qaadan waaya. Haa waa la i helay oo la i hayaa dhankeeda……..

La soco qaybta labaad (2aad)

W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

SHEEKOOYIN