Hammi caashaq iyo hunga been ah Q35AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q35aad

aniga oo aan waxba ogaan ayaan  maalin gurigayga  ku martiqaaday, martiqaadkii waxaa ka soo qayb gashay, gabar aan daris nahay oo Xaliimo la yiraahdo, nasiib wanaag gabadhii iyo Nasro ayaa is gartay, Xaliimo oo Nasro taqiinay markii ay martiqaadki ku aragtay, waaba is gashay,  gurigiina waa ka baxday, waan ka daba tegay, kolkaan ka daba tegayna waxaan ka codsaday, in ay ii sheegto, waxa ku dhacay oo ay gurigayga uga baxsday, waxa ay ii sheegtay, in ay aad uga xun tahay in aan gurigayga ku marti qaado dumar dhaqan xumada dadkoodii u naceen, waxa aan waydiiyay, in ay Nasro taqaano iyo in kale, waxa ay ii sheegtay in ay aad u taqaano, aqoon durugsana u leedahay.

Intaas kaddib waxaan ka codsaday in ay warbixin iga siiso Nasra, waana iga oggolaatay.

Waxay ii sheegtay in wiil Cumar la yiraahdo oo Xaliimo ina adeerkeed ahi   Hargaysa ku qabi jiray Nasra qoys qurux badana ay ahaayeen ina adeerkeedna uu aad ugu qanacsanaa, basle Nasro qanaacadaas dhaawacday ayada oo marwo ahna ay la timid wax aan laga malaysan karin ama laga filan karin gabar ku dhaqanta diinta islaamka iyo dhaqanka soomaaliyeed ee toolmoon, ayada oo xaas ah ayay waxa ay xariir kalgacal la yeelatay wiil ku noolaa markaa dalkaan Kenya, xariirkii wiilka iyo Nasro waa dheeraday waxaana dareemay Cumar in xaaskiisu aysan fara ku jirin, waxa uu ogaysiisyay qoyskeeda, qoyska Nasro ka dhalatay oo ahaa dad magac iyo maamuus badan, waxa ay u tafa xayteen wax ka qabashada ficilka ay ku kacday gabdhoodu.

Ayaan darose waaba ka soo baxsatay oo wax ay u soo socdaashay dalkaan kiiniya, waxay u timid Nuur oo ah ninkii ay xariirka laheeyeen, Nuur iskama baylihin kanshadii usoo gashay iyo gabartan dabinka ugu soo dhacdaye si wacan ayuu hawshiisa u qabsadey, waxa uu hal bil ku qabay meher been ah oo mid jaalkiisa ugu mehriyay, bil kaddibna waa ka dan bogtey waana ka tegay oo iska nacay waxa uuna keenay guri ay Xaliimo iyo gabdho kale deganayn, waxa ay adeegto ka ahayd  guriga Xaliimo , uur ayaa ku soo baxay, waxa ayna dhashay wiil waana ka dhintay.

 Ayada oo weli joogta hoYga Xaliimo  ayaa waxa yimid magaalada Nayroobi odaydii hore Ee Nasra, Xaliimo ayaa  marti qaaday waxa uuna yimid aqalka Xaliimo, Cumar ayaa si kedis iyo lama filaan ah kula kulmay waxa uuna arkay xaaskiisii oo adeegto ka ah guriga lagu martiqaaday, Xaliimo ayuu waydiiyay cida halkaan keentay gabartaan, Xaliimo si hagar la’aan ah ayay ugu sheegtay in gabdhaan nin kale halkaan ku qabi jiray, ninkuna yahay wiil cidooda ah, oo ay xigaal yihiinba

Xasan ayaa is celi waayay oo halmar la soo booday: Khadra walaal foolxumadaas ma dhegaysan karo e iga jooji intaanbaa madax xanuun igu filane.

Khadra: Walaal mid ka daran ayaa jirto ee i maqal, warka kuuma aanan dhamayne.

Xassan: Haye maxaa kaloo haray?

Khadra: Ninka Nuur ah  ee Nasro beenta ku qabay waxaa abti u ah Cumar.

Xasan: Khadraay walaal ileyn ceeb aan adduunka ka dhicin ma jirto?

Khadra:  iney jirto waa laga yaabaahe, hadda ma iga haysaa warbixintii aad iga rabtay, oo aadan cid kale u doonayn.

Xasan: walaal aad baad u maahdsantahay waan ogaa inaad war sugan ii keenyso. Saaxiibkayna aniga ayaa la wadaagaaya.

Khadra waxa ay gudatay shaqadeedii iyo howshii loo diray, Warbixin xasan ku qancay kolkay u sheegtay  ayay xasan  nabadgelyeeysay.

 W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN