Home Curis Doob gaamuray! Q11AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q11AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

0
SHARE

Doob gaamuray! Q11AAD

Labadii gabdhood ee Mahad-dheere ilma adeerka ahaayeen, markii ay qaylo dhaanta iyo orriska bilaabeen, ayey Gobaad meesha isaga carartay, iyada oo yaxyax dartii u qajilsan oo dareemeysa in ay la kulantay, weji gabax iin iyo jiciir ah oo nafteeda bayuur ku ah.

Gobaad markiiba, waxaa ay si dhaqsa ah u abbaartay una dhaqaaqday, dhankii uu balligu ka xigay, iyada oo hoggaanka u heysa awrkii ay reerka biyaha ugu soo dhaamin lahayd. Waxa ay si dhaqsiinyo ah u dhaamisay haamihii, iyaga oo aysan awrkaba ka rogin, maxaa yeelay, intey hilayga iyo haruubka ka furtay, ayey halkooda ku buuxisay, illeyn waa ay degdegsan tahaye, markii ay dhammeysayna Baar oo ay ood wadaag ahaayeen bay ku tiri “Baarey walaal, awrka iigu xiriiri awrtaada oo dhaanka reerka la sii mar, ari shalay naga  dabeyshaday oo meel halkan ah la iigu tilmaamay baan ka war doonayaaye”

Gacmo is dhaafsiga iyo is kaashiga is garabsiga ah ee howl wadaagga ku dhisan la iskuna taakuleeyo, waa dhaqan soo jireen ah oo dadka xoola dhaqatada ah ka dhaxeeya, Baarna codsigaasi waa ay ka oggolaatay, Gobaadna markii ay gacanteeda ku hubsatay awrkeediina awrtii kale loogu xiriiriyay, ayey dhanka qorrax u dhaca afka saartay.

Waa gabar miyiga ku dhalatay kuna barbaartaye, waxay billowdey in ay raad gadato oo kayn xash iyo caleemo ay ka buuxaan, ayay dhex xuluulatay, ka dibna kiish (Qandi) ay maryo iyo kabo cusub horay ugu soo diyaarsatay, ayey kabo kala soo baxday si aan raadkeeda loo garan oo ay u saan tirato.

Gobaad, dhankii ay kaynta ka soo  gashay mooye dhan kale ayey uga baxday, oo  markii hore qorraxsin iyo galbeed, ayey afka saartay haddase gurigoodii, ayay dusha sare ee waqooyi kala wareegtay iyo meel aan laga filan Karin, iyada oo gucle iyo orod isku dhinac wadda

In cabbaar ah markii ay sii kadlaysaba, waa ay xiiq tiranaysay,  oo ubbo ay biyo ugu jireen bay hadba dhuunta ku sii qoysanaysay, kolkii ay hesho sallax ama kob biyo galeen ahna ubbada ayey ka sii buuxsato,  ugu danbaystii, waxa ay dhex gashay kayn iyo hawd jiq ah, oo cawsku  qofka ka dheer yahay.

Goobtu waa meel halis ah oo Libaaxa looga caagay oo cidina aanay degin, socdaal ahaanna aan loo soo  dhex mari Karin, balse haddii ay dani keento meeshan  maristeeda ay rag hubeysan oo kaliya u soo bareeri jireen, maxaa wacay, habar dugaag baa looga hayaamay oo meel walba taagan, Gobaadna halistaas, ayey dhex guureyneysaa, iyada oo weheel la’aan ah, waxaana intaasi, u sii dheer meel ay u socoto iyo cid ay ku hirato midna ma taqaan, oo waa iska jaantaa rogan!

Gurigii reer Haybe Warfaa, waxaa soo gaaray awrkoodii hayinka ahaa iyo haamihii biyaha loogu soo dhaamiyay oo ay hoggaamineyso Baar oo aanay la soconin gabadhoodii Gobaad ahayd, waa la is eeg eegay, tuhun baana dhashay iyo in la is weydiiyo Gobaad waxa ku dhacay oo awrkeedii ka soo reebay, Hooyo Xaadasan ayaana markiiba Baar weydiisay “Maandhaay meeday Gobaad, xaggee bay kaaga soo hartay?”

Baar oo aan war iyo wacaal u haynin, waxa ay Gobaad ku sugan tahay, ayaa ku Gaabsatay “ Eeddo anigu gabadhaada war u ma hayo, markeedii horana i la ma ay socon” intaa waxa ay sii raacisay “Walaaleey awrka awrtiinna iigu xiriiri oo reerkeena iigu sii gee, ari ilaa shalay naga dibbadaysnaa baan meel halkan ah ka soo eeganayaaye, meel alla iyo meel ay u dhaqaaqdayna garan mayo”.

Hooyo Xaadsan oo aad iyo aad u la yaabtay kana naxsan waxa gabadheeda laga sheeyo, isla markaana dib u xusuusatay dardaarankii aabbaheed ee ahaa “In aan Gobaad howl loo dirin, marba haddii ay noqotay oori rageed” ayaa u yeertay saygeeda, iyada ku leh “ War Haybooy gabadhii la ma hayo ee bal orodoo ka war doon, ilaah ceebteenna ha daahee!”

Haybe Warfaa oo hadalka afadiisa ka carooday baa ku war celiyay “Naa sow anigu ku ma oran gabadha inta nala ka kaxaysanayo oo gurigeedii ay ka tagayso yaanan waxba loo dirsan, waa kaasi bal adigu meel u yeel iinta na dul fuulaysa haddii gabadhaas rugteeda laga waayo!”

Inta aysan hooyo Xaadsan mar kale hadlin bay reer Haybe bannaanka ka maqleen warar duul duul ah oo leh “Waa wareey, waa wareey, ceeb baa dhacdayeey, gabdhii Gobaad ahayd ee dorraad  Mahad-dheere lagu nikaaxay, iyada oo aan arooskeediiba la gaarin baa duurka lagu soo arkay, iyada oo nin la joogta kuna dul barooranaysa, isaguna uu iska diidayo!”

Gabdhihii ay Mahad-dheere ilma adeerka ahaayeen ee warkan foosha xun tuulada soo geliyay, ayaa iyaguna iyaga oo qiiraysan walaalkood u sheegay “ In aanay meesha naag u joogin” Waxayna u sheegeen “In uu guursaday naag rag kale ka daba baryootamaysa oo weliba nimaan qabin uu ku ehbiyayo, naa yaana agtayda kugu arag!”

Ku tiri kuteentii iyo nux nuxdii ay dadka tuulada isu tabinaayeen, ayaa aad u sii fidday oo degaankii oo idil bay sheekadii wada gaartay, qoyskii uu ka dhashay Mahad-dheere iyo qoyskii reer Haybe Warfaa, arrintooda, ayaa cirka isku shareertay, Mahad-dheerana wuxuu wacad ku maray “ In aysan Gobaad xilahiisa noqonayn, isla markaana uu u baahan yahay, in xoolihiisii dib loogu soo celiyo” taasi oo ay reer Haybe Warfa ay ijaafo dhaqan xuma ah u arkeen.

W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHARE