Filan waa Q38AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

 

 

 

 

 

 

 

Filan waa Q38AAD

Maxamed intuu labadiisa dhinac jaleecay ayuu warqadii jeebka gashaday, kaddibna wuxuu usoo baxay bannaanka, jardiinka guriga intuu fadhiistay ayuu si dagan oo taxadar leh warqada akhriskeeda u guda galay waxa ayna u qornayd sida tan….

Ku.. Maxamed…

Salaan kaddib waan ka xumahay maanta warqadani way ka duwantahay waraaqihii jacaylka een is waydaarsan jirnay, inkastoon galabta jeclaa wax walba oo dhacay inaan kuu sheego haddana nasiib daro way igu adkaatay, ma garanayo waxaan ku tilmaamo sheekadan,waxaan dareemayaa marka aad warqada akhrido dhibka ku soo gaadhaya.

Arrintan faahfaahin badan kama bixin karo, runti waa dhacdo filanwaa ah taasoo murugo iyo walbahaar badan idhaxalsiisay, anigoo faraxsan oo xili fiida qolka ku jira isla markaana kayd muuqyada sawiradu ku jiraan daawanaya ayaan waxaan ka war helay ala laas iyo mushxarad, markaan soo baxayna waa la aamusay.

Anigoo amakaagsan oo la yaaban nuxnuxda guriga ka socota iyo dadkan sheekada iga qarsanayaa ayaa waxaa xilli dambe Magaalada ka yimid aabbahay, isagaa ii sheegay inuu wiil aan ilma abti nahay igu daray, naxdin, qaylo ayaan afka furtay balse hadalkaygii wax iga hoos qaaday ma jirin, 

Waxa aan kuu sheegayaa ina aanan wa xshaqo ku lahayn, aabbahay ayaa go’aan kan kaligii gaadhay, waxaan isku dayay inaan baxsado balse way ii suura gali weyday, iska daa  wax kalee waxaa la ii diiday in fursad la isiiyo aan arrinta kaga soo fikiro.

Maxamed, abboowe waxaan ka xumahay sida ay wax u dhaceen, horaa loo yiri wixii kugu dhacayaa kun jeer bay kaa weynyihiin sidaa darteed waxaan rajaynayaa in maalin maalmaha k amida inaan noolal farxad badan  isla qaybsan doono, ma qiyaasi karo dhibaatada I haysata iyo sida aan kuugu baahnahay balse nasiib darro……. 

Markuu halkaa marayo ayuu akhriskii joojiyay, warqaddii intuu laab laabay ayuu jeebka gashaday isagoo yaaban.

Dalmar oo ay saaxiibo yihiin ayaa soo ag fadhiistay intuu warqada ku mashquulsanaa, balse Maxamed uuna ka warhayn imaashiyihiisa ayaa ku yidhi: “Maxamedow sheekada inoo dhamaystir”

Maxamed intuu soo himbiriirsaday isagood moodo qof maqan oo kale isla markaana fahamsan in saaxiibkii Dalmar wax dareemay ayaa wuxuu ku yidhi “ haa haa haa !!! saaxiib  waa warqad aan ka soo qoray buug jacayla oo runtii iga ilmaysiiyay, waa sheeko aad u naxdin badan oo filan waa ah, waxay ka hadlaysaa laba qof oo ilaa muddo dheer is jeclaa balse aan is calfan, nasiibku waa cajiib saaxiib”. Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi saaxiib Dalmarow runtii waan jelahay sheekooyinka Jacaylka.

Warqadani Maxamed waxay ku abuurtay dhiilo iyo dareen, wuxuu garwaaqsaday Canab in ayna wax gef ah ka galin, wuxuu aad u dhaliilay guurka jujuubka ah ee waalidku dhallinyaro aan is jeclayn ay isku qasbaayaan.

Subaxdii ayuu walaashii waydiiyay sababta ay warqada Canab u soo dirtay ay uga qarisay.

Sheeko dheer kaddib, walaashii waxay u sheegtay inay arrintaa ula kac u samaysay, waxay tidhi: “Sidaa ayaan xal mooday waxaan ka baqay warqada markaad akhrido in qalbigaaga dhaawac soo gaadho, waxaan naawilaayay in sheekada Canab ku saabsan aad asxaabtaada ka maqli doonto, wayna dhacday, hadda iyo dan, wax walba waan dareemayaa horaa loo yidhi qof wax jecel alaa dhibay, sidaa darteed waan ka xumahay in xusuustii Canab maanta aad boorsadayda ka hesho, yeelkeede waxaan rajaynayaa in arrintaasi wax ka soo qaad ayna lahayn, sababtoo ah wakhti fog ayaa ka soo wareegtay, waxaan filayaa Canab inay maanta tahay marwo la qabo, inkastoon jeclaa inaad nolasha wadaagtaan, haddana calaf ayaa isku kiin diiday, sidaa owgeed waxba ha gocon wixii dhacay ee halkaa ku ilow, haddana waxaan kugu la talinayaa…..

La soco qaybaha dambe…

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN