U QAADAN WAA (Q2AAD) W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

U QAADAN WAA (Q2AAD)

..Haa, waa la i helay, oo dhankeedda ayaa la i hayaa. Waan kuu sheegay hadda na waan kuugu celinayaa si aad u xaqiiqsato. Dhankeeddaa lay hayaa. Is dhammeystirkayagu waxa uu ahaa mid aan run ahaantii la dhacay, anigu iyada waan u joogay, iyaduna jeexayga ayaa ay aheyd. Noqon gaadhey dheh, haddii aanney tani igu dhicin. Iska sug waad ogaan e. Naftaydu waxa ay i leedahay ” Isma huri kartaan oo waa deeq Eebbe ku siiyey”. Jeclaan lahaayaa taasi oo run noqota.

Dhalanteed maaninta  ay kashayda ku hayso ee qeexaya sida ay ahaan karto iyo muuqaalka guud ee gashaantida aan noloshayda ku lammaaneyn doonaa yeelan doonto, astaamaha ay ii leedahay ee aannan cidna u sheegin, iyada waa lagu soo koobey. Iin kaliya ma laha oo waa la dhammeystirey Bilantayda. Haddii la odhan jirey ”Nin kastaaba hablaha tuu ka helo, ayuu Hodan ku sheegaa”, Bureeqa iyo Barwaaqo ba iyadda ayaa ii ah. Arageeda waan ku indho-doogsadaa, maqalka codkeeda na dhagahayga iyo meel uu u roon yahay ayaa aan ku cushaa. Dhabtii ma aqaan cod aan maqlo oo aan keedda aheyn sida aan ula dhaco. Hirarka gaar ah u ah ayaa uu ka soo galaa dareenku marka aan iyada dhagteyda u soo dirto jabaqda codkeeda, haddii ay u baahato aan hubo in aan siin doono. Waan is iloobaa marka uu codkeeda macaan dhegahayga ku dhibcayo, saacaddo dhowra na waa hubaal in ay dhacdo in aan iyada dhageysto oo aan la hadlo aniga oo aan dareemin in uu ammin igu socoto ama iga socoto, una haysta in dhowr ilbiriqsi tageen ka gadaal billowga wada hadalkayaga.

Waxa aannan marnaba ilaawin sida aannu markasta oo aannu isku nimaadno u wada qosli jirney, farxad iga ma ay dhineyn oo anigaa huba marka aan la hadlayo iyada, ” Indho u roonteyda”. Waddanka waannu wada deggenahay balse kala magaalo ayaannu deggen nahay., balse xad ayaannu ka leenahay dhanka qalbiga.  U xiisitaanka iyada araggeeda iyo jeclaanshaha ka agdhawaansheeda waxa kow kan in aannu ku kala dhaqan nahay labaddaas magaalo. Iyadda oo ay sidaa tahay balse waxa aannu nasiib ku yeelanay, in aannu haysano jaanis ah in aannu kulmi karno markasta oo aannu firaaqo hayno, qorshaha na ku darsano. kama daallo ka fikirkeeda.

Haddii aan ahaa qof qorshaysan kara maalintiisa, kanna soo bixi kara qabashada hawlaha maalintaas aan qorsheysto, hadda sidii hore ma ihi, wax weyn baa iga si ah. Ma saalooni hubaashi, in aan qarinayaa na waa dhagar naftayda iyo adiga oo aan kuu waramayo ba u geysanayo . Ka talankeedu ayaa waxa uu iga qaataa miley dheer, saacad kastaba qayb ka mid, haddii aannu wada qaadan ba, halkaasna sida aad xisaabin karto waxa ku luma ammin badan.

Ma lumo, sidaas ha odhan ”istaaqfurallaah”. Ka baaraandegeeda in goor u gaar ah la siiyo waa uu u qalmaa, aniga ayaa huba taas. Keliya sawirashada iyo dib u xasuusashada joogeeda bilicda leh, dhaqdhaqaaqa dibnaheedda marka ay ila hadli jirtey, dhoola caddeynteeddii xishoodku ku dheehnaa marka oo aannu wada qosolno, habdhaqaaqeedii iyo hubqaadkeedii intaas oo dhammi waa shidaalka aan ku tamariyo fikirkaas dheer kadib.

Marmarka qaarkood na waxa ay noqdaan xaabada lagu shido holoca ka baxa qalbigeyga, ee aan cid damisa na loo hayn. Ma jirto cid aan iyada aheyn oo dambas ka yeeli karta dabkaa qalbigeyga ka baxaya, iyaddu na waxa ay ka doorbidey in ay iska daawato, diirimaad na ka hesho kulkaas ka soo baxaya kashayda. Anigaa sidaa u  arka, haddii ay sidaa noqoto waa nasiib darro hor leh oo la soo daristey naftaydan aan la tamar u helaa.

Maxaa ay  u adag tahay in aan ogaado waxa qalbigeeda aniga iigu jira, inta kale haw qarsoonaadaane?. Waa mid ka mid su ’aalo naftayda ay kala daaleen, jawaabna loo la’yahay.  Daalacashadda qalbiyadda, haddii Eebbe ii ogolaan lahaa anigu keeda keliya ayaa aan daaqad ka furan lahaa aan kala socdo sida ay ii jeceshay keliya, haddii se ay i necebtahay in aan iska xidhi lahaa waa shaki kama taagna. Ma nacas baan ahay sii jeedaalinaya meel lagu neceb yahay?. Haddii aad jawaabta ”Haa” aad tidhaahdo waa aad iga saxan tahay oo waayo qof iyada jecel baan ahay, si kasta hay necbaatee. Araggeeda iyo ka warhaynteeda keliya ayaa anigu naruuro ii ah.

La soco qaybaha kale

W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

SHEEKOOYIN