WAAYIHII WARSAME Q15AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q15AAD

Shiikh Cabdi waxa uu soo xuuraansaday magaalada si uu u ogaado cidda iska leh MAHCADKA AFAFKA IYO XISAABAADKA EE ABUU XANIIFA. Waxaa Shiikh Cabdi soo ogaaday in uu iskoolka leeyahay hal nin kaas oo ah Cabdiwaaxid sidoo kale waxaa lagu soo dhibciyay in Cabdiwaaxid yahay nin Reer Weceeye ah, waa isla qabiilka Shiikh Cabdi ka dhashay. Shiikh Cabdi kuma farxin in Cabdiwaaxid Reer Weceeye noqday waayo dhawr goor oo hore ayaa dad beesha ahi hawl Shiikh Cabdi abaabulay ku dhinteen taas oo beesha dagaal lagu hoobto ka dhex abuuri gaartay.

Amuurta kale ee Shiikh Cabdi caqabadda ku noqon karta in uu iskoolka irdaha isugu dhufto waa in Cabdiwaaxid iyo Xuseen Lugeey isku jufo hoose yihiin ayna adag tahay in Shiikh Cabdi ku qanciyo Xuseen Lugeey xiridda iskoolka Cabdiwaaxid.

Yeelkeedi Shiikh Cabdi wax kasta oo dhaca waa uu samaynayaa haddii taasi joojinayso Wahaabiyada magaalada ku faafaysa oo boqortooyadiisa afgambin rabta. Shiikh Cabdi ma doonayo in sankiisu noqdo halaqmareen Wahaabiyadu ku kala gooshto.

Shiikh Cabdi habeenimadii ayuu isugu wacay raggii xerta intii uu aadka ugu kalsoonaa oo Cumar iyo Ciise ku jiraan. Waxa uu u sheegay in diintii Alle gaar ahaan dariiqii Qaadiriyaddu halis ku jirto oo Wahaabiyo magaalada aad ugu fidayso. Waxa uu tiriyay rag badan oo xerta ka tirsanaa oo Wahaabiyo noqday kaddib markii Wahaabiyadu faleen ama lacag ku sasabteen. Ragaas Warsame ayaa ugu dambeeyay sida uu hadalka u dhigay.  Shiikhu waxa uu xertiisa u sheegay in raggaasi yihiin kuwa diintii Alle lacag ku beddashay. Aad ayuu habeenkaas Shiikh Cabdi u guubaabiyay dhallintii mawliciisa. Asaga oo uga sheekeeyay waxtarka jihaadka iyo diinta Alle oo gaalada laga difaaco.

Shiikhu waxa uu dhallinta uga digay qabyaaladda asaga oo u sheegay in ay xaaraam tahay in qof bidci ah isku qabiil baan nahay lagu difaaco. “bidci iyo gaal ma difaaci kartid xattaa haddii hooyadaa dhashay”ayuu carrabka ku adkeeyay” Waxa uu ku soo gabagabeeyay in Wahaabiyaddu bidco yihiin bidcaduna gaalo tahay gaaladana ay waajib tahay in la la jihaado.  Guubaabadaas iyo wacdigaaa dheer ee Shiikhu waxa ay arar u ahaayeen ujeeddada kulankaan deg degga ah ee uu xertiisa isugu wacay.

Shiikh Cabdi waxa uu xertiisi u bayaamiyay ujeeddada uu ugu yeeray. Waxa uu yiri “sida aad ogtihiinba waayahaan oo dhan bidcadu waxa ay isku fidinaysay magaalada, waxa ayna doonayaan in ay magaalada oo dhan gacanta ku dhigaan sida dugsiyada qur’aanka, masaajidda, mawlacyada oo ay rabaan in ay dab qabadsiiyaan. Waxaa ay kale oo ay bidcadu rabaan in ay gacanta ku dhigaan maamulka magaalada oo dhan ayna ka dhisaan maamul Wahaaabiyo.

Sidoo kale Wahaabiyo waxa ay horayba gacanta ugu dhigeen ganacsigii magaalada oo waad ogtihiin in xattaa dumarkii suuqa ku ganacsan jiray Wahaabiyo noqdeen.” Shiikh Cabdi oo hadalkii sii wata ayaa yiri  “Wahaabiyadu weerarka ay rabaan in ay ku qabsadaan magaalada waxa ay nagu hayeen dhawr iyo toban sannadood. Waqtigaas dheer waxaa Wahaabiyada hortaagnaa ee u diiday in ay magaalada qabsadaan waa idinka, haddii aan idinku horistaagi lahayn maanta Gaalkacyo waxa noqon lahayd guri Wahaabiyo oo aan xuska awliyada iyo kan mashaa’ikhdaba lagu dhigin oo mamnuuc ka yihiin.

Hadda Wahaabiyadu waxa ay ku fideen xafaaddaan aan degganahay waxa ayna iskool dhalinyarada lagu duufsado ka dhiseen xaafadda. Sidaas darteed waxaan rabaa in aad qaaddaan tallaabooyin Wahaabiyada xaafadda looga saarayo. Hadda waxa u ugu darani waa iskoolka ABUU XANIIFA oo iska dhaaf wax kale xertaydi mid mid u la baxaya. Waxaan doonayaa in aad iskoolkaaa xirtaan si deg deg ah.” Ayuu Shiikh Cabdi hadalkiisi ku soo afmeeray.

 Xertii ayaa markaas  su’aalo waydiiyay Shiikha qaabka iyo goorta ay xirayaan ABUU XANIIFA. Wadahadal dheer kaddib waxaa go’aan lagu gaaray in hawlgalka Abuu Xaniifa lagu xirayo uu hoggaamiyo Cumar ku xigeenkiisuna noqdo Ciise. Shiikh Cabdi waxa uu kula dardaarmay xertii in ay si hufan ula shaqeeyaan Cumar asaguna, waa Shiikh Cabdi’e uu hawlgalka kor kala socondoono kana hagi doono.  Kulankii waa lagu kala dareeray .

La soco qaybaha kale

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN