Home Curis Doob gaamuray! Q12AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q12AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

0
SHARE

 

 

Doob gaamuray! Q12AAD 

Hooyo Xaadsan oo ay ku habsatay murugo aad iyo aad u culus, ayaa iyada oo kor u qeylinaysa kuna barooranaysa  “Alla magacey ba’yayeey, alloow anaa cadowgeey u jabayeey” ayuu seygeeda, Heybe Warfaa oo qeyladhaaneeda maqlaayay ku yiri  “Naa bal naga aamus oo afkaada xir, arrintani rag bay u taalla ee ha dhex gelin oo yaan la sii buun-buunin warka ay gabdhahan anshaxa darandegaanka la dhex wareegayaan”.

 “War heedhe, horta waxba wax baa ka horreeya, anigu af xumada iyo tororogta meesha taal ee ay hablahani tirinayaan, waxba iga ma galin waxna ii ma dhimayso ee orod oo gabadha adeerradeed ugu yeer oo raq iyo raad meel ay jirtaba ha la iiga keena, tan kale wiilka gabadha lagu sheegayo ee Guuleed la yiraana reerkiisa iyo gurigiisa gabadha ha laga soo baadi goobo” ayey hooyo Xaadsan, si kulul u tiri iyada oo ay foolkeeda caro aad u daran laga dareemayay.

Haybe Warfaa oo ah Gobaad aabbaheed, isla markiiba, wuxuu u yeertay ilmo adeerradiis oo ahaa odayadii Gobaad gogosha ku bixiyay, wuxuuna u sheegay “Inta aan arrin kalaba laga hadlin, in ay birmad ku doonaan gabadha maqan ee aan raad iyo raqdeediiba la heynin meel ay jaan iyo cirib dhigtayna aan la garanaynin” . Soo jeedintii codsiga ahayd ee Haybe Warfaa, ka dib, ayaa la wada qaatay oo inta la is qeybiyay bay qoloba meel aadday.

Odayadu markii ay sii dhaqaaqeenba, waxaa iyana halkeedii ka billaabatay “Is caayid iyo in la isu soo fakfakado oo dagaal loo soo fara baxsado” iyada oo ay gabdhihii Mahad-dheere la ilmo adeerta ahaa ay dabka sii shidayaan, iyaga oo leh “Walaakeen ma geeyo gabar iyada oo aan la guri geysan nin aan qabin hadal dhaaf la billowday marka la guri geeyana gogol dhaaf bay sameyneysaa, taasina magac dil bay nagu tahay, mana doonayno hadhow ilmo soo seexis ah in ay qoyskeenna ku soo biiraan ee gabadhaada waa laguu soo furayaa ee la soco meesha aad geysanaysana adaa yaqaan” bay ku qeyliyeen, iyaga oo markaa Gobaad hooyadeed Xaadsan farta ku soo fiiqayay!

labada qoys ee ay Gobaad iyo Mahad-dheere ka kala dhasheen, in ay gef iyo gadaafooyin isu geystaan, waxaa ugu wacnaa, warkii xilka lahaa ee ay gabdhaha soo tabiyeen iyo af xumadaii Mahad-dheere ka soo yeertay darteed bay  isugu dhaceen, si anshax darra ah, ayeyna arrimaha uga sii dhabqeen, inuu gacan ka hadal dhex marana waa ay ku sigteen, oo  caay af la gaadho ah iyo ijaafooyinba waa leysu miisay  wax leysu reebtayna meesha maba aysan oollin, maxaa yeelay, gadaafo bayuur ( Ceeb ) ah iyo iimo aad u xunba  faraha ayaa la la galay oo xididnimadii samaha iyo wanaagga ku dhalatay, dhaqan suubbanidana lagu soo unkay, ayaa xumaan lagu dhiciseeyay, iyada oo uusan shinkeediiba weli buuxsamin, taas oo durbaba dhalisay dareen ah, in guntimihii ay guurtidu gogosha ku soo xirxirtay ay dib u wada  furmaan!

Gobaad oo ah gabadha darteed la isugu bira tumanayo, weli sii ordaysaa, waxayna sii dhex jibaaxaysaa duur cidla ah oo aad u halis badan, hasa ahaatee, inta la dadayayo oo birmadkeeda lagu guda jiro, iyaduna, waxa ay baadi goob ugu sii jirtaa naf la caariga hayaa halkii ay  ku irkan lahayd oo gabbaad iyo nolol ay ka dhigan lahayd, maxaa yeelay gulufkeedu, wuxuu salka ku hayaa, inaan muuqeeda dib danbe loo arag, iyada iyo Mahad-dheerana ay sidaa ku kala badbaadaan, waxayse moog tahay, inuu Mahad-dheere qudhiisa furriinkeeda la soo taagan yahay xoolana uu ka rabo, iyada oo weliba degaankana ay   magac umo iyo naaneys xumaba taal!

La soco qaybaha kale

W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHARE