Kala duwanaansho W/Q:-Ismaaciil Foodcadde


                                              Kala-duwanaansho

Ereygaan ayaa ah mid dulucdiisu ay tahay walxo liddi isu ah, ama ba arrimo is-diiddan oon is-waafqsanayn, isla-markaana aanan la isku raacsanayn oon weliba sinnayn. Haddii aanu si kale u dhigno, waa waxyaabo kala gedidan isku ekaanshahooda iyo isla mid ahaantooda.

Tusaale-dhig:- midabka cagaarka ah iyo kan madowgu waa labo midab oo kala duwan, sidaas darteed iyaga lama oran karo waa isku mid oo waa laba walxood oo kala soocan oo aan isku mid noqon karin. Kolkaa haddii aynu fahnnay Kala-duwanaashuhu qeexiddeeda  iyo waxa la yiraahdo, way adkaanaysaa in aynu soo koobno dhammaan kala-duwanaanshaha dhulka korkeeda yaal.

Kala-duwanaashuhu waa saddex jaad: midka koowaad oo ah kala-duwanaanshe ah  Jiraalka, dadka, Noolaha ama uunka kale eebbe uumay.

Se waxaynu ka xusayna midka ugu milgaha iyo muga culus, kaas oo ah midka kala-duwanaashihiisu uu saameeyo arrimaha kale, isla-markaana laf-dhabarta iyo udub dhexaadka u ah kala-duwanaashaha oo idil. Waana kala-duwanaasha dadka.

Dadka waxay ku kala-duwan yihiin, kuna kala-duwanaan karaan Firka, Degaan, Dhaqan, Garasho, Aqoon, Diin Mad-hab, Aragti, Af, Sooyaal ,Doorasho, Xulasho, Abuur, Shaqo, Maamuriska,  Caynta (lab&dhaddig) IWM.

Xaddiga kala-duwanaashaha inta la’eg is-waafajintiisu waa mid adag oo aan suuroobi karin.  Dadku in uu intaa ku kala duwanaado baa keentay in uu wadiiqo qura wada raaci waayo oo ay noqdaan  kuwo  is maandhaaf dhan waliba ahi u dhaxeeyo; waana midda saldhigga u ah in labo qof ama bulsho aysan hal-dhinac isku raaci karin.

Dadku weligiis colaad buu kula jiray kala duwanaashaha, oggolaanshiyaha dhanka tira bataana kala-duwanaashuhu na dhib bay ku ahayd. Weliba kala-duwanaanshaha aragtida, firka iyo caynta (jinsiga). Se ilbxanimadii aadanaha iyo kobocii aqoonta ayaa ka qayb qaatay in badi colaadihii loo qabay kala-duwanaasha la dabar jaro.

Ayaan-darro se, bulshadeenu weli waa colaaddii kala-duwanaanshaha, aqbalidda kala-duwanaashaha waxaa uga hagoogan caad ayan ka arki karin dheefta kala-duwanaashaha. Middaas ayaana sababtay in ay isku dayaan in ay ka takhalusaan kala-duwanaashaha.

                                Kala aragti duwanaanshaha

Haddaba, haddii aynu sheeganay in dadka laf-dhabar iyo udab dhexaad u yahay kala-duwanaanshaha, arrimo dhowr ahna aynu ka xusanay kala-duwanaanshihiisa. Bal aynu soo qaadano midka ugu mugga wayn, oo ah kala aragti duwanaashaha e.

Aragti,waa qaabka qofku wax u arko. Cid-walba waxay leedahay aragti u gaar ah ama qaabab ay wax ugu muuqdaan (impression). Aragtida markii aan leeyahay  ugama jeedo qaabkay indhuhu wax u arkaan ee waxaan uga jeedaa sida dareen ahaan iyo fikir ahaan wax loo arko. Waxaana ka mid ah sida dareenka,  kalsoonida, is afgarashada, alabka iyo habdhaqanka.

Kala-duwanaanshaha habdhaqanka waxaa ka dhasha qaab-aragtiyeedka qofka, kaas oo isna saameeya aragtida nololeed ee qofku ka leeyahay arrimaha nolosha ku xeeraysan.

Aragtida aaminaadduna waa qofku waxa uu aaminsan-yahay ama diin ha ahaate ama wahmi ha ahaate.

Haddaba, tani waxay mararka qaar caqabad/hurgumo ku noqotaa isfahanka dadka, dhanka kalena waxayba dhadhan u yeeshaa nolosha; maxaa yeelay haddii isku si loo wada fekero ama loo wada dhaqmo waxaa meesha ka baxaya wixii nolosha xiisaha gelineyay oo ah kala-duwanaansha.

Kala aragti-duwanaantu waa xigmad  Eebbe ugu deeqay aadanihiisa, kana mida calaamadaha Eebba iyo jiritaankiisa, sida dhulka iyo cirka.

Sidoo kale, waxay sal-dhig u tahay curinta iyo hal-abuurka, hormarka adduun, aqoon iyo cilmi. Haddii aan la kala aragti duwanan lahayn, lama gaareen meesha maanta la joogo. Aragtiyaha cilmiyeed iyo kuwa diineed ee sidaa xeeldheeridu ka muuqato loo dhex-quusay waxay ku timid kala aragti duwaansho dhexmartay mashiinka garasho ee aadamiga.

Tusaale-dhig, afarta mad-hab ee Islaamka (Shaaficiyada, Maalikiyada, Xanafiyada iyo Xanabiladu ba) waa afar mad-hab oo asalkoodu yahay ku kala-duwnaasho fasir oo ah masaa’ilka Fiqiga ah. Deedna la gaaray heer mas’alo walba oo diineed si qoto-dheer oo cilmiyeysan, isla-markaana xigmadaysan  looga doodo; lagu kala aragti duwanaado madaahibta dhanna la aado. Dadkuna dheef, naruuro iyo nasteexo ka helaan.

Se ayaandarro, bulshadii Soomaaliyeed, colaad iyo xagjirnimo hagoogan bay u qaadeen kala aragti-duwanaanshihii, iyaga oo indhaha ka dadanaaya dheefti ay lahayd. Taasina waa dhaqan salka ku haya digtaatooriyad bulsheed. Qofka Soomaaliga ahi ma ogolaan karo in aragtida ka duwan ay dheef u tahay, mana uusa laha awooddii iyo dareenkii uu ku yeeli laha. Dareenkiisa colaad baa lagu riday diidan oo ka boodsan ujeedka loo abuuray kala-duwanaanshaha.Colaadda ugu badanna waxay u qaadeen labo ka mid ah oo kala ah.

  1. Rumeynta(Aaminaada)
  2. Siyaasadda

Dhibka ugu badan ee bulshadeena haystaa waa aragtida aaminaada ama diini ha ahaato aaminaada dhalanteed. Kala-duwanaanshaha aragtida aaminaddu waxay noqotay in laysku gaalaysiiyo kaddib na laysku dilo iyada oo   diinta laysku daliishanayo ogowna xujooyinka diintuna ma aha kuwo  iska hor-imanaya; se ay tahay in dhugashadu kala duwan yahay oo ayan suurtagal noqon karin in isku si loo arko arrimahaas. Markaaasaa la isku colaadinaya. Dheeftiina halkaasay ku seegayaan, waana middaa sababtay in hal-aburka iyo curinta Soomaalidu uu curyaan noqdo.

Kala-duwanaanshaha aragtida aminaadda waxaa ku wada nool bulshooyin aan xitaa isku diin ahayn; waana ayaan-darro in inoogo diinteenu mid tahay aynaan wada noolaan weyno.

Kala-duwanaanshaha aragtida siyaasadduna waa mid kale ooy Soomaalidu isku colaadiso.  In laysku dilo ama lagu kala go’o ayaana inta badan naga dhax dhacda, iyada ooy Soomaalidu ku micneyso in ay tahay qalalaaase abuur qaranka duminaysa.

Taas oo gebi ahaanba ka hor imaanaysa, isla-markaana waxyeello lixaadle u geysaneysa xeerka wada noolaanshaha iyo dhaqan-xiriirka loo baahan-yahay amaba ay mudan tahay inuu bulshada u dhexeeyo.

Se dheeftu  waa  inaan maanka la caburin ee aragtiyaha lays weeydaarsado wixii mudan in laysku raacona ficil lagu daro oo aysan aragtidaa ku ekaan, kuwa aan laysku waafaqinna laysku xurmeeyo hadday suuragal-tahay in layska qanciyona la fuliyo haddii kalena si nabdoon oo niyad sami ah xayndaab nololeedka si wadara loogu wada noolaado iyadoo aysan colaad iyo is caburini jirin. 

Kala-duwnaanshuhu ma dhib baa mise waa dheef?

Kala-duwanaashuhu waa arrin soo jireen ah oo xeerka ay noloshu ku kala socoto. Waa gallad iyo dheef uu Eebbe aadanihiisa ugu deeqay. Ogaalka in ay gallad Eebbe tahay keliya. Waxaa kuugu filan in aad is-weydiiso, ka warran haddii aynu hal nooc oo cunno ama cabitaana dunida laga heli lahaa oo aysan halkaa nooc wax tarraxaa jirin? Ka warran haddii habeen qura u jiri lahaa oo ayan maalini jirteen? Sidee bay ahaan lahayd haddii roobab mahiigaana  joogto aan joogsi lahayn uu ahaan lahaa amaa abaaar darani joogta ahaan lahayd? Muran la’aan, noloshu mid delegan oo aan fududeyn bay ahaan lahayd.

Kala-duwanaanshuhu in uu yahay astaan ka mida ah astaamaha Eebbe ee jiritaankiisu na  baraya, waxay ku tusinaysa dheefta kala-duwanaanshaha caddeymo fara-badan baa ku soo aroortay. Rabbi Qur’aanka wuxuu ku leeyahay:-

Suuratu A-ruuum, aayadda 22-aad.

Haddaba, aayaddani ina tusinaysaa dheefta kala-duwanaanshaha. Iyo in ay tahay bilic iyo qurux; dheeh iyo muuqaal soo jiidasho ah u leh xeerarka nolosha.Kala-dawanaanshaha mab-da’a iyo fikirku mar walba ma aha guul-darro.

Tusaale ahaan:- haddii aynu isku dhabbo qaadno oo aynu wada lunno. Haddiise aynu kala-duwanaano inagoon is-colaadin isna caburin ay qaarkeen heer sare iyo guul gaaraan taasoo aynu inteena kale ku faani karno. Waa raasumaal iyo hanti rabbi inoogu galladay una baahan in la dheefsado ee aan la isku dhibaatayn lana dhibsan.

Bulshadeennu waa in ay dareentaa kuna baraarugtaa, qiimaha iyo dheefta ay leedahay.kala-duwanaantu. Kala-duwanaantuna ma’aha wax ummad diididtaankeed ama doonitaankeed ku xiran, ee waa sida Alle weyne ugu-talagalay uu’nkiisu iney noqdaan.

Haddaba, bulshooyinku  waxay ku kala hurumaraan sidey u maareeyaan kala-duwanaanshiyahooda, isla-markaana ay u dheefsadaan; waayo, waxay tababntaabinaysaa xeerarka noloshu ku kala socoto iyo sunanka ilaahi-ga ah.

Se haddii aynu si qaldan u adeegsano; is-colaadin, is-dhibaatayn, is-dabrid iyo is-weerarid baynu ku dul-meeraysanaynaa. Dheeftii kala-duwanaashahana dhibaataynu u rogaynaa.

kala-duwanaanshuhu waa uu jiraayaa, illaa inta uu rabbi buunka qiyaame ka afuufayo, waana lama huraan. Rabbi (SW) Qur’aanka wuxuu ku yiri:

W.Q:-Ismail FOODCADDE

E-MAIL;- Foodcade009@gmail.com

SHEEKOOYIN