Ballan iyo saxiix aadan fulineyn, beenlow sirqabe ah bey kaa dhigaan!.

156585_10150852611965878_341235953_n

Ballan iyo saxiix aadan fulineyn, beenlow sirqabe ah bey kaa dhigaan!.

Qofku wuxuu milgo maamuus iyo karaamaba yeelanayaa marka uu run sheeg yahay beentana ka fog yahay, taasoo u soo jiideysa kalsooni qab iyo ixtiraam dheeri ah oo ay bulshada oo dhammi u wada heyso.
Qofka raba inuu qabto bulshada hoggaankeeda dhaar dastuuri ah buu maraa, wuxuu ku dhaartaa qowlka ilaah, wuxuuna ballan qaadaa « Inuu dalka, dadka iyo diintaba si daacadnimo ah ugu adeegayo» laakin dhinac kale ayuu mas’uulka cusubi kaga dhaaranayaa isaga oo leh « waxaa igu wallaahi ah, igu billaahi ah, igu tallaahi ah, Inaan danta guud danteyda gaarka ah ka horu marinayo» taasoo ah laba afle meeshii la doono loo adeegsan karo, intooda badanna waxeyba qaataan tan danbe ee ah «danteyda gaarka ah» taasoo meesha ka saareysa wax u qabashada bulshadii magaceeda lagu soo dhaartay.
Sida ay ka marqaati kacayaan, waaya aragyada siyaasadeed, innaguna aan haatan goob joogga u nahay burburka iyo soo kabsasho la’aanta ku dhacday qarankii soomaaliyeed, waxaa loo aaneeyaa ilaa iyo hadda caddaalad darro jirta iyo fulin la’aanta axdiyada la kala galo oo aan inta badan daacad laga aheyn lagana been sheego, iyada oo la wada inkirayo meeshana laga saarayo saxiixyadii la is weydaasaday, marba haddii aanan laga dhex arkeynin danta beesha!.
Federaaleynta oo ah aafo cusub oo loo abuuray bulshada soomaaliyeed, waxaa ka dhex bidhaamaya colaad iyo is nacayb ummadeed, inta dhisiddiisa ku howlanna maaha kuwo ay daacadi ka muuqato ee waxey u tafa xeydan yihiin oo kaliya sedbursiino iyo nin iska dhicis alla ka fogaasho leh, tusaale ahaan heshiisyadii Addisababa lagu soo kala saxiixday ee jubbooyinka ku saabsanaa xaggee buu marayaa?, dekadda iyo garoonka diyaaradaha weli gacanta dowladda ma la soo geliyay, mise saxiixyadii leysla soo galay waa hal kama jiraa? ( Yaa run sheegaya, yaase been sheegaya?).
Muqdisho shir baa ka dhacay lagu kala saxiixday maamul u sameynta gobollada dhexe, waxaa goob joog ka ahaa xubnaha beesha caalamka, waxaana lagu ansixiyay iney mudug iyo galguduud is raacayaan, muddo yar ka dib haddana Garowe ayaa lagu qabtay shir kale oo maamul dhisidda gobollada dhexe ku saabsan, isagana waxaa ka soo baxay heshiis iyo saxiixyo lagu kala qaadayay mudug iyo galguduud, dadkuna waa un kuwii saxiixii hore ka qaeyb galay soomaali iyo ajnabiba. Yaab, yaa run sheegaya yaase been sheegaya?, bal adba.
Maamul u sameynta gobollada koofur galbeed, oo muddo dhowr bilood ah xallintooda loo fadhiyay, waxaa ugu danbeystii ergooyinkii shirka isku urursaday Shariif Xasan Sheekh aadan, ha yeeshee dowladda oo ka shakisay qaabka iyo hannaan socodka shirka ayey seddexda mas’uul ee ugu sarreysa dalka soo wada saareen warqad ay soo wada saxiixeen, taasoo amreysay « In shirka hakad la geliyo si loo qanciyo ciddii wax tabaneysa». Shariifka amarkaasi dheg jalaq uma siin waxaana loo doortay madaxweynaha gobollada koofur galbeed, taasina durbadiiba waxey ka careysiisay guddoomiye jawaari oo shir jaraa’id ku sheegay “inaan natiijada doorashada la aqoonsan doonin”.
Dhanka kale madaxweynaha iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa isla markiiba isku si u soo wada dhoweeyay, taasoo iyadana burrineysa wixii leysku ogaa iyo saxiixyadii la wada galay, su’aashu waxaa weeye « Yaa saxan yaa qaldan?» mise beesha caalamka oo saxiix kastaba ku lugta leh baan farta ku fiiqnaa, marba haddii ay qof waliba dhabarka ka soo taabaneyso warqad kasta oo la saxiixana ay dhinac uga jiraan gar iyo gardarro key doontaba ha ahaatee!.
Haddaba ballanqaadka iyo saxiixyada waa mas’uuliyad qaran oo ay xilsidow bulshadu kuu wakiilatay in aad been ka sheegtana waa xaaraan, waayo caqiiddada ayaa ina leh «qofaan axdi iyo ballan oofin laheyni waa qof aan diin laheyn”, sidaasi darteed mas’uul kastow fuli dhaarta iyo ballamaha aad galeyso, shacabyahow idinkuna la xisaabtama oo qabiil maahee qarannimo kula xisaabtama mas’uulka magacaada wax ku noqday ee maqaamka siyaasadeed kugu matala.

Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN