Home Curis WAAYIHII WARSAME Q16AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q16AAD W/Q: Cali M Diini

0
SHARE

WAAYIHII WARSAME Q16AAD

Galabkii jimcada ayaa Cumar iyo ciidankiisi ku aruureen qolkii qur’aanka lagu dhigi jiray. Tirada kooxdu waa labaatan iyo labo kan ugu wayni toban iyo sagaal jir yahay.

Cumar ayaa kulankii furay ugu horrayna faahfaahin ka bixiyay iskoolka Abuu Xaniifa, ninka iskool leh, Cabdiwaaxid iyo beeshiisa, halka iskoolku ku yaal iyo tirada ardayda dhigata. Kaddib waxa uu ka faallooday qaabka uu doonayo in hawlgalku u dhaco asaga oo sheegay in hawgalku yahay in iskoolka la xiro oo aan dib dambe casharro uga bixin. Si taas loo fuliyo waxa uu sheegay in marka hore hantiilaha iskoolka uu digniin u gayn doono una qaban doono waqti uu uga guuro meeshaas. Haddii uu ku guuri waayo waqtiga loo qabtayna xoog lagu rari doono.

Intaas kaddib Cumar waxa uu laacay oo soo qabsaday boorso dhiciisa taallay? Inta uu kala furay ayaa uu ka soo qufay bastoolado nin walba oo ka mid ah raggii meesha fadhiyayna farta ka saaray hal bastoolad. Cumar waxa uu yiri “hubkaani waa midkii aan wahaabiyada magaalada uga saari lahayn ee ninkii aan aqoon sida loo adeegsado farta ha taago?” Tobaneeyo ayaa faraha taagay. Cumar ayaa markaas faray dhammaan wiilashii in ay soo raacaan. Ayaga oo isdabajooga ayay halkii ka soo dhaqaaqeen. Dhawr jiiro kaddib waxa ay gudaha u soo galeen guri wayn oo xertu degganayd. Waa guri dhexdiisa ay ku yaallaan beero dhir badani ka baxday iyo barxad bannaan oo aad u wayn.

Halkii ayay Cumar iyo Ciise dhallintii ku bareen sida loo adeegsado bastooladaha iyo shiishka. Dabadeed nin kasta waxa la siiyay xoogaa rasaas ah waxaana Cumar u sheegay in nin walba lagu la xisaabtami doono bastooladda iyo rasaasta la siiyay ninkii laga waayo ama si xun u  adeegsadana tallaabo adag laga qaadi doono. “lugtiinana waa furantahay ayuu yiri.”

Cumar iyo Ciise waxa yimaadeen gurigii Shiikh Cabdi waxa ayna warbixin ka siiyeen halka hawshu u marayso. Waxay u sheegeen in dhallintii hubkii ay siiyeen u na tababareen  qaabkay u adeegsan lahaayeen. Shiikh Cabdi ayaa u mahadceliyay labadiisi askari. Waxa uu na ku yiri “Ina dhaqaajiya hadda ayaan digniin soo siinaynaa bidcigee.”  Saddexdoodi iyo darawal Shiikha baabuurka u wada ayaa waddada cagta soo saaray in yar kadib na waxa ay soo hor istaageen Dugsiga Abuu Xaniifa.Shiikh Cabdi ayaa toos u abbaaray xafiiska iskoolka halka Cumar iyo Ciise iyo dawaralkii gaariga ku hareen.

Shiikh Cabdi waxa uu galay xafiiskii oo uu Cabdiwaaxid dhex fadhiyo. Shiikh Cabdi iyo Cabdiwaaxid aqoon isku ma leh. Salaan kaddib Shiikh Cabdi ayaa u sheegay Cabdiwaaxid ujeeddada uu ugu yimid oo ah in uu si deg deg ah uga guuro gurigaan iyo xaafaddaba iskoolkana xiro. Cabdiwaaxid oo yaabban ayaa yiri “ Shiikh sabab?” Shiikh Cabdi: xaafaddaan aniga ayaa ka taliya iskool aanan ogolaanna laga ma furi karo.

Cabdiwaaxid: Dhib ma leh Shiikh haddii aad xaafadda ka talisid taladaada waan oggolahay waxaanan ka mid ahay dadka xaafadda deggan ee ma arrin kale ayaa jirta?

Shiikh Cabdi: haa arrimo badan ayaa jira. Kow, iskoolka marka aad furaysay oggolaanshiiyo na ma aadan waydiisan. Labo, iskoolkaan waa iskool wahaabiyo, iskool wahaabiyaba u ma oggolin magaaladaan gaar ahaan xafaaddaan.

Cabdiwaaxid: Shiikh iskool wahaabiyo maxaad ka waddaa?

Shiikh Cabdi: Waad ogtahay waxa aan ka wado, wahaabiyo waa kooxda bidcada ah ee aad ka mid tahay.

Cabdiwaaxid: Shiikh anigu koox aan ka tirsanahay ma jirto wahaabiyana m aqaanni. Halkaan carruurta xaafadda iyo tan beesha ayaan wax ku baraa.

Shiikh Cabdi: Waryaa waa ninka!  i dhagayso, waan ku ogahay in aad wahaabi tahay labbiskaaga iyo garkaaga ayay ka muuqataa in aad bidci tahay ee 24 saacadood ayaad haysataa in aad iskoolka ku xirtid gurigana wixii kaa yaal aad ka qaadatid.

Cabdiwaaxid: Haddaan uga guuri waayo maxaa dhacaya?

Shiikh Cabdi: Waad arki doontaa waxa dhaca ee 24 saacadood uga guuri waa.  Shiikh Cabdi ayaa ka baxay xafiiskii u na dhaqaaqay halkii gaarigu yaallay. Warsame oo ka soo baxay fasal ayaa arkay Shiikh Cabdi oo albaabka iskoolka ka sii baxaya. Waa uu dareemay in uu xafiiska ka soo baxay iyo sababta uu u yimid. Warsame oo raba in uu ogaado waxa Shiikh Cabdi maamulaha u sheegay ayaa xafiiskii soo galay oo Cabdiwaaxid waydiiyay waxa uu ahaa ninkii iridda ka sii baxayay? Cabdiwaaxid ayaa dhahay “miyaad taqaan?”

 Warsame: Haa waa Shiikhayga

Cabdiwaaxid: Waaba khayr haddii uu shiikhaaga yahaye, ma hadda ayuu Shiikh kuu yahay mise horay ayuu kuugu ahaa?

Warsame: Hadda ayuu ii yahay, xertiisa ayaan ka mid ahay, waa ninkii qur’aanka i baray.

Cabdiwaaxid: Haye, ma ogyahay in aad iskoolkaan dhigatid?

Warsame: Haa waa uu ogyahay.

Cabdiwaaxid oo shaki galay u na qaatay sababta Warsame iskoolka u yimid in ay ahayd mishin abaabulan oo Warsame qayb ka yahay  ayaa yiri “Shiikhu sidee u arkaa in aad iskoolkaan dhigatid?”

Warsame: Macallin haddaan runta kuu sheego Shiikh Cabdi ma ii ggola in aan iskool dhigto, iskoolladaba dagaal ayuu kula jiraa. Markii aan u sheegay in aan a iskool galayna waxa uu igu amray in aan ka baxo aniguna waan ka diiday.

Cabdiwaaxid: Ma ogyahay in aad iskoolkaan (Abuu Xaniifa) dhigatid?

Warsame: Maya, in aan iskool aado ayuu ogyahay ma se oga midka uu yahay.

Cabdiwaaxid: Waan gartay.

Warsame: Aniga ayuu iraadinayay sow maahan?

Cabdiwaaxid: Maya, hawshu adiga kaliya waa ka culus tahay hadda iskoolka dhan ayuu rabaa in la xiro.

Warsame: Oo muxuu iskoolka ku maagay?

Cabdiwaaxid: Gardaro iyo adyad.

Cabdiwaaxid hanjabaadda Shiikh Cabdi si dhab ah ayaa uu u qaatay maadaama uu horay u maqlay sheekooyinka Shiikh Cabdi qaarna uu ba goob joog ka ahaa. Asaga oo taas ka duulaya ayuu Cabdiwaaxid u tagay Xaaji Gacan si uu weerarka Shiikh Cabdi uga gaashaanto asaga oo adeegsanaya awoodda qabiilka oo ah tan kaliya ee la isaga waabiyo weerarka ku soo socda.

Cabdiwaaxid waxa uu Xaaji Gacan u sheegay in sababta Shiikh Cabdi u beegsanayo tahay Alitixaadnimo lagu eedaynayo taasina ay tahay waxba kama jiraan oo uusan waxa lagu tilmaamayo ahayn. Xaaji Gacan ayaa Cabdiwaaxid u sheegay in asaga iyo Shiikh Cabdi yihiin labo nin oo reer Weceeye ah sidaas daraadeed uusan ninna kan kale ku xadgudbi karin. Cabdiwaaxid oo hadalka Xaaji Gacan culays wayn ka dulqaaday ayaa gurigiisi u hoyaaday.

Maalintii dambe barqadii ayada oo aysan wali dhammaan 24kii saac ee Cabdiwaaxid loo qabtay ayaa Cumar iyo Ciise oo ciidankoodi wata  si xoog ah ku soo galeen iskoolkii Abuu Xaniifa. Ugu horrayn Ciise iyo dhawr nin oo uu hoggaaminayo ayaa xafiiskii Cabdiwaaxid xoog ku galay daqiiqado kadib na Cabdiwaaxid oo xoogaa jugo ahi gaareen ayay bannaanka u soo tuureen.

Cumar asaga oo gacanta bastuulad ku wata ayuu mid mid u galay fasalladii iskoolka waxa uu na ka soo saaray macallimiintii iyo ardaydii ku jirtay. Ardaydii, macallimiintii iyo maamule Cabdiwaaxid bannaanka ayaa loo saaray kadib dhawr xabbo ayaa dushooda lagu riday markaas ayay kala yaaceen.

Warsame asagu xilliga iskoolka la qabsaday maqaayadda ayuu joogay oo la ma gaarin saacaddii uu fasalkiisu bilaabanayay. Asaga oo maqaayaddii jooga ayaa Muna ka soo wacday taleefanka maqaayadda u na sheegtay waxa Abuu Xafiifa ka dhacay.

Cumar iyo ciidankiisi si toos ah ayay iskoolkii u la wareegeen. Waxa ayna ka samaysteen saldhig. Kuraastii iyo miisaskii ayay hal qol isugu geeyeen qololkii kalana waxa ay soo dhigteen darmo ay ku fariistaan iyo joodariyo ay ku seexdaan. Shiikh Cabdi ayaa yimid iskoolkii oo xertiisi haysato. Aad ayuu Shiikhu ugu farxay sida wanaagsan ee ay xertiisi iskoolka u la wareegeen ayada oo aan dhiig ku daadan waxa uu na u keenay cunto iyo agabkii kale ee ay u baahnaayeen waxa uu na ku  sheegay oo faray  in ay dhismaha sii joogaan teer iyo intuu isagu ka dhahayo ka taga?.

Cabdiwaaxid oo ordaya ayaa u tagay Xaaji Gacan iyo odayaal kale oo la joogay waxa uu na u sheegay in iskoolkiisi la soo weeraray oo la la wareegay. Xaaji Gacan iyo odayaashii kale waxa waxa ay Cabdiwaaxid ka codsadeen in uu ayaga ka warsugo hawashana ayaga u dhaafo. Asaguna waa uu ka yeelay.

Xaaji Gacan iyo odayaashii waxa ay mawliciisi ugu tageen Shiikh Cabdi kana codsadeen in uu iskoolka si deg deg ah ciidanka uga dulqaado kuna wareejiyo dadkii lahaa. Laakiin Shiikh Cabdi ayaa ku dhaartay in aan iskoolkii Wahaabiyada dib dambe loo furayn saacaddaas laga bilaabana uu gurigaasi yahay guri xertu leedahay oo diinta Alle loogu adeegayo.

Odayaashii iyo Shiikh Cabdi markii ay ismari waayeen ayaa odayaashii isaga soo dageen. Odayaashii maalintii dambe ayay Cabdiwaaxid u tageen waxa ayna u sheegeen in uu meel kale iskool ka dhisto wixii khasaare gaarayna ay odayaashu dhabarka u ridan doonaan. Cabdiwaaxid oo la yaabban go’aanka odayaasha ayaa waydiiyay sababta iskoolkiisi loo boobay oo ilaa hadda loo haysto? Xaaji Gacan oo odayaasha hoggaaminayay odayga reerkana ah ayaa yiri “Shiikh Cabdi waa Shiikha beesha iyo hoggaamiyaha magaalada gaar ahaan xaafaddaha beeshu degto sidaas darteed iskool uusan raalli ka ahayn uusan xaafadda ka furnaan karin anaguna maadaama aan odayaasha beesha nahay waan ku raacsannahay Shiikha go’aankiisa laakiin maadaama aad nin reerka ah tahay waxaan go’aansannay in aan dhibkii ku gaaray magdhow kaa siinno wixii aan awoodno.” Xaaji Gacan ayaa Cabdiwaaxid ka codsaday in uu soo sheego  wixii ka lumay oo soo gaaray waxa kale oo uu sheegay in qalabkii iyo alaabtii kale ee iskoolla taallay ay berri u soo rarayaan. Cabdiwaaxid waa uu  oggolaaday codsigii odayaasha maxaa yeelay ma aysan jirin waxa kale oo uu samayn karo.

Warsame oo aad uga naxsan warkii galabta iskoolkiisa laga soo sheegay ayaa maqribkii tagay gurigii Cabdiwaaxid. Cabdiwaaxid ayaa uga warramay wixii dhacay waxa uu na Cabdiwaaxid  u sheegay Warsame in uu ku dadaali doono in iskoolka dib loo furo sida ugu dhaqsaha badan. Warsame iyo Cabdiwaaxid sidaas ayay habeenkaas ku kala hoydeen.

Warsame waxaa galay walwal uu ka qabo Shiikh Cabdi iyo xertiisa waxa uu na bilaabay in socodkiisa yareeyo oo uusan maqaayadda iyo qolkiisa dhaafin. Maalintii xigtay Warsame oo maqaayaddii ka shaqaynaya ayaa waxaa u yimid wiil ordaya. Wiilkii waxa uu Warsame u sheegay in Taarka (halowhalow) farriinni u taallo. Warsame waa uu fahmay in qoyskii iyo Bila laga soo wacayo. Taleefannadu ma gaarin miyiga berigaas sidaas darteed taarka ayaa ahaa warlaliska tuulooyinku fog fogi kula xiriiraan dunida kale.

Warsame waxa uu tagay taarkii waxaa na loo sheegay in walaashiis Fartuun ay u fadhido. Fartuun waa gabadha ugu yar Ilma Faarax Wacays intaan Warsame ka ahayn. Tan iyi intii Warsame magaalada soo aadayna ayada oo Aabbe Faarax oo da’ ah gacanta ku haysay oo xoolihii reer inta la muraadeeyay (la iibiyay) ayay Fartuun guri Aabbe lagu hayo ka dhistay tuulada Bila, ayaduna tuulada ayaa ay maqaayad ka furatay. Halkaas ayaa Fartuun iyo qoyskeeda iyo Aabbe Faarax deggan yihiim.  Fartuun waxa ay Warsame u sheegtay in Aabbe sakaraad yahay oo habeen hore xanuun ku soo kuday xaaladdiisuna liidato. Warsame waxa uu Fartuun u sheegay in uu imaanayo oo galabta gaariga soo raaci doono.

W/Q: Cali M Diini

SHARE