KADINBAX Q11AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

KADINBAX Q11AAD

Hooyadii waa uu ka aqbalay codsigeedi ahaa in uu u raaco Talyaaniga. Asigoo amminkaas ka faa’iidaysanayaa ayuu isaguna waxa uu hooyadii wayddiistay, in ay siiso ammin uu kusoo dhamaysto howlihiisa gaarka ah. Joon waxa uu xariir qarsoon la leeyahay; Sacdiyo Qalanjo, waa laba ruux oo nafta mooyee aan wax kale u kala jirin. Joon iyo Sacdiyo waxa ka dhexeeya kalsooni ka abuurantay rabitaan jacayl oo xajmiga awooddiisu sarreeyo. Ammin gaaban ka hor Joon kuma fikireyn inuu waddankiisa u socdaalo, waa se wiil baarri ah, Diintii dhabta ahayd ee nolosha loogu talogalayna bartay ee hooyadii miyuu warkeeda diidi karaa? Waa maya! Ma gacalisadiisa uu ifka ugu jecel yahay ayuu ka dhoofi karaa iyada oo aan la socon? Waa maya! Joon waxa uu galay fikir, waxa isaga milqay xerko aan si sahal ah lagu kala furfuri karin.

Naftiisi waxa ay ciribsatay welwel iyo walaahow, waxa uu galay badweyn uusan aqoon sida looga dabaasho. Waaya arag maahan oo garaad iyo kasmo ku kala furi maayo arrinta ku ciirtay. “Labaatan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa e” waayihiisa nololeed lama soo kulmin fikir iyo dhib, kanuse waxa uu u noqday kii ugu horreeyay ee naftiisa lagu jarribo. Ayaamo markii uu taldii rogrogay, amminkii bisha ahaa ee uu hooyadii ka codsadana uu gebogebo marayo, ayuu naftiisa kula showray inuu Sacdiyo Qalanjo u tago.

Si toos ahna ugu sheego inuu safar gaaban gelayo oo uu hooyadii u raacayo waddankiisa koobaad. Ka dibna uu go’aan ka qaato ra’yigii ay Sacdiyo la shir timaado. La ye: “Talo lama tallaabo dhexdood ayay ka dhalataa e” Waa taladii ugu habbooneyd ee maankiisa kusoo dhici kartay. Kama laba labeyn ee intuu ballan ka goostay ayuu u sheegay inuu habeenka Jimcuhu soo gelayo u imaanayo, waa laba habeen ka dib e. Isla markiiba qalin iyo waraaq intuu soo qaatay ayuu dhowr sadar oo ballantu ugu muhiimsaneyd ku xarriiqay, boorsadiisa ku ritay. Waxa uu doonayaa inuu Sacdiyo Qalamjo ugu tago, Bacadlaha ay hooyadeed u iibiso, halkaasna ugu dhiibo waraaqda farriinta ah.

Sacdiyo, subaxaan waxa ay usoo shaqo tagtay bacadlihii ay hooyadeed u iibi jirtay. Waa geenyo muuq iyo milgaba Eebbe u hibeeyay. Waa tii abwaanku yiri:-

  • “Nabi Yuusuf quruxdii
    Qaaddirkeennu siiyaad
    Adna qeyb ka wadataayood
    Qeyrkaa ku dhaaftay.”

Sacdiyo Qalanjo sha’niga dhabankeeda ka bidhaamaya iyo hillaacaya jirkeeda, waxa ka daran jooggeeda labada mitir ah oo ludda iyo laftaba Eebbe u dhammaystiray. Waa maarriin dhalaal, Soomaali dhalad ah. Magaceeda ayaa laga garan karaa milgeheeda, waxa lagu lammaaniyey “Qalanjo” waa tii fannaanku yiri:-

  • “Qoortaadaa dheeree
    Lagu qoray cabbaaryaha
    Markaad xaggeyga
    Usoo qalloocisabey
    Ma liqdaa i qabataa?”

Waa tii lagu ammaanay mar kale:-

  • “Markey socodka damacdee
    Laafyaha la daawado
    Degganida tallaaba
    Miisaanka lagu daray
    May daarin ciiddee
    Daa’uus la moodyey!”

Sacdiyo Qalanjo waa timan gardhaaleydii boqolka halaad yaradda looga bixin jiray, baarqabka iyo gammaanka farasna loo raacin jiray. Quruxda iyo qaayaha ay la gole joogto darteed waa tidacleydii meherkeedu ka billaaban jiray “Afartan dago oo Ari ah” waxa ay ka dhalatay reer ladan, weligeedna ma arkin qarsin qallooc iyo quudxumo. Subaxaan waxa ay usoo lebbisatay si ka duwan sidii hore. Ma oga inuu barqadaan u imaan doono jacaylkeedii ay ifka ka jamatay. Hammiga nafeed ee rabitaankooda, waxa aad mooddaa inay riyo isku arkayaan oo qalbiyadoodu isla shaqeeyaan. La ye:– “Iiddaya ayaanka jimcaad xays ku aaddiyey” taa soo ka dhigan laba iidood oo isku beegmay.

Sacdiyo Qalanjo markii ay guriga kasoo baxaysay ayaa waxa faduulisay saaxibteed Xaliimo xilkas, kuna tiri:- “beriga ma malxiisad ayaa noqon rabtaa shaqo sidaan laysu guma dhilo e?” Sacdiyo intey ku qosol aan dhagdhag ahayn ilkihii waxaraha lahaa la caddeysay ayay ku gaabsatay waa iska caadi, balse, beriga farxad dheeri ah ayaan dareemayaa, ma aqaan ma bishaaro ayaan la kulmi doonaa?”

Dukaankeedi ayay timid iyadoo dareen la’ nabad iyo negaadi ayay ku ballaqatay irdihii waaweynaa ee bacadlaha. Guud ahaan waddanka, gaar ahaan magaalada muqdisho oo ay ku noolyihiin waxa ka jirta nabad iyo xasillooni ummadeed. Geeri iyo gablan aan ka ahayn qof cudur dilay ama shil u dhimatay, dhegaha dadku ma maqlaan. Waa deegaan Ilaaheey u dooray degganaansho.

Sacdiyo Qalanjo oo shaqadeeda si hagar li’ ah u gudaneysa ee kolba dhinac alaab kasoo dejinaysa, ayaa ka war heshay “Asalaamu calaykum” Macaanto, isla jeerkaasna iyada oo aan is ogeyn lana dheg ka faarsan qofkaan leh; “Macaanto” ayay ku halcelisay; “Wacaleykuma salaam” Macaane. Salaan ka dib Joon kuma daahin, maadaama ay xilli shaqo tahay e, waxa uu u dhiibay warqaddii uu siday, ka dibna waxa uu ku yiri shaqo wacan. Sacdiyo amminnadaan oo kale ma arki jirin Joon oo socdaal iyo salaan ugu yimaada iskaba daa in uu waraaq u keeno e. Waa se ruux degganida loogu dawgalaye waxa ay si debacsan u tiri:- “mahadsanid gacaliye, anaana jawaab kugu soo celin doona ee maalin boqran”.

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo!

W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

E-MAIL: Cuute23@hotmail.com

SHEEKOOYIN