U QAADAN WAA (Q3AAD) W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

U qaadan-waa!!!! (Q3aad)

Qalbiggeedda daawasheeddu suuro gal noqon waa. Haa, caqli gal maaha oo Eebbeheen ayaa qofkasta kashiisa wax ku jira u qariyey, keligii baana daalacda. Ma ogi waxa iigu jira, waan se doonayaa in aan ka gun gaadho. Dhankayga anigu waan ogahay oo waan jeclahay laakiin iyada mooji, tolow ma i jecleyd iyaduna?. Su,aashaas waan jeclaan lahaa in aan ogaado balse yaa iiga jawaabaya oo aan weydiiyaa?. Iyadii , Ladantaydii iga aammustey, sida qolyaha baarlamaanadda iyo madalaha go,aammadda lagu gaadhaa uga aammusaan. Anigu waxa aan is weydiiyaa ka aammuskaasi ”Haa” miyaa uu ka dhigan yahay mise ”Maya”, wax u dhexeeya haddii se ay tahay, fadlan hay sheegin.

Adduunyadan haddii maalin ba qoraxdu dhacdo si ay mid kale u soo baxdo, aniga hal mar ay iga wada god gashey, goor ay soo bidhaami na lama yaqaan. Sannadka laftiisu haddii uu toban iyo laba bilood (12) ka kooban yahay ,aniga dhankayga waa isla hal maalin. Maalintuna dhankayga waxa ay ka tahay daqiiqado ee la soco, kuwaasoo u sii dhigma ilbidhiqsiyo. Haa iyada la,aanteed nuur iyo nuxur toona ma leh dunidani. Ammintii u dambeysay ee aannu is maqalno yididiilooyin badan baan lahaa, raynrayn buux ahi na waa ay jirtey dhankeyga, nasiib darro se gabalkii dhacay galabtaas aniga wax kastaba waa uu iga la garaabey. Haahey, waxba iima uu san reebin, sarifna iigumuu soo celin.

Naftaydan waan hiifey in badan. Waan ula hadlay sarre iyo hoos ba, canaantey, ku qayliyey, su,aalo aanney jawaab u hayn, u na heli karina ku wareeriyey. ”Maxaad ugu sheegi weydey dareenkaaga?” waa mid ka mid ah weydiimihii maankaygu sida madfaca ugu garaaceyey qalbigeyga. Xaqiiqaddu se waxa ay tahay jawaab celin looma hayo. Haa, uma hayo runtii. Maxaa aan ku jawaabaa?. Ma waxa aan yidhaahdaa, waan aan ka  baqayey, wakhti ku haboonnaa ayaan ka sugayey, diyaar u ma aan aheyn. Marmarsiiyahee ayaa aan kaa yeelaa. Ogowna ma jiro mid ka mid ah waxaas aad soo taxdey oo ii soo celin Luul tii aad lumisey ammintaas.

Nolosha adeygeeda,qalafsanaanteeda iyo isbedbedelkeedu in uu sidan ahaan doono qorshaha kuma aan darsan, umana ay dhaweyn in aan ku darsado. Haddii aan ”riyo” ku jiri lahaa oo waxa igu dhacay aan ku dhex arki lahaa riyadda ”manaam” ahaan, ma aan aqbaleen, iska daa in aan nolosha runta ah ku aqbalee. Marnaba miyaa aan ka fikirey in aan hadalkeedda, codkeeddii macaanaa, qosolkeeddii iyo dhoolacadeynteeddii aannu kala maqnaan doono muddo ku siman bil. Sidii aan hore kuugu sheegay hay weydiin in ay bil tahay, laga yaabaa in ay sannad, maalin ama toddobaad ba tahay e, waayo dheh , dhanka tirootinka marnaba iskuma fiicnin oo muhiim dhankayga kama aha, mana ka laha runtii. In aan helo qumantaydii ayaa keliya ii cad.

Jaceylkeeddu goortii uu igu dhacey, ammintii la i haleeyey, ilbidhiqsigii ay i yeelatey haddii aan kuu sheegi lahaa, ma xasuusto. Balse keliya, waxa xaqiiq ah in ay i laheyd ilaa iyo maalintii koowaad ee aannu is baraney. Habbeenkaas wax khayr leh ayaa i helay, sharkiisa haba iska watee. Wax marka aan la joogo iga farxin jirey, iga  na dhigi jirey ninka adduunyadda ugu nasiib badan. Balaayo habeennada qaar hurda ii diidi jirtey, jeelasha naafooyinka jaceylkana igu soo xidhi jirtey. Amateedka nolosha mid ii furta, marna gebbi ahaan ba furashayaasha albaabada nolosha si is ah  iiga la wareegta inta ay i qufusho. Daqiiqado gudahood ayaa ay ii miistaa cadho iyo qosol isku dhafan, isku dhex jir ah, markaa saa dhammaan jaalkeygu kala saari waayaan in aan faraxsanahay ama aan murugoonayo si ay midkood iila qaybsaddaan. Waxaas baa i helay habeenkaas.

Haddii aad adigu naftaada xaalkeeda gaar u ogtahay, aniga waa la iiga sheekeeyaa oo la igu sheekaystaa. Cid uma warramo hadda na naftayda layga war badan. Waad i fahmi ee intan ila dhugo, xantayda ma moogani ye. Cabdirisaaq na in uu sirta u yaqaaney farriin waa aan  mid aan ka dheregsanaa.

  • Hore maanan u tebi jirin
    Waxaan raadin ugu jiro
  • Uma baahan jeer hore
    Sidan aan u rabo jaal
  • Weli maan jalka u nicin
    Sidan aan hadda u jaray
  • Kuma raagin soo jeed
    Sidaan jiifka uga go’ay
  • Jidhku ima qallalin weli
    Sidan aan u ahay jeex
  • Jeel iyo harraad badan
    Lama noqon janqalankaan
  • Inna maqane joogiyo
    Layma odhan jug baad tahay
  • Intaan jamashadaadiyo
    Jacaylkaagu ila tegin

Intaas yar haddii aad fahantay, sawirka aad ka qaadatey ee aan nooc na ba aheyni waa aniga, waa anigeygan kuu sheekaynaya. Yaab ama ha yaabin, balse runta waa in aheyn qof buka, oo ildaran. Haddii dawo aan raadsan lahaa na, waa aan hubaa oo dawadeydu waa iyada, iyada sida lagu heli ayaa hadal badan ka taagan yahay, fikir badanna u baahan.

La soco qaybta Afraad (4aad)

W/Q: Ismaaciil Cabdillaahi Caydiid (Samadoon).

SHEEKOOYIN