Home Curis WAAYIHII WARSAME Q18AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q18AAD W/Q: Cali M Diini

0
SHARE

WAAYIHII WARSAME Q18AAD

Muna ma aysan doonayn in ay Warsame ku dhahdo Gaboobe ka har ama tusto in aysan jeclayn, balse, maalin ayay Warsame uga sheekaysay sheeko uusan markii hore  dulucdeeda helin balse, uu ammin kaddib ujeeddadeeda gartey.Sheekada oo Muna hadda ka hor buug ka akhrisay waxa ahayd sidan:-

Inta la xasuusto taariikhda, dadka iyo dhurwaaga cadaawad gaamurtay ayaa dhextiil. Mar walba oo dhurwaa la arko dadka deegaanku qofba qof ayuu qaylodhaanta gaarsiiyaa si ubadkooda iyo xoolohooda uga ilaashaadan dhurwaaga.Taasina waxaa ay dhashay in gu’yaal badan aan hal qof dhurwaa cunin.

Maalin maalmaha ka mid ah nin beeraley ah oo degganaa degmo yar oo beerato ah ninkaas magiciisu waxa uu ahaa Galaal. Galaal waxa uu ahaa macangag dadka degmadu yaqaannaan macangagnimadiisa kaligiis ayaa meel degganaa teer  iyo inta uusan guursan ka hor. Maalin ayuu duurka degmada u dhawaa ka soo baxay asaga oo dhurwaa dhinac socdo, dadkii degmada ayaa ayaga oo amakaagsan isku soo baxay.

Balse Galaal  dan iyo heello ka ma uusan galin waxa dadku la yaabban yihiin. Galaal iyo dhurwaagu waa ay sheekaysteen labadoodana midba kan kale waa uu la dhacay.

Maalintii labaad ayay Galaal iyo Aw waraabe kulmeen. Dhurwaagu ma ahayn mid aad u u yar ma na ahayn mid halis badan oo Galaal baqdin ka qabay.

Galaal ma dhagaysayn digniino isdabajoog ahaa oo uga imaanayay dadka degmada kaas oo ay ugu sheegayeen in aan wax wanaagsan ka imaan dhurwaa waaqiis. Galaal si uu dadka degmada u tuso in aysan waxba ogayn, maalintii saddexaad ayuu Galaal dhurwaagii duurka u raacay galabtiina asaga oo nabad qaba ayuu ka soo noqday. “maxay ka yaqaannaan dhurwaa? Kaliya waa ay la dagaallamaan” ayuu yiri Galaal. Galaal waxa uu rabaa in uu degmada tuso in dhurwaagu yahay noole waxtar badan u leh dadka ugu dambaynna ay ugu mahadcelin doonaan waxtarkiisi.

Muddo bil ah ayay Galaal iyo Aw dhurwaa wada noolaayeen dhurwaaguna Galaal ka caawinayay hawl maalmeedkiisa sida waraabinta Lo’da iyo soo daajinteeda.

Maalin ayaa dhurwaagii oo ordaya Galaal u yimid asaga oo leh, “Galaal! Galaal!” waxaan soo arkay meel caws badan oo haddii lo’daadu soo daaqdo aysan caws kale afka saarayn haddii ay lo’daadu caws kaas cuntana waa ka cayil iyo qurux badnaanaysaa lo’da kale ee degmada.

Galabnimadii dambe Galaal iyo Aw dhurwaa waxa ay aadeen halkii dhurwaagu cawska ku sheegay ka horta inta aysan lo’da meesha gayn, si Galaal u soo arko meesha cawska badan.

Galaal iyo Aw dhurwaa waa ay dhaqaaqeen ayada oo dadkii  degmadu la yaabban yihiin. Galaal waxa uu Aw dhurwaa waydiiyay “meeqa saac ayaan ku gaaraynaa meesha?” “saddex saac” ayuu Aw dhurwaa  ugu warceliyey.

Markii ay saacado lugaynayeen ayaa dhurwaagii hal mar dhul fariistay, Galaal ayaa waydiiyay waxa ku dhacay?.

Dhurwaa ayaa ku yiri “Ma socon karo, socodku intii aan moodayay waa uu ka dheer yahay. Galaal ayaa yiri “ Shan daqiiqo naso kaddibna socodkeenna ayaan sii wadanaynnaa. Dhurwaagii ayaa yiri “Galaalow  dhabarkaaga ma igu qaadi kartaa xoogaa si aan meesha si dhaqso ah ugu gaarno? Galaal ayaa yiri dhurwaagi soo kor dhabarkayga.

Galaal oo dhurwaagii dhabarka ku sida dhawr buurood ayay ka sii daadegeen laakiin maadaama dhurwaagu yahay xayawaan aad u culus Galaal waa uu daadalay  kaymihiinna waxa ay sii noqdeen jiq.

Dhurwaagii oo markaan aad u xooggan ayaa Galaal ku yiri aniguna aan markayga ku qaadee soo fuul dhabarkayga. Galaal dhabarka dhurwaaga ayuu ku booday. Aw dhurwaa oo Galaal dhabarka ku sida ayaa dhinac kale orod isku sii daayay.

Kayntii marba marka ka dambaysa waxa sii noqonaysaa jiq haddii insha farta lagaa galiyo aadan arkayn. Markii Galaal waydiiyo Aw dhurwaa halka ay ay socdaan iyo goorta ay meeshii cawska badnayd gaari doonaaan Aw dhurwaana ha walwalin ayuu  ugu warcelshaa mar walba.

Wax dhurwaagii Galaal la sii ordaba waxa ay gaareen meel buuro waawayn iyo qarar miiran ah. Dhurwaagii ayaa hal mar dhulka ku tuuray Galaal, Galaal si xun ayuu dhulka ugu dhacay waxaana Galaal u caddaatay in dhurwaa waligiis dhurwaa yahay uuna  gef wayn sameeyay markii uu dhurwaa ku kalsoonaada.

Degmadii aad ayuu oga fogyahay haddii qayliyana qayladiisu ma gaari karto dadkii degmada si ay ugu soo gurmadaan. dhurwaa Galaal waa uu dhagray ama waa dagay, Galaalna naftiisa ayuu dhagray.

Warsame ayaa aad u ugu qoslay sheekada oo Muna ku yiri “Doqonnimada Galaal baan la yaabay, maxaan kanshadaaas oo kale dhurwaa ugu heli waayaay waxaan ka soo matajin lahaa hashii Weris ahayd oo uu iga cunay.”

Muna ayaa intey dhoola caddeysay tiri“Adiguna geelaan baas ma hilmaatid miyaa  geel beele? Ilaa maalintaan ku bartey geel baad afka ku haysaaye. Haddaad geel rabtid orod miyiga ku noqo ”. Muna waxa kale oo ay Warsame uga sheekayn jirtay sheekooyin jacayl sida Maana Faay iyo Ayaandaran.

Halka asagu uga sheekayn jiray sheekooyin miyiga ku soo qabsatay iyo kuwa uu ka maqlay odayaal miyiga degganaa sida libaax qaalin geel ah ka cunay oo intuu raadqaaday uu soo dilay,  waraabe habeen saqdhexe waxar kala cararay iyo mas uu dhakada cag ka saaray asaga oo lugaynayo. Muna sheekadiisa oo dhan waxa ay u qaadan jirtay kaftan ama booto.

Muna aad ayay u akhrin jirtay sheeko-faneedyada iyo kuwa jacaylka Warsame waxa ay u keeni jirtay buugaag ay ku qoran yihiin sheekooyin kala duwan.

Cabdiwaaxid ugu ma ay darin weerarkii Shiikh Cabdi ku soo qaaday waayo iskoolkii aad ayuu u ballaartay ardayda dhigataana waa ay saddex laabantay. Waxa uu qoray macallimiin iyo shaqaale kale oo hor leh.

Cabdiwaaxid oo la dhacay qofnimada daacadnimada iyo fariidnimada Warsame ayaa Warsame u soo bandhigay in uu iskoolka shaqo ka siinayo oo uu fariisto risabshinka iskoolka.

Cabdiwaaxid waxa uu Warsame u ballanqaaday in uu iskoolka bilaash ku dhigan doono siinna doono Bilgoosad (Mushahar) iyo guno ka badan kan maqaayadda sidoo kalana uu siin doono guri uu dego.

Warsame waa uu oggolaadey asaga oo foolkiisa riyaaq iyo raynrayn ka muuqato waxa uuse Cabdiwaaxid u sheegay in uu baahan yahay muddo labo toddobaad ah  si uu maqaayadda ogaysiis uu siiyo.

Warsame hantiilahaa maqaayadda Xaaji Daahir xushmad gooni ah ayuu u hayaa ma na uusan hilmaamin abaalkii uu u galay, maalintii asaga oo aan aqoon cid uu ciirsado oo indhaha ka mirrig-mirrigsiinaya uu Ilaahay Xaaji Daahir u soo diray. Sidaas awgeed Warsame waxa uu rabaa in si sharaf leh maqaayadda u soo nabadgelyeeyo.

Warsame waxa uu u tagay Xaaji Daahir waxa uu ma u sheegay in uu shaqo ka helay isla iskoolka uu dhigto ma na uu ka qarin ee waa uu u sheegay inta bilgoosadka(Mushahar) iskoolku aad uga badan yahay kan maqaayadda.

Waxa oo Warsame u sheegay Xaajiga in uusan lacag kaliya shaqada uga tagine uu doonayo in uu beddalo xirfaddiisa oo halka hadda uu kabelyeeri ka yahay uu iskoolkanka noqonayo xoghaye xafiis.

Xaaji Daahir aad ayuu u dhaweeyay horumarka Warsame waxa uu na kula dardaarmay in uusan halkaas ku hakane uu sii wado dadaalka waxbarashada waxa uu na ku yiri “Warsame waxa aad ii tahay wiil aan dhalay oo kale horumar walba oo aad samaysidna waan ku faraxsanahay mar kasta sidii aan hore kuugu ahaan jiray ayaan kuu ahaayanayaa ee haddii aad wax iiga baahatid ii imow maqaayadduna waa maqaayaddaadi oo mar walba oo aad timaaddid marti ka ma tihid ee jikada gal wax alle waxa aad cuni kartid cun lacagna ha bixin.”

Warsame  ayaa asna waxa uu Xaaji Daahir uuga mahadceliyay abaalkii uu u galay iyo sidii uu garab ugu noqday waqti xaalku ku xumaa, haddii aadan i gacan qaban lahayn maanta heerka aan joogo ma joogeen ayuu Warsame ku yiri Xaaji Daahir.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cali M Diini

SHARE