Hammi caashaq iyo hunga been ah Q37AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been Q37aad.

Xasan: haddaba Axmedow inta aanan waxaan wado kuu sheegin, waxaad iga ballan qaadaa, in aadan  iga diidayn talada aan kuu daba dhigi doono, kolka aan hadalka kuu idleeyo.

Axmed: Widaaygeey iyo walaalkay sida aad ogtahayba raggu  waa talo keen ama waa tala raac, aniguna ma ihi gar maqaate meel ku dheg ah, adigana waxaan kugu aqaanaa in aad marwalba maskaxdaada ii miirto had iyo jeerna aad  talooyin wax ku ool ah  igu hagto, ma xasuusto mar qura oo aan ku hungoobay fikir ama soo jeedin aad ila wadaagtay,  ta nkale waxaad tahay nin iga gu’wayn oo iga waayo aragsan sidaa darteed waa ma hurto in aan qaato so ojindinta aad ii soo jeedin doonto haddiiba rabbi idmo.

Axmed sidiisaba ma ahan meel ku dheg indho daboolan oo maskax xiran, waa nin ku caan baxay maskax furnaan iyo isku kalsoonaan, waa nin jecel horay usocodka marnaba kuma qanco in uu meel taagnaado is rogroga waayaha ayuu aad u taageeraa, inta badan marka uu naftiisa dhiirigelinaayo waxa uu tusaale ugu qaataa biyaha naftiisana waxa uu ku yiraahdaa: U fiirso biyaha haddii ay meel fadhiistaan oo ay socon waayaan si fudud ayay u doorsoomaan ama u xumaadaan, balse haddii ay socdaan ma xumaadan, u fiirso biyaha marka ay socdaan haddii ay la kulmaan darbi dib ayay uga laabtaan, waxa ayna raadsadaan dariiq cusub.

Xassan aad buu ugu kalsoonyahay widaagiisa balankiisu in uusan burina  aadbuu uga dheragsan yahay, asaga oo hoosta ka riyaaqsan ayuu sheekadii u bilaabay waxa uuna hadalka ku bilaabay: Axmadow soomalidu waxa ay ku maah maahdaa: ”Nin wayn iyo gabar umuliso ahba sida ay wax u ogyihiin uma sheegaan” labadooduba hadalka waa saafaan dadkana in yarbaa dhuuxda, garasho badan ayaan ku bidayaa, waxaanan hubaa in aad  heli doonto dulucda iyo biya dhaca hadalkayfa.

Horta gabdha Nasra  ee aad jeceshahay ma ahan gabar u qalanta jaceylka aad u hayso, waa gabar  aan kula heer  iyo han ahayn,  adna been ayay ku sheegaty haddiiba ay ku tiri waxaan ahay gabar, ma ahan gabar laba meher oo midna been yahay midna run yahay ayay soo martay  weliba hal mar, ayada oo la qabo ayay nin kale u dhuumatay, oo socdaal iyo jiidaal dheer u gashay dalkeedi iyo dadkeediina uga soo harjadey, waxa ay dhashay wiil waana dhintay wiilkii, dadka ay ka dhalatay waa dad milge iyo maamuus badan balse ayada ayaa magac dishay.

Axmed: Walaal horta sidaan maalintii aan arrinkaan kula wadaagaayay kuu sheegayba gabar ay saaxiib Nasro ahaayeen oo aan ilaa hadda is xariirino ayaa ii sheegtay in ay gabdhaan jeclAhay laba nin soo guursatay wiilna dhashay kana dhintay intaasba waan ogahay ee waxaan rabay in aan ogaado in arrintaani runtahay, ee walaashaa siday ku soo heshay xogtaan? Tan kale ma halmar ayay laba nin u wada dhaxday.

Axmed aadbuu u niyad jabay kama niyad jebin laba nin ayay soo guursatay, balse waxa uu aad uga xumaaday oo uu layaabay laba nin ayay mar qura guursatay.

Xasan: walaal xogtaani waa mid run ah, walaashayna aadbaan ugu qanacsanahay, waxayna kasoo heshay gabar ay saaxiib yihiin walaashay, Nasrana ay xigaal yihiin.

 Lasoco qaybaha kale

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

 

SHEEKOOYIN