XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 76aad

                                           1- Xulufo iyo xal
Haddii aad rabto in aad dhaqso meel dhow ku gaarto kaligaa soco, haddii aad rabto in aad meel fog gaartana, xulufada badso.
Xigasho Ratan Tata.
Micnaha labadaas xikmadood waxaan ka garan karnaa in noloshaada taladeeda ay adiga kaa go’do marka loo baahan yahay go’aan qaadasho dhab ah, balse, marka aad u baahantahay caawin iyo tala qaadasho loo baahan yahay in hareerahaaga aad eegto oo dadka wax galka ah aad la tashato.
Mmusa

2- Dhimasho iyo dhalasho
Dhalashadaadi waa lagu jeclaa, dhimashadaadana waa lagu jeclaanayaa, inta u dhaxaysase adiga ayaa lagaa doonayaa in aad iska yeesho mid la jeclaado ama aan la jeclaan, labadaas jeer ee aadan talada ku lahayn noloshaada dadku ayaga ayaa isku qasba jacaylkaaga.
Ratan Tata

3-Baniaadam
Waxaa jiro farqi wayn oo u dhaxeeyo Baniaadanimo iyo in aad Baniaadam ahaato, in yar oo idinka mid ah ayaasa macnahaas fahmi karta!
Ratan Tata.

4- Qof ku jecel
Qof ku jecel kaama jeesto kaamana quusto xitaa haddii ay jirto 100 sababood uu kaaga quusan karo iyo hal sabab uusan kaaga quusan karin, mar walba waxaa u muuqanaya halka sabab uusan kaaga quusan karin, quruxdaada mar walba waxaa arki kara qofka ku jecel, isla isag ayaana macaansada.
Mmusa

                                                         5-Cunto iyo Daawo.
Cuntadaada u qaado sida daawadaada oo kale, haddii kale daawada ayaad u qaadan doontaa sida cuntada oo kale, micnaha, cuntada si xikmadaysan oo xad gudub lahayn u qaado, si aad u hesho caafimaad wanaagsan, cuntada oo loo qaato si taxaddar leh waxay horseedaa in ay kaa difaacdo cudurro badan, sidoo kale waxay qayb ka qaadataa dhismaha quruxda jismigaaga, haddii aadan si taxaddar leh u qaadan cuntada, cuntadaada waxay noqon doonaa Daawo.
Ratan Taata

                                                         6-U tababar caruurtaada
Caruurtaada ha u tababarin in ay taajir noqdaan, ee u tababar in ay noqdaan farxaamiin ku faraxsan waxa ay nolosha ka helaan, si ay u kala gartaan qiimaha nolosha.
Ratan Tata

                                                       7- Qofka ficilkiisa
Qofka haddaan la arkin ficilikiisa saamaynta uu leeyahay sidee loo kala gartaa in uu xun yahay iyo in uu san yahay, ficilka ka hor qofka ma lagu sifayn karaa wanaag iyo xumaan?
Mmusa

8- Qof mooro ku xiran.
Mararka qaar ama sida badan ma garan kartid quruxdaada iyo qiimaha aad leedahay,  waxaa jira mar walba qof soo saari kara qiimahaaga kuna dareensiin kara waxa aad u taagantahay iyo waxa aad tahay, laga yaabee in qofkaas sidaas kuu maamuli kara ama ku dareensiin kara waxa aad dhab u tahay in uu soo baxo waqti aysan ku haboonayn oo laga yaabo in aad tahay qof mooro ku xiran oo xor u ahayn doorashadiisa.
Mmusa

                                                9-Dumarka ha buuxiyaan.
Wax walba oo wanaagsan waxtarna u leh bulshada Diin ama dhaqan diidaya ma jirto, maxaa yeelay, waa maslaxadda guud ee umadda, Alle maslaxadda guud ee nolihiis in la ilaaliyo marnaba kama hor imaanayo, si la mid ah dhaqanka wanaagsan ee ay bulsho leedahay, hadaba is weydiintu waxay tahay haddii raga ay ku guul dareesteen mas’uuliyadda loo igmaday ee ixtitaamka iyo horumarinta ubadkooda iyo xaasaskooda maxaa diidaya in dumarku ay buuxiyaan booskaa ay raga banneeyeen?
Mmusa

                                                      10-Ixtiraam dumarka.
Ninka jecel hooyadiis ixtiraam weyna u haya waa hubaal in uu kula dhaqmayo dumar oo dhan si ixtiraam ah oo edeb laga dheehan karo.
Mmusa

11-Mararka qaar
Inta aad nooshahay mararka qaar waa ku qasbantahay in aad iska indha tirto dadka qaar iyo afcaashooda sidoo kale fikradaha qaar iyo hadalada qaar iyo muujinta la muujiyo waxyaabaha qaar, inaga oo og in noloshu ay socoto oo aysan is indha tirkeena aysan u istaageen.
Mmusa

12-Saaxiib 
Horey waxaa loo yiri, hala saaxiibin qof aan sirtaada qarinayn, oo ceebtaada asturayn, oo wanaagaaga faafinayn, xumaantaadana qarinayn, haddii aadan heli karayn saaxiib intaa kuu samayn karana, hala saaxibin wax aan naftaada ahayn.
Mmusa

                                                                      13-Maseer
Ma jirto haweeney aan maseerin ama aan maseer la waalan, balse waxaa jira dumarka qaar awood u leh in ay is koontaroolaan, kuwaas oo xanaaqooda u muujiya oo kaliya dumarka lala qabo, balse aan dhibin ragooda.
Mmusa

                                                                     14-Dunida

Dunida sida aad u daba socotid oo inba maalin  usoo qabanayso ayey adiga oo wax yar farqaha ku haysta kaa dhamaanaysaa walina u ciil qaba.!!!

 

15-Aamusnaanta dumarka
Aamusnaanta dumarka waa tilmaan qatar ah oo tilmaamaysa in ay cara la qarxi rabto ama oohin ay gudaha ka ooynayso oo qof ka caawinaya aysan jirin.
Mmusa

                                                         16-Raga 
Waxay dhaheen raga waxay ku qaadataa in ay dumarka jeclaadaan wax la mid ah Daqiiqad, balse in ay illoobaan ayaa muddo fog qaadata, waase marka ay dhab wax u jeclaadaan.
Mmusa

                                                               17-Ma runbaa?
Ma runbaa in dumarku ay maqalka dhagahooda wax ku jeclaadaan, raguna ay wax ku jeclaadaan aragtida indhahooda?
Mmusa

                                                                 18-Duamar
Haweenka looma abuurin in ay raga jajabiyaan, ee waxaa loo abuuray in ay rag dhasho kadibna ku bar baariso in ay ragu rag noqdaan.
Raganimada aad ku faanayso dumar ayaa kaa dhigay ee ku dhowr ha ku dhaawicin.
Mmusa

                                                     19-Ka faaidayso duruufahaaga
Qof walba duruufaha nolosha wuxuu ka haystaa farxad iyo murugo, sidaa darteed, waxay ku wanaagsantahay in aad duruufahaaga uga faaiidaysato sida ay kuu soo maraan.
Mmusa

                                                20-Haybadda dumarka 
Ma ogtahay in haweenayda ay awood u leedahay in ay aqriso dareenka ninka hor fadhiya waasa marka ay danaynayso, haybaddaasna waa haybad uu Alle ku mannaystay Dumarka raguna aysan haysan.

Mmusa

                                              21-Xannaanee Dumarka

Dumarka marka ay xanaaqsan yihiin hala murmin hana u qaadan waxay dhahdo wax weyn, maxaa yeelay marka ay xanaaqdo waxay la mid noqotaa caruurta, caruurtana marka ay xanaaqaan waxay u baahan yihiin xanaana gaar ah.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN