XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 79aad

1-Indhahaaga
Indhahaaga wax badan ayey qaban karaan, balse qalbigaada wax kooban ayuu qabtaa.
Mmusa

                                                           2-Marka aad wax jeceshahay
Marka aad wax jeceshahay muhiim kuuma ahan waxa ka dhacaya dibadda ama xaaladaha kale ee nolosha, waxaas oo dhan waxaa ka weyn kana macaan badan waxa gudaheena ka dhacaya taas oo ah jacaylka iyo baahida la isku qabo.
Mmusa

3-Qalbigaada
Qalbigaada marka aad raacdo mararka qaar waxaa dhacdo in dhamaadka arrinta aysan ku  farax galin.
Mmusa

4-Dhib iyo dhab
Wixii aadan xallin karin dhib ma ahan ee wa dhab, dhabtana xallinteeda ma ahan wax awooddeena ah.
Mmusa

5-Go’aankaaga
Go’aankaaga dhinac ha kuu ahaado mar walba, balse, lahow xaalad aad isku baddali karto marka aad la kulanto jawi aadan filayn.
Mmusa

                                                             6-Indhaheena 
Indhaheena Alle wuxuu dhigay wajigeena korkiisa si aan u aragno waxa inaga horeeya, xikmadda in indhaha la dhigo meeshaas kadambaysa ayaa ah in aan ogaano halka aan u socone ee aysan xaajadu ahayn halka aan ka nimid.
Mmusa

7-Iftiinka dunida 
Dunida aan ku noolnahay waa hal, balse xaaladaha aan ku kala noolnahay waa kala duwan yihiin.
Iftiinka ay qoraxda dunida ugu deeqo waa hal, balse sida aan u kala helno iftiinkaas isku mid maahan.
Mmusa

                                                       8-Kalsoonida 
Kalsoonidu waxay timaadaa marka aadan ka baqan in aad khaldanto, marka aad baqanayso kalsoonida waa kaa sii dheeraataa.
Mmusa

9-Hadiyadda ugu qaalisan.
Hadiyadda ugu wanaagsan ee qof la siiyo waa jacayl, naxariis, iyo xushmad, intaas qofka kuugu deeqo waa qofka ku siiyey hadiyadda ugu qaalisan dunida.
Mmusa

                                                        10-In lagu jeclaado
In lagu jeclaado waxna aad jeclaatid waa farxadda ugu cimriga dheer farxadaha dunida ka jira.
Mmusa

11-Soo jiidashadaada.
Soo jiidashadaada waxay ii ahayd jacayl ku meel gaar ah, balse jacaylkaaga ayaa ii noqday soo jiidasho joogta ah.
Erayo macaan waan is dhaafsan karnaa saacado kooban, balse saamaynta ay nolosheena ku yeeshaan ayaa ah kuwa aan la noolaano inta nolosheena ka dhiman.
Mmusa

12-Farxad iyo faham
Farxadda noloshaada waxay ku xirantahay tayada fakarkaaga iyo is fahamka naftaada kaala dhaxeeeya.
Mmusa

13-Waqtiga xun
Nolosha waqtiga wanaagsan wuxuu soo tufaa xusuus wanaagsan, halka waqtiga xun uu inoola yimaado casharro wanaagsan oo aan wax ka barano.
Mmusa

14-Sugasho
Waad sugan kartaa qofka qalbigaada ah inta uu kaaga imaanayo, balse wax ka xun ma jirto sugasho raja aysan ka muuqan.
Mmusa

                                                                 15-Wax walba 
Ma rajaynayo in aan ku siiyo wax walba oo dunidan aad ku jeceshahay, balse waxaan isku dayayaa in aan noqdo wax walba oo jeceshahay kuna dareensiiyo waxa aad tahay iyo waxa aad u qalanto.
Mmusa

16-Runta waa qoraxda 
Runta waa sida qoraxda oo kale, waa iska qarin kartaa muddo kooban, balse mar walba waa tii soo iftaa.
Jacaylka aad u qabto qof in aad la noolaato wuu kugu adkaan karaa oo xaaladaha kugu hareersan waa kuu diidi karaan, balse marnaba ma helaysid laab dagan oo qanaaco leh, mar walba in aad la noolaato qofka aad  jeceshahay ayaad u ciil qabaysaa.
Mmusa

17-Cabsida hakaa baqato
Marka aad fahanto waxa aad u taagantahay iyo waxa aad u qalanto, heshidna wax aad muddo badan ku hamminaysay, waxa kaliya ee kaa hor istaago talaaba u qaadidda hanashada waxa aad jeceshahay waa cabsi markaa kugu abuuranta, haddaad baqato waa kuu dhamaatay mana helaysid waxa aad rabtay.
Cabsida hakaa baqato inta aad ka baqan lahayd.
Mmusa

                                                               18-Hanashada nolosha
Nolosha waxay ka koobantahay wax kaa lumay iyo wax kuu haray, marnaba dib looma eego waxa kaa lumay, waxa kuu haray ayaa mar walba la hantaa lagana fakaraa hanashadooda.

19-Hab isii
In aad hab isiiso waa hadiyadda ugu fiican ee aan kaa guddoomi lahaa, maxaa yeelay cabirka laabtaada ayaa buuxiya kan laabtayda, waana jaaniska ugu fiican ee jeexa qalbigayga uu kiisa kula faqi lahaa.
Mmusa

                                                                      20-Jeclow
Waxaa la yiri haddaadan heli karin waxa aad jeceshay, jecelow waxa aad haysato.
Yaab!!!
Taas macnaheeda ma waxaa loo fasiran karaa jecelow nolosha aad haysatay ee aadan ku faraxsanayn, qalbigase ma aqbali karaa taas?!!!!
Mmusa

                                                              21-Riyo rumowday
Marka aad kaligaa riyooto waa iska riyo, balse marka lawada riyoodo waa la helayaa waxa lagu hamminayo.
Taas macnaheeda waa in sida qalbiyada aan isku siinay aan u gaarno halka aan kuwada hamminayno.
Mmusa

22-Hanuunka
Qalbigaada ayey jabiyaan mararka qaar,  saaxiibkaaga ayaa niyaddaada xumeeyaa, qof aadan dulmi ka filayn ayaa ku dulmiya, heer waxaad gaartaa markaas aad ka quusatid bani aadam oo dhan la xiriiriddiisa, waa markaas marka aad go’aansato in aad magan u noqoto Allahaaga, dadka iyo baahidoodana uu kaa kaafiyo, waa markaas marka aad cagta saarto dariiqa dhabta ah ee hanuunka.
Mmusa

                                                                    23-Ha is qasbin
Naftaada wax aysan rabin ha ku qasbin, naftaadana dadka aan rabin ha ku qasbin.
Ha is qasbin oo ha qasban dadka.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN