Doob gaamuray! Q14AAD W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

Doob gaamuray! Q14AAD

Gobaad oo noloshan baxsadka ah la daalaa dhacaysa, nafteedana ay halis ugu jirto weerarro uga imaan kara godka mugdiga ah ee ay xamaaratadu  dhex galgalanayso iyo ugaarsiga miciya weynta habar dugaag, ayaa mar walba, waxa ay si adag ugu dhaarataa  “ In  ay Mahad-dheere xaas u noqoshadiisa ka  ka xigto god iyo geeri” hawdkan cabsida badan lehna ay isaga dartii u soo gashay!

Haddaba “Qof waliba lagaa ma qumana ayaa qoorta loo suraye” si taa la mid ah, waxaa isaguna geestiisa uga soo dhaaranayay, Mahad-dheere oo ku xila furay, “In aysan Gobaad marnaba xarigga nikaaxiisa sinaba uga baxsan karin, meel kasta oo ay gashana uu uga daba tagi doono, isla mar ahaantaana nolol iyo geeri middi ay ku sugan tahayba uu sidaa ku qabo” wuxuuna hadalkiisa sii daba dhigay “Dibadda isa soo dhigtayaa, iyo sii dhuumatayaaba,  mar walba  Oorideydii uun baa tahay”.

Dhanka kale, Mahad-dheere adeerradii oo aad uga shallaayay doonistii Gobaad iyo xididnimadii ay la yeesheen qoyska reer Haybe Warfaa, ayaa iyaga oo wax ka baadi goobaya raadkii Gobaad, waxa ay wiilkooda ku guubaabiyeen “In uu gabadha soo celinteeda xil iska saaro” iyaga oo markaa u ballan qaaday, in aysan dhaafaynin tallaabana ka qaadayaan, ninka afadiisa u gacan dhaafay ee guri duminta iyo waxan oo ceeb ah ay isaga dartii u dhacayaan.

“Ninba tiisa, ayaa haysata oo la iska ma war hayee” Guuleed oo ahaa wiilkii ay Gobaad is jeclaan jireen, balaayada socotaana ay isaga qoorta u suran tahay loona haysto, inuu xaas rageed daba maryo ku sameeyay, ayaa isaga oo ay allihii alle tahay oo balliga geela ka waraabsanaya war moogna ah, ayaa loo soo  sheegay “In Gobaad la waayay oo seygeedii iyo degaankaba ay adiga daraadda uga baxsatay lana la’ yahay nolol iyo geeriba, iyada oo loo maleynayo, in ay adiga xaggaaga soo jirto, sidaa daraaddeed rag baa kugu soo maqan ee yaan baylah lagaa heline birmad dalbo billaawahana suunka ku sii giijiso!” ayey Guuleed war sidayaashii ku la taliyeen.

In cabbaar ah ka dib, Guuleed oo waraabintii geela ka soo fara xashay, ayey soo kor is taageen seddex rag ah oo ay wejiyadoodu dhiillo ka muuqato, kuwaasi oo uu ku jiray, Mahad-dheere, isla markiiba mid baa si kulul u hadlay oo warkiisa ku billaabay “Waryaahee ninkoow, baas qabaa tahayoo, bariido ma mudnide baadidayada meel noogu sheeg, inta aanay halkan balaayo kaa raacin”.

Guuleed oo colkan soo dul joogsaday warbixintooda horay u qabay, ayaa si geesinnimo leh u yiri “War nacasyo isa soo biirsaday baa tihiine, nacnacda iyo sheeko carruureedda, intaad iska dhaaftaan war rageed ii la imaada, haddii aysan ahayn, wax alle iyo waxaad haysaan soo daaya, bal ninka ay u daran tahay dunidu ha ogaatee”

Mahad-dheere oo aad iyo aad uga carooday, aflagaadhada iyo ijaafaynta Guuleed ka soo yeertay, ayaa intuu toorrey la baxay ku yiri “Waryaahee ma intaad guryahayaga noo daba martay baad, haddana sidan anshax darrada ah noo la hadlaysaa”.

Guuleed intuusan warcelin buu Mahad-dheere, si kedisa ahayd u la soo booday toorreydiisii, isaga oo markaa  garabka bidix ee Guuleed ku hubsaday, isaguna taa beddelkeeda billaawihii loo sii diyaarsaday baa halbowlaha cunaha lagaga gooyay, dhowr ilbiriqsi ka dibna Mahad-dheere, halkii ayuu ku geeriyooday, sidoo kale Guuleed oo dhaawac ahaana, waxaa sii dhamaystiray labadii Mahad-dheere la socotay, halkaana waxaa ku wada naf baxay, seygii Gobaad iyo kii ay horay u jeclaan jirtay oo ay dartii duurka u gashay. Gobaad sidaa, ayey labadii ninba ku weyday, iyada oo aan degaankii iyo gurigoodiiba dib ugu noqon karin!

Xilligu waa hiraab la dhowrayo in ay soo iftiimaan fallaaraha cadceedda laguna jiro tiigsi maalmeed iyo inuu waagu soo beryo. Gobaad xalay oo dhan bay soo jeedday welina godkii, ayey dhex fadhidaa oo kolba madaxa ayey la soo baxaysaa, dhiigga iyo geerida darteed degaankii uga dhacdayna war u ma hayso, iyada oo maxaad samaysaa ku tallamaysa, ayey meel aan ka dheerayn ka maqashay dhurwaa ciyaaya, illeyn waaba kii u soo hoyan lahaa godkan ay ku jirto, alla naxdin weynaa!

Goor uu waagu soo iftiimay, waraabuhuna uu rabo inuu godkiisa ku soo xaroodo, ayey raxan Yey ahi, ku soo yaaceen Dhurwaagii markaasuu si xowli ah u cararay, iyaguna wey ka sii daba ordeen, iyaduna inteey geesaha iska eeg eegtay bay orod uga soo baxday godkii, waxayna u aag beddelatay dhankii ay isu cayrsadeen maahee dhankii kale, iyada oo markaa aad u ruclaynaysa alla barina ku sii daraysa.

Gobaad Ilaah baa soo badbaadiyay, oo sidii ay u soo socotay buu waagu u beryay, ka dibna waxa ay heshay wadda cad oo ay baabuurtu marto, waxayna go’aansatay, in aysan jidkaasi meelna uga leexan, waayo waa intaas oo ay heshaa gaari horay sii qaada oo intuu cidladan uga gargaaro meel dad islaam ihi joogaan geeya, waxaa kale oo go’aamadeeda ka mid ahaa “In aysan dib ugu noqon dhulkii ay ka soo hayaantay” maxaa yeelay xataa hadduu dhintay Mahad-dheere ceeb aanan loogu laaban karin baa meesha taal, iyo qumayadii ragga isku laysay!.

La soco qaybaha kale

W/Q: Bashiir C. Xuseen(Barbaariye)

SHEEKOOYIN