Sheekadii; Xabsi Doon! Q7AAD W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

dd

Sheekadii; Xabsi Doon! Q7AAD 

Janaqoow waxuu yiri;

Iyadoo uu dhididka iga tifleeyahay, ayaan la soo booday, magacii ninka aan soo xasuustay, Kaaga darane ninka aniga waan aqaanaa muuqiisa laakiin isaga xitaa haddaan ku ruganayo, ima yaqaano, Nasiib wanaag waa ey garteen ninka aan u tilmaamay, Waxeyna u direen telfoon iyagoo ka codsaday inuu si dhaqso ku yimaado, Noloshayda illaahay ka sokow waxey ku xirantahay jawaabta ninka imaanayo, Ana waxan isu sii diyaariyay sidii aan ninka isugu sheegi lahaa, ka hor inta uusan dhihin garan maayo.

Waxan ku isku beerqaboojiyay inuu ninka imaanayo ka naxariis xumaan doonin nin gaal ahaa oo aan u shaqadoontay, shirkad uu mas’uul ka ahaa, waagii aan labada xaas qabay. Shirkada waxaa looga baahnaa, Darawal wadi karo gawaarida tareelada ah ee wadamadda isaga gooshto, Laakiin aniga oo eey howshaas igu cusleyd shaqana u baahnaa, ayaan gaalkii u sheegay, in aan ahay darawal caadi ah, Laakiin howshayda iyo standard lifeka, Hanaanka molosheydu uu cariiri yahay, oo aan maanta daruufaysanahay. Gaalkii, oo uu illaahay dhabarka iiga soo dharbaaxay, ayaa igu yiri, waan dareemi karaa xanuunka uu leeyahay qurbaha oo eey wehliso baagamuudanimo, marka waan farsamaynayaa, Birito xilliga balanta marka la gaaro, ee aan magacyada yeeriyo, kan sadaxaad ayaan kaa dhigayaa, Adiga gal tareelaha shirkiisa oo sheelareey intaas ha lagaa helo, Sidi baan ku balanay, markaan imid oo la i yeeriyayna waxaan falay sidii la ii sii qishay, Dadka kale waxaa la marinayay imtixaan daran, laakiin aniga saan markaan u sheelareeyay ayuu gaalkii yiri, Heersare, waxuuna igu amray inaan ka soo dago, oo sidaas baa la igu shaqaaleeyay, Gaari booyad ah oo biyaha keeno anoo wadayo ayaan qaadanayay lacag u dhiganto tan uu qaato ninka tareelaha wado, maadaama magacaygii la gudbiyay.

Ninki loo waxay oo gaari Roneld ah wato ayaa yimid goobtii, Mar alla markaan indhaha saaray, ayaan farxad la suuxi gaaray, markuu dhowr talaabo ii soo jiro, ayaan ku qeeyliyay, Waxan ahay Hebel Hebel Hebel, Hebel dheere ayaa adeerkey ah, Waxa la iga soo tarxiilay sacuudiga, Hadda, Walaashaa sacuudiga joogto heblaayo ayaan isku xaafad gali jirnay, Waxaas oo dhan naf baa iga keeneysa’e ilbiriqsiyo ayaan ku aqriyay, Sidaas buu igu gartay, Oo la iiga furfuray siligii aan ku xirnaa, Isaga ayaana gaarigiisii igu soo qaaday, Intaan dhax sii socono ayuu igu yiri” waxaad tahay nin aad u nasiib badan, Wili nin iskoolkan la keenay oo badbaaday hortaa lama sheegin, reerkiinina waxeey u qaxeen Afgooye, Halkaa ka raadi, Sidii baan isku macsalaamaynay oo aan u soo aaday firsada Gawaarida afgooye aado laga raro.

Gaari Caasi ah ayaan raacay, waxaan kursi kula fariistay qof dumar ah, rakaabka qaarkii ayaa si cajiib ah ii eegayay, Shaki baa i yara galay, Waanse waayay meel aan u qaado, Inyar kadib waxaa kursigii nala soo fariistay, wiil kale oo midhaa sideeydaa qabar moog ah.

Waxan ku nimid barkoontarool oo eey fadhiyaan ragii aan dirqiga uga soo baxsaday, Laba askari ayaa gaarigii qoorta soo gashatay oo sidan u eegeegtay, waxba ma eysan arkin, laakiin alla qaad kale oo meel kore saarna ayaa ku soo qeyliyay, Raga iyo dumarka isla fadhiyo maxay ahaayeen, Sidii baa darawalkii lagu amray inuu gees u bixiyo gaarigii,

Laba shaabuug ama jeedal, ayaa reedaha nalagala maray, Markii hal igu dulqayootay ayaan la soo booday waraaqahaygii, oo aan ku qayliyay, Waxan ahay tarxiil aan sharciga la soconin, saacado ka hor baan imid, Darawalka iyo Kirishbooygana waxba iima sheegin ee maxaad igu dileysaan, Sidi baa la ii garawsaday kadib markii waraaqahaygii la eegay, Dadkii gaariga saarnaa ayaa lagu amray ineey ka soo daadagaan oo eey gawaarida kale raacaan, Darawalkii iyo kirishbooygiina inta fig loo xiray ayaa qorraxda la dhigay, Iyagoo sidaasi u dandareysan.

In yar dabadeed waxan dib ula soo midoobay qoyskaygii aan siniinka ka maqnaa, Farxad darteed ayaan la ilmeeyay, Mar haddaan dib u kulanay qoyskaygii aan aduunka ugu jeclaa. Waxan kaloo la yaabanahay sida aan ula qabsan doono joogitaanka magaalada la is miishimayo, lacago ayaa sacuudiga iiga yimid, waxaana la i soo faray inaan si dhaqso ku soo noqdo, Hadda iyo Boosaasaa, ayaan qalbiga iska iri.

La soco Q8AAD.
Sac
W/Q; Saciid Muuse Axmad

SHEEKOOYIN