DOOB GAAMURAY Q – 15aad W/Q :- Barbaariye Bashiir Cali Xuseen

DOOB GAAMURAY Q – 15AAD

Qoyska reer Haybe Warfaa, waxa ay la murugaysan yihiin oo ay ka seexan kari weysan yihiin maqnaashaha gabadhooda oo meel ay ka doonaan ay garan la’yihiin, sidoo kale Qoyskii uu ka dhashay Mahad-dheere iyaguna tacsi baa u taal oo wiilkoodii ayaa geeriyooday, waxayna qof walba oo iyaga ka mid ah uu ku calaacalayaa “Balaayo shar wadata oo qumaya ah, ayaa na soo gashay, ragga dhintayna iyadaa u sabab ahayd, maxaa wacay, iyada oo nin leh bay nin kale damacday inkaar heshada”.

Gobaad intii ay baxsadka ku guda jirtay ee ay duurka cidlada ah dhex carareysay, gadaasheed waxyaabihii ka dhacay degaankii ay ka soo hayaantay waxba ka ma oga oo waa ay ku war la’dahay, waxayse dadka dhafoorrada la haystaan, murugo xanbaarsan tiiraanyo lixaad leh oo ay iyadu dhigtay, maxaa yeelay, waxaa weli degaanka looga barooranayaa geerida labadii wiil ee iyada darteed intey isku maandhaafeen billaawaha dhiigga iskaga aslay.

Dagaalkaas gacan ka hadalka ah ee uu hinaasuhu keenay, waxaa dartiis u geeriyooday, Mahad-dheere, oo ahaa seyga ay Gobaad ka carartay, iyo sidoo kale, wiilkii ay jeclayd ee ay isaga dartii ay reerkeeda u dumisay, kaas oo isaguna ay seeftu qaadday. Guuleed inkasta oo uu wax dilay haddana dhaawac halis ah baa soo gaaray, waxaana sii dhamaystiray oo qudha ka jaray labadii jaalka la ahaa Mahad-dheere, sidaa ayeyna labadii wiil ee Gobaad madaxeeda isku maagay ay ifka ku seegeen kuna wada god galeen!
Aaskii wiilasha ka dib, gogol baa la fidiyay ay gari dhextaal. Guurti baa leysugu yeeray odayadii degaanka ah, gaar ahaan intii garaad iyo garasho lagu tabayay ee ay taladu ka go’eysay, waxaana lagu wada ballamay geedka damalka ah ee la yiraahdo “Dhuur janaaso” hoostiisa, si loo meeleeyo xalna looga gaaro dhiigga daatay ee aanada iyo dakanadaba reebi kara.
Xaajo gorfayn iyo garqaadid dheer leh ka dib, waxay guurtidii gogosha ka odayeynaysay go’aamiyeen “In reerka uu ka dhashay Guuleed ay bixiyaan magta Mahad-dheere oo gacanta wiilkooda ku baxay” sidoo kale reerka ay ka dhasheen labadii wiil ee Mahad-dheere la socotay, ayaa iyaguna lagu xukumay “In ay bixiyaan magta Guuleed oo ay gacmahooda ku dileen, iyada oo aanay jirin wax ka dhaxeeyay, balse ay ahaayeen rag dagaalka u soo galay kibir iyo garabsiin oo ay hiillo iyo danaano kaliya meesha keentay”.
Intaa markii la isku af gartay reer walibana uu gartiisii guddoomay, ayaa waxaa istaagay oday ku hadlayay magaca reerkii uu Mahad-dheere ka dhashay, wuxuuna madasha ku salaamay “Asalaamu calaykum” wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata yiri “Salaan gobeed ka dib, annagu wixii dhacay oo dhur ama dhiig ahaa, xalay dhalay baan ka nahay, waxayse fari inooga taagan tahay oo aan rabnaa, in meel naloo saaro dhaqankii inoo dhaxeeyay annaga iyo reer Haybe Warfaa, maxaa yeelay, xilo iyo xoolaba waa naga maqan yihiin, sidaa darteed mid uun inaan helnaan xaq u leennahay”.

Haybe Warfaa oo Gobaad aabbaheed ah baa hadalkii qaatay kuna war celiyay “Horta intii dhimatay Alla ha u naxariisto, intaa ka dib, wiilkii aan soddogga u ahaa ee aan gabadhayda u hibeeyay, anigu ma aan dilin ee tii Allaa u timid, halkaasna asaay ama hengel baa ka waajibtay, teeda kale haddii ay gabadhu nooshahay iyo haddii ay dhimatayba, reerka xididkay ah waxaan leeyahay “Xoolo soo noqonayaahi ma jiraane xumaan yaan wax lagu doonin, maxaa yeelay gabadha ninkeedii wuu dhintay” wuxuuna sii raaciyay “Idinka ayey hadda waajib idin ku tahay, inaad gabadha raqdeedii iyo ruuxeediiba ila baadi goobtaan, sababta oo ah markii noogu war danbaysay, in kasta oo ay gurigayga joogtay, idinka ayey xilihiinna ahayd”

Ugu danbaystii guurtidii gar naqista gogosha u fadhiday, waxa ay mar kale go’aamiyeen “In gabadhaasi maqan uu ninkeedii geeriyooday oo aan qabitaan danbe lagu lahayn, balse ay tahay in xoolihii laga bixiyay kala bar hal bar dib loogu soo celiyo reerkii qabay maadaama ay gabadhu ninka ka carartay, iyada oo barka ay helayaan reerkii gabadha qabay haddana laga jarayo meherkii gabadha, intii uu heshiisku ahaa” sidaa ayaana la isku cafiyay, in gabadhii la wada baadi goobana waa la isku af gartay laguna wada faatixaystay.
Gobaad iyadu weli waa war moog weyna sii carareysaa, markaanse waxa ay ka soo badbaadday dhulkii howdka ahaa iyo halistii habar dugaag iyo xamaarataba lahayd ee ay cabsidooda wadnaha goysay, waxayna soo gashay dhul yara fidsan oo raadka dadka iyo duunyaduba ay ku badan yihiin. Waxaa ka dhamaaday biyo iyo baad, wixii ay sidatay oo gaajo iyo oonba wey dareemeysaa qorraxduna waa ay soo kululaatay, hasa yeeshee markii ay daal iyo harraad isugu darsameen bay geed yar iska hoos fariisatay.
In cabbaar ah markii ay fadhiday bay maqashay cod dadeed oo meel fog ka soo yeerayo, waxay markiiba niyadda gashatay “Armay noqdaan reerkii oo ku baadi goobaya, isla markaana raba in ay dib kuugu celiyaan ninkii aad ka soo carartay” Gobaad si dhaqsa ah intey fadhiga uga boodday bay ku carartay meel kush ah oo lagu gabban karo waxna laga bidhaansan karo.

La soco qaybta – 16aad

W/Q :- Barbaariye Bashiir Cali Xuseen.

SHEEKOOYIN