Home Qoraallo Islaamka iyo Mucaaradnimada W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

Islaamka iyo Mucaaradnimada W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

0
SHARE

Islaamka iyo Mucaaradnimada

Erayga mucaarad waa eray siyaasadeed waxaana inta badan loo adeegsadaa marka ay jiraan aragtiyo is diidan oo iska soo horjeeda. Tus: Xisbi ama koox siyaasadeed  oo ka aragti duwan xukuumadda talada haysa ama xisbiga hoggaanka haya iyagoo muujiya  dhaliilaha iyo god daloolooyinka ay faleen si ay ugula loolamaan tartanka dambe hanashada talada iyo hoggaanka dalka .

Haddaba habdhaqanka siyaasadda ayaa  u kala qaybsan, qolada talada iyo hoggaanka haysa ( xukuumad ama xisbi xaakim) iyo qolada ka aragti duwan ee ka soo horjeeda ( Mucaarad).

Waa arrin lama huraan ah cid diidaysa ama baajin kartaana aysan jirim  jirataanleeda waana mid qof iyo qolo walbaa  gaar u leedahay madax bannaanida aragtideeda iyo bandhigeeda iyada oo la xeerinayo lana ilaalinayo inay kala aragti duwanaanshuhu dhaliyo dhib iyo waxyeelo labada dhinacba .

Haddaba waxaan oganahay diinta islaamku in ay musliimta fartay hannaan iyo kala danbayn in ay yeeshaan marnab aysan oggalayn wax isku dhexyaac ah ama is barbaryaac ah. Waxaa laga maarmaan ah dhawrkii qof oo meeli isugu yimaada in ay hoggaan yeeshaan waxaana arrinkaas jideeyey Suubanihii nebigeenna (NNKH)Rasuulka suubban (NNKH) waxa uu nafarayaa:

Faahfaahinta xadiiska :“Haddii ay sadex qof isugu yimaadaan meel cidla ah waxaa looga baahan yahay in mid hoggaanka  iyo guddoonka udhiibtaan.”

Hadalka suubanaha (NNKH) waxa uu muujinaya mugga uu ku fadhiyo hoggaanka iyo kala danbeynta iyo sida ay nolosha lama huraanka ugu tahay.

Eebbe markii uu noolaha abuuray waxa uu ka dhigay mid muuqa iyo aragtida iyo ogaalka ku kala duwan.  Eebbe kali ah ayaana noolaha ku ilaaliya aragtidiisa. Haddaba nolasha aadanaha marba haddii ay ku dhisantahay hardan iyo nolol raadis. Eebbe waxa uu u sameeyay xeerar kala haga kana ilaaliya in uu nooluhu noole kale ku xadgubo dhanka aragtida iyo dhan jir ahaaneedba.

Xeerarka ilaaheey dajiyay ee uu ku ilaalinayo qiimaha aragtida noolaha waa badan yihiin waxaanse kasoo qaadanaynaa dhawr qodob. Eebbe (SWT) waxa uu ku leeyahay aayadda 59aad ee suratu al Nisaa:

Eebbe (SWT)  aayaddaan waxa uu faraya  dadka asaga rumeeyaay in  eebbe iyo ergaygiisa “Rasuulka” raacaan sidoo kalana hogaankoodana ka danbeeyaan.

Waxa uu eebbe weynaa oo wanaagsanaaye inoo caddeeyay in ay jiri karto dood iyo kala aragti duwanaasha ka dhex dhacda hoggaanka iyo dadwaynaha , illaaheey waxa uu noo sii caddeeyay doodahaas qaabka iyo xeerka lagu maaraynayo waxa uuna yiri:

Haddii aad arrin ku doodaan adinka iyo hoggaanka waxaad ula laabataan kitaabka ilaaheey iyo sunnada suubanaha (NNKH). (

Eebbe  weynaaye asagoo nagu baraarujinaya  sida ay lama huraanka u tahay wada hadalka iyo kala aragti duwanaashaha waxa uu na farayaa, in la helo kooxo u istaagga wanaagga dadweynaha . Ha ahaato dhanka arrimaha bulshada, samafalka, Waxbarashada, Arrimaha siyaasadda. Kooxahaase waxa ay qabanayaan, wixii wanaag ah waxa ayna ka hortagayaan wixii xumaan ah.

Xumaantaas  ha noqoto mid ka socota dhanka dadweynaha ama dhanka maamulka ha ahaato ama xumaantaasi ha noqoto mid markaas taagan ama mid laga sii hortegayo inay timaad ama dhacdo.

Mucaaradka siyaasaduna waxa uu cuskan yahay aragtida ah :

Diinta islaamku sidoo kale waxa ay  ina fartay in la dhiso golayaal siyaasadeed ee bulshada  u igman.

Mucaaradkuna aragtidooda uu ku soo bandhigo ,hoggaankana ay kula  hadlaan kuna muujiyaan dareenkooda kuwa weydiiyaan wixii laysku maandhaafsanyahay .

Eebbe swt waxa uu faray kuna amaanay ummadiisa wada tashi iyo aragti is waydaarsi:

Waxaan huban oo aan tuhin ku jirin in golaha wada tashigu uu noqonayo madal aragti kala duwan lagu lafa gurayo. Mucaaradkuna uu aragtidiisa kusoo bandhigi karo.

Haddii aan dib u milicsanno dhaqankii saxaabada gaara ahaan hoggaamiyaashii dowaladda muslimiinta hoggaamin jiray waxaan ogaanaynaa in ay tix galin jireen aragtida ka soo horjeeda .

Hoggaamiyihii ugu horreeyay dawladdii islaamkii Abbuu bakar al sadiiq (ERN)  hadaljeedintii ugu horaraysay ee uu jeediyay waxa uu ku yiri

Haddii aan madax idiin noqday ma ahan in aan idin kugu fiicanahay , hadidi aan wanaag sameeyo iigu kaalmeeya . Haddii aan xumaan sameeyana I toosiya.

Hoggaamiyihii labaad ee islaamka Cumar bin khadaab asagoo dadka hortaagan  oo la hadlaya ayaa waxa uu ka hadlay gabdhaha maherkooda waxa badan sheegta waxa uu ugu baaqay in ay joojiyaan falkaas.

Gabar ka mid ah gabdhihii masaajidkaa fadhiyay ayaa ka hor tinid  kuna tiri . Xaq ilaaheey na siiyay miyaad noo diidaysaa ,

Waxa ayna u sheegtay ilaaheey in meherka badintiisa iyo yarayntiisa ay ayagu go’ aankiisa leeyihiin: 

 Cumar waa uu oggalaaday gabadhaas in ay ka saxantahay  “Gabadha ayaa saxan anna waan gafay.”

W/Q: Shaafici Macallin Axmed.

SHARE