Hammi caashaq iyo hunga been ah Q38AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been Q38aad.

Xasan: Walaal xogtaani waa mid run ah, walaashayna aad baan ugu qanacsanahay, waxa ayna ka soo heshay gabar ay saaxiib yihiin walaashay, Nasrana ay xigaal yihiin.

Xasan ma ahan nin been lagu yaqaano, Axmedna aadbuu uga dheregsan yahay in uusan Xasan war aan sugnayn u keenayn, Axmed waa nin adkaysi iyo dul baddan, aadna u yaqaana la daala dhaca waayaha, waa dantii garad waayo arag ah, hadda waxa uu Xasan ugu fadhiyaa taladii uu siin lahaa,  asaga oo soo ruuqaansaday  lana moodu in uu dhegaysi isu diyaariyay ayuu halmar dibnaha kala furay kuna yiri widaagiisa: “Saaxiib horta waad ogsoon tahay oo adduunku waa dhib iyo dheef is dulsaaran, aan i raahdo waa malab iyo mariid,  maalinba mid buu ragu dhedhemiyaa, waxaad ogsoon tahay in mar walba ay wanaagsan tahay in aad tahay nin diyaarsan oo ka  ka kordhsada wacyiga iyo waayaha fursadaha  kanshadii ku soo martana dheefsada oo aan baylihin, ninka ragga ahi ma ahan in uu kolka ay tanoo kale ku dhacdo han jabo  oo liico waa iska caadi in aad kuftaa, balse wa qalad inaad kici waydaa, ee saaxiib maxay tahay taladaada ku aadan arrinkaan i murjiyay?

Axmed waxa uu muujiyay diyaar ahaanshihiisa ku aadan qaadashada talooyinka Xasan, waxa uu gogosha u sii xaaray in saaxiibkiis talada uu  soo jeediyo ee uu la wadaago, waxa uu jafjaftay maskax uu murti uga bartay, in uu miirto ayuu diyaar u yahay.

Xasan oo  dhoolacaydanaayaa, kuna faraxsan  dhiiranaanta ka muuqata saaxiib kiisa ayaa hadal ku bilaabay:Axmadow wiligeedba inan rageed  kama sina garaad iyo maaninta, oo waa loo kala badiyay, dhiiranaanta goob ka hadalka iyo go’aan qaadashaduna ragga qayb ka mid ah ayay gaar u tahay, la lama wadaago oo waa xero u oodan, aniguna  waxaan qirayaa inaad tahay, nin rageed gabar aan rag aqoon ku tumatay, waa wax ka dhaca dumar qaar iney  ragga ku dheeldheelaan, waxaanse hubaa in aad tahay nin ka kaban kara jabka yar ee gaaray, dumarka qayb ka mid ahi waa  dadnimo ma leh ma oo mararka qaarbay doqon nin raggeed diraca dhaafshaan.

Dhanka kale soo jidintaydu waa in aad gabdhaas ilowdaa, xasuusteedana iska jartaa, kana soo qaadaa qof aan jirin, qaybtii aad qalbigaaga ka siisayna aad ka soo furataa, tan kale xisaabta ku darso in aad tahay nin ay dumar badani dusha ka eeganayaan oo dhufaysyo badan loogu jiro, ogowna  in aysan  dumar qaayo dheerayn dee, iska daa in ay qaayo dheer tahay ama qiimo leedahaye waxaan amin sanahay in ay tahay dhaqan iyo diin bi’iso,  dhaqankeena sharafta badan u gaftay.

  Asaga oo hadalka wada, ayuu Axmed ka dafay kana qaatay si halhaleelana u yiri: saaxiib jacaylku waa sun aan si fudud kaaga baxayn, dawo fara badana u baahan, malaha wiligaaba jaceyl kuguma dhicin, hadduu kugu dhacayna weli malaha hungadiisa ma aadan dhedhemin, waa runta oo marka ay qasab kugu noqoto  in aad iska hilmaanto waa inaad ka tagtaa adoo dibinta qaniinaaya.

Ugu danbayn taladaada waa qaatay, waxaanan ogaaday maanta in aysan habboonayn in aad iska jeclaato qof aadan iska baandhayn oo aadan iska baarin, qofka aad jeclaanayso waa in uu yahay qof raad leh, haddii kale halkaan aan fadhiyo ayaad fadhiisanaysaa,  Xasanow gabadhaas wax walba waan u huray, wax walba waa siiyaya, ileen isma ogayne waxaan ahaa nin bahal korsanaaya, intaas markuu yiri ayuu xasuustay  heestii  hubalka wayn ee Axmed gacayte. Ee oran jirtay:

  • Dhagar qabe Abeesiyo
  • Halaq lama dhunkado oo
  • Dhabta laguma qaatee.
  • Haweenkaa ka dhiganoo
  • Ninkii dhinaca saaraba,
  • Ka idleeye dhiiggee. 
  • Anay igu dhex tuureen
  • Dhamac iyo dab shidanoo,
  • Qayrkay idhaafee
  • Waxaan talo idiin dhigay
  • Haku dhiiranaanina.
  • Anigoo dhallaanoo
  • Qalbigana ka dhimanoo
  • dhaayaha wax ka arkeyn
  • Arladaba dhamaanteed
  • Dhalanteed igaga jiro.
  • Dhaxalkii adowgeey
  • Inta aan dharaar qubay
  • Dheydii haraatiyey
  • Ma u dhiibay dumaroo
  • Taladeyda la Dhacarantaye
  • Ootin ma isku dhaliyoo
  • Meel xun anigu ma is dhigay. 
  • Dheda roob ma noqotoo
  • Biyo lagama dhaansho
  • Dhooma lagama buuxshee
  • Nimey talladu dhaaftiyo
  • nin laf dheer ka kala Jabay
  • Labaduba dhantaalmee
  • Anigaa ka dhiganoo
  • Dhinaceygan taala
  • Dhagama xun iyo ceebiyo
  • Hurdin ma isku dhaliyo
  • Meel xun aniga ma is dhigay.
  • Dhagar qabe abeesiyo
  • Halaq lama dhunkado
  • Oo dhabta luguma qaatee
  • Haweenka ka dhiganoo ninki
  • Dhinaca saara ka idleeya dhiigee.
  • Anaay igu dhex tuureen dhamac
  • iyo dab shidanoo qeyrkey i dhaafoo
  • dhanna maanta haaysane
  • waxan tala idiin dhigay
  • haku dhiiranaanina.

Axmed goortii uu ereyada heesta qaadaayay waxaa ka muuqtay qiiro Xasan ka hadashiisay kana keentay in uu afka furto kuna  heeso ereyo maskaxdiisa markaa kusoo dhacay.

  • Axmadow jaceylkani
  • waa mid jiir go ku riday,
  • Ka jalaadshay waayo.
  • Waa mid jiifka kaa jaray,
  • Jeel mugdiyana kugu xiray.
  • Jaribuu ku mariyaye
  • Caawaba ka jiifsoo,
  • Jaalkaaga la ciyaar.

 Tankle Saaxiib waayo aragnimo ka qaado, jacaylka kugu dhacay, ragga kula jaalka ahna qisadaada u weri si ay cashar ugu noqoto, kolay raggu waa jabkii ka sheekeey e.

Laso qaybaha kale.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN