Home Curis WAAYIHII WARSAME Q26AAD W/Q: Cali M Diini

WAAYIHII WARSAME Q26AAD W/Q: Cali M Diini

0
SHARE

WAAYIHII WARSAME Q26AAD

 

Warsame waxa uu bilaabay fasalka saddexaad ee dugsiga sare waxa uu na noqday arday fahmaddiisu sarrayso oo safka hore ah. Maalin walba 16 saacadood ayuu waxbartaa marka laga reebo jimcada. Shanta aroornimo ilaa sagaalka habeenimo wax akhris iyo wax qoris ayuu u dhexeeyaa. Sagaalka iyo barka habeenimo layrka ayaa la damiyaa.
Maalin walba oo jimce ah Warsame waxaa la siiyaa $20 doolar oo waxyaabaha yar yar ee uu u baahan yahay uu ku dabbaro laakiin Warsame lacagtaas meel ayuu dhigtaa marka bishu dhammaatana $50 ka mid ah waxa uu u dirayaa walaashiis Fartuun oo tuuladii Bila joogta soddonka soo harana asaga ayaa isticmaala.

Hal sano iyo siddeed bilood markii Warsame iskoolkii dhiganayay iskuna diyaarinayo in uu imtixaankii shahaadiga ahaa galo ayaa maalin dhammaan ardaydii dugsiga sare la isugu wacay loo na sheegay in berri sagaalka subaxnino la isugu yimaado hoolka shirarka ee iskoolka. Ardayda waxaa loo sheegay in culimo waa wayn iskoolka imaanayso oo ay ardayda khudbado u jeedinayaan. Hoolka shirarka ayaa ardayda soo buuxdhaafiyeen barxaddii iskoolka waxaa la soo dhoobay baabuur tekniko ah iyo ciidan hubaysan oo dusha ka saaran, inta ay gaadiidkii ka daateen ayay gees walba oo iskoolka ah ilaalo ka qabteen xattaa bannaanka iskoolka ciidan ayaa dhigay. Warsame oo la yaabban askartaan ayaa Dulyadayn waydiiyay ma culimada ayaa sidaan loo ilaalinayaa mise hawl kale ayaa jirta? Dulyadayn waxa uu yiri culimada waxaa ku jira Shiikh Abuu Muslim. Warsame horay ayuu u maqlay magaca Shiikh Abuu Muslim muxaadarooyin uu jeediyay oo cajalado ku duubbanna dhawr goor ayaa iskoolka lagu maqashiiyay. Dulyadayn ayaa yiri Shiikh waxa uu socdaa in ardayda u sheego oo la wadaago sidii magaalada dagaal-oogayaasha looga xorayn lahaa. Dulyadayn waxa uu ogaa wax badan oo uusan Warsame ogayn, waxa uu ka mid yahay dhallinyaro fasixii hore ee iskoolka loo qoray ciidanka maxkamadaha magaalada ka jira dhawr asbuuc oo tababar ahna la soo siiyay laakiin loo soo xilsaarayn in uu ardayda iskoolka soo basaaso warbixinna ka soo gudbiyo. Inkasta oo Warsame yahay saaxiibkiis haddana la ma uusan wadaagin siraha maadaama Warsame uusan wali jilcin oo suufinimadii ku dambayso.

Abuu Lixya ayaa hadalkii furay asaga oo warbixin kooban ka bixiyay iskoolka iyo ardayda dhigata dabadeed ardayda u sheegay warbixin kooban oo u ku saabsan taariikh nololeedka Shiikh Abuu Muslim. Dabadeed Shiikh Abuu Muslim ayaa makarafoonkii qaatay asaga oo ku dheeraaday jihaadka iyo muhiimadda uu ummadaha musliinta ah u leeyahay kadib waxa uu ka sheekeeyay xaaladda magaalada si ay ummadda magaaladu dhawr iyo toban sannadood ugu afduubnayd dagaal-oogayaasha Rabbi iyo Rasuul ka furtay. Waxa uu ku soo gunaanaday in maalmihii dagaal-oogayaasha ee Muqdisho gabaabsi yihiin uu na bilaaban doono dagaal jihaad ah oo magaalada looga xoraynayo dagaal-oogayaasha. Waxa uu ardaydii faray in mid walba oo ka mid ah ay waajib diini ku tahay in ka qaybqaato jihaadka lagu qaadayo dagaal-oogayaasha.

Maalintaas aragtidii Warsame si wayn ayay isku beddashay markii uu hoolka shirarka ka soo baxayna waxa uu na diyaar u ahaa in galo safka hore ee jihaadka lagu qaadayo dagaal-oogayaasha.

Maalmo kadib kulankii Shiikh Abuu Muslim iyo ardayda Dulyadayn, Warsame iyo in badan oo ardaydii iskoolka Qaryatayn ka mid ah waxaa lagu qaaday gaari wayn oo kor ka shiraacan waxaa na la geeyay xiro ku taalla duleedka waqooyi ee Muqdisho halkaas oo loogu bilaabay tababar askarinimo. Muddo lix bilood ah ayaa halkaas lagu baranayay tababar noocyo badan sida isticmaalka noocyada kala duwan ee hubka, jirdhiska iyo khiddadaha dagaalka. Intii Warsame tababarka ku jiray Muqdisho waxaa ka qarxay dagaal wayn kaas oo ugu dambayn magaalada looga saaray dagaal-oogayaashii. Warsame waxa uu ka mid ahaa raggii kaalimaha hore ka galay tababarka asaga oo si aan caadi ahayn u bartay isticmaalka hubka iyo furfuridda qorayaha iyo bombaanooyinka. Markii tababarkii dhammaaday Warsame waxaa la geeyay Muqdishi waxa uu na madax u noqday ciidan ilaaliya nabadgalyada degmo ka mid ah Muqdisho laakiin ku ma uusan raagin oo waxyar ka dib waxaa Baladwayne oo markaas gacanta u gashay maxkamadaha. Baladwayne markii asbuucyo joogay Warsame waxa uu ka mid noqday ciidan loo xulay baacsiga haraadigii dagaal-oogayaasha ee gobollada dhexe asaga iyo ciidankiisina waxa ay gacanta ku dhigeen ilaa Bandiiradley oo Gaalkacyo u dhow. Kadib Warsame waxaa lagu soo celiyay Muqdisho waxaana taliyexigeen looga dhigay unug ilaalo ka ah garoonka diyaaradaha Muqdisho. Ayaamo kadib Warsame iyo unuggiisu waxaaa loo daabbulay goboladda Jubboonka ayaga oo la geeyay Buu’aale. Warsame iyo ciidankiisi waxa ay ruqaansadeen dhanka Baydhabo ayaga oo tuulooyinkii aagggaas ah mid mid gacanta ugu dhigay dagaal la’aan. Ugu dambayn waxa ay gacanta ku dhigeen Diinsoor. Ilaa hadda Warsame dagaal toos ah ma galin laga reebo dhawr goor oo xabbado la tuurtuuray. Ugu dambayn Warsame iyo ciidankii waxa ay weerar ku qaadeen ciidan dawladda ee joogay meel Baydhabo koofur ka xigta goor galab ah salaaddii casar kadib. Dagaal qaraar oo uusan wali horay u arag ayuu Warsame qayb ka noqday. In badan oo saaxiibbadiis ah ayaa halkaas ku dhintay. Warsame waxa uu wataa qori dabajeex ah waxaana uu garraarsan yahay silis ay ku taxan yihiin dhawr kun oo xabbadood. Warsame iyo ciidankiisi ayaa guushu raacday. Warsame waxa uu ka dul tillaabsaday maydadka tobonnaan wiil oo ciidankii ka soo horjeeday ah. Urka baaruudda iyo dhiigga maydadka ka qulqulaya ayaa si dhab ah Warsame ugu dhadhamay. Inkasta oo ciidanka Warsame aysan hurdo badan seexan jirin habeenkii oo inta badan heegan mu jireen haddana saacadaha yar ee uu indhaha isgaliyo waxa uu Warsame ku salalijiray dhiiggii iyo maydadkii uu indhaha saaray taas oo habeenno badan hurdo u diidday.

Warsame iyo waxa ay horay ugu sii ruqaansadeen dhanka Baydbabo ugu dambaynna waxa ay foodda isdareen ciidankii dawladda iyo kuwa Itoobiya oo dagaalka ku soo biiray. Maalmo dagaal adag ah kadib Warsame iyo ciidankiisi waxaa lagu asqeeyay madaafiicda iyo goobta iyo kuwa artilariga ah ciidanka Itoobiya aad ayay uga hub badnaayeen uga tababar badnaayeen kuwa Warsame la socday laakiin Warsame iyo ciidankiisi si adag ayay ugu jilibdhigeen ciidanka Itoobiya Warsame na waxaa ku dhashay geesinnimo cusub iyo dagaal waddaniyadeed halkii uu markii hore u dagaallamay jihaad iyo islaamnimo hadda waxaa ku soo maaxday taariikho hore iyo dagaalkii Xabashidu waligeed Soomaali ku la jirtay. Waxa uu soo xasuustay in aabbihiis Faarax Wacays ka mid ahaa ciidankii xabashida la diriray dagaalkii labaad ee dunida iyo in qoyskiisu ka soo qexeen dhulkii ay degi jireen kadib gaboodfalladii ciidankii Xayle Salaase. Warsame waxa uu saaxiibbadiis ka barbar dagaallamayay ku gubaabinayay intii dagaalku socday difaaca Soomaaliya asaga oo ugu sheekaynaya dagaalladii Axmad Gurey iyo Xabashida iyo kii 77. Ugu dambayn Warsame iyo ciidankiisi si xun ayaa loo jabiyay kadib markii lagu garaacay duqayn culus oo cir iyo dhulka. Waxa uu indhihiisa saaray saaxiibbadiis io cad-cad u googo’ay markii ay ku habsadeen gantaallo laga soo ganay diyaaraha dagaaalka iyo madaafiicda saamka. Warsame iyo ciidankiisi waxa ay noqdeen waxa dhintay, waxa ayaga oo dhaawac ah laga cararay iyo wax firxaday. Dhammaan gadiidka ay wateen waa la waa gubay. Warsame iyo dhawr askari lug ayay ku baxsadeen maalmo kadibna waxa ay tageen Buu’aale.

Ciidanka Buu’aale joogay waxaa taliye u ahaa saaxiibkiis Dulyadayn oo ay Muqdisho isugu dambaysay. Warsame waxa madax looga dhigay horin ciidan ah oo si aad ah u haybaysan kuwaas oo la dhigay bannaanka hore ee magaalada si ay ugu jilibdhigaan ciidanka Itoobiyaanka ee magaalada ku wajahan. Wax yad kadib ciidankii Itoobiyaanka ayaa magaalada sii weeraray Warsame iyi unugtiisina si fudud ayaa lagu burburiyay. Warsame oo lug iyo gacan dhaawac fudud ka qaba ayaa u baxsaday dhanka Kismaayo halkaas oo ay ugu tageen intii ka hartay ciidankii maxkamadaha. Warsame dhaawicii Buu’aale ka soo gaaray ayaa fasasay maadaama uusan wax daawayn ah helin. Abuu Haniya oo markaas ka mud ahaa madaxdii maxkamadaha ee Jubbooyinka ayay Kismaayo isku arkeen Warsame. Abuu Haniya ayaa Warsame siiyay lacag dhawr kun oo doolar waxa uuna kula taliyay in isa soo daaweeyo oo Muqdisho aado ama Nairobi. Warsame waxa uu ka cabsanayaa in Muqdisho lagu xiro ama lagu dilo sidaas darteed ayuu Abuu Haniya u sheegay in uu Nairobi doorbidayo.

W/Q: Cali M Diini

 

La soco qaybaha kale haddii Eebbe idmo.

 

SHARE