Sheekadii; Xabsi Doon! Q8AAD W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Sac

Sheekadii;  Xabsi Doon! Q8AAD

waxuu yiri;

waxaan dahabshiil ka soo qaatay 300 dollar, waxaanan dhakada ka soo koray gaari gaalkacyo u rarnaa, sidii baan ku tahriibay, nasiib xumo waxa la iga qabtay xaduudka sacuudiga oo waxaa dib la iigu soo celiyay Muqdisho.

Muqdisho ayaan kala hadlay qoftii lacagta ii soo dirtay, Hadana 200 ayeey ii soo dhigtay, ma hakan ee halkii ayaan ka laba noqday, Mudo asbuuc ahna waxaan ku gaaray Yaman, nasiib xumo mar labaad ayaa xaduudkii la iga qabtay oo dib la iigu soo celiyay Xamar. Tookadan waan ka xishooday inaan qoftaydii Muqdisho ka waco, aniga ayaana illaa gaalkacyo sii xariiftamay.

waxaan kala hadlay gaalkacyo, halkaasoo eey boqol dollar ii soo dhigtay, Safar waliba waxaa hoos u dhacaya tayada la ii soo xawilo taasoo aan ka gartay inuu sabarkii sii lumayo.

Waxaan gaaray Boosaaso, Nin baase igu dhagay oo la iga fujin waayay, Waa nin aan waligay arkin, Waxuu igu haaystaa in aan toori ku dhuftay hadda ka hor asoo joogo meel Gurraceel la yiraahdo, aniga guriceelkan inaan arko nasiib uma yeelan waayo mar walbo oon soo marayay waxaan ku soo aadayay Habeen. Ninki waxa uu isku dayay inuu i qafaasho, si uu iiga qaado magta uu sheeganayo, Ninku waa nin deegaan ah reer barri ah, qoorta ayaan isku galnay, Muran dheer dabadeed, inagoo sidaa isagu dhagan ayaa waxaa buuqii ku soo leexday Wiil aan Xamar daris ku ahaan jirnay, Kaasoo ninkii indhaha u shitay, Yirina Waxaada waa dulmi, sidii baa ninkii la iiga fujiyay oo aan safarkaygii ku sii watay.

Waxaa baryahaa Boosaaso ka jiray, olole tahriibka lagu joojinayay, dadkuna si dhuumalaysi ah ayaa xeebaha looga qaadayay, Waxaa nala geeyay meel waxoogaa u jirto boosaaso oo xeeb ah, waxaana nalaga qaaday lacagihii lagu raacayay doonta.

Inagoo isku diyaarineyno inaan dhaqaajino galabta, ayaa duhurkii waxaan ka war helnay rasaasta ka dhacdo qoriga dhashiika ah, iyo askar dhowr tikniko ah wadato oo na guud taagan, nin walboow naftaa ayeey noqotay, cagta ayaan wax ka dayay, meel buur ah oo noo dhaweyd ayaa naf laga doonay, illaa iyo 8 ruux oo dadki tahriibayay ah iyo doontii na qaadi lahayd ayeey askartii la tageen.

Waxoogaa kadib dadkii kala baxsatay ayaa ku soo noqday meeshii nalaga buriyay, Walaac iyo walbahaar ayaa dadkii lagu soo tuuray, waayo marki eey sidaasoo kale dhacdo, waxa eey fursad u tahay dadka wax tahriibiyo, oo aan lacagna kuu celinayn kuna dhoofinaynin.

Iyadoo afar afar iyo intii is taqaano loo fadhiyo, ayaa waxaa na soo shaneeyay nin da’diisu u dhaxaysay konton illaa lixdan oo reer qoryooleey ah, Ninka oo reer koofur ahaan nagu soo dugsaday, Ayaa ku hadlay lahjad yara adag oo aad ugu dhaw tan Bakool looga hadlo, Waxba ha walaacina,doonida wey imaaneysaa oo caawaan baxeenaa ayuu na yiri, Asxaabtii aan meesha wada fadhinay, ayaa hal mar aamusa yiri, sidi iyadoo midkeen uu telfan u soo dhacay ku hadlayo, Markaasaa odagi lagu jeestay, oo la yiri, oo maxaad ku ogaatay, ma cidbaa boosaaso kaa soo wacday?

Maya, ee waxaan dhigay Faal ayuu la soo booday isagoo dhulka ku fooraro, “War quraafaatkaas nagala tag ayaan hoos u irri, anoo karaahsanayo inaan ninkan ciroolaha ah ku af celiyo, Haseahaatee dhalinyaradii kale ayaa igu canaantay inaan ahay nin fudud, Duqii oo eey madax u salaaxeena waxeey sii weydiiyeen su’aalo kale, Ma nabad tageeynaa ayeey weydiiyeen? ninki oo wali dhulka ku fooraro ayaa yiri, Haa waa nabadtageeynaa, Laakiin xeebtaas kale waxaan ku aaseynaa laba rag ah. hal mar ayaa la is wada fiiriyay, oo dood iyo su’aalo ka dhax bilaabatay asxaabtii, qaar baa yiri waa iska joogeenaa! Almuhiim odagii ayaan weydiiyay inuu isaga doonta raacayo iyo inuu ka harayo? waa raacayaa ayuu ku jawaabay, Dabadeedna ragii cabsaday waxeey ku dhiiradeen, lacala haddeey run noqoto odagaba inuu ka mid yahay ragga baxayo.

Iyadoo eey sidaas tahay dadkuna quus joogo ayaa casir gaabadki waxaa soo dhigatay doontii oo la soo daayay, Doonta waxaa lahayd Naag xildhibaanad ah, taasoo si fudud uga soo daaysay askartii la tagtay, waxaana naaquudo ka ahaa, Nin hebel Giriig la yiraahdo, oo ka mid ahaa muharibiintii xilligaa ugu caansanaa.

Dadkii kale waa eey ku farxeen imaanshaha Doonidda laakiin qaybteenii uu ninkan baas buufiska ku abuuray, Shaki baa nagu siyaaday maadaama eey run noqtay Imaanshaha Doonta, oo rajada laga qabay aad u yareyd balse uu curaafkan sii sheegay.

Xilligu waa waqtiga eey
xiranto badda cass, safar la galana kanaa ugu danbeeyo, oo muddo sadax illaa afar bil oo kale Baddu weey xirnaaneysaa.

Sidaas ayan bacdulcishihii ku soo dhaqajinay, safar aad u dhib badnaa iyo badda oo kacaysay ayaa waqti dheer nagu qaatay, X
eebaha Yaman oo aad loo adkeeyay ayaan ku soo aadnay, Taasoo uu naaqudaha fursad u waayay meel uu nagu dajiyo, Illaa aaqirkii, uu wada kale oo wareeg ah na soo galiyay.

Barrigii ayaan nimid xilli subax ah, Meel biyuhu nin joogiisa yihiin, ayaa dadkii lagu dajiyay, Banaanka markaan u soo baxay, Waxaa yaalo nin mayd ah oo soomaali ah,daqiiqado kadibna waxaan maqlay baroorta naag orroma ah oo ninkeedii badda liqday, daqiiqada raadis ah kadib waan soo saarnay, labadoodiina waxaan ku duugnay Bacaadka xeebta ah.labada waxey ka mid ahaayeen rakaabka doonidda la socday. Oo waxey awoodi waayeen ineey gudbaan biyihii ruux
joogiisa la ekaa ee la isku dajiyay.

La soco Q9AAD.

W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN