Home Qoraallo GORFEYNTA GABAR TIMA TIDCAN W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

GORFEYNTA GABAR TIMA TIDCAN W/Q:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

GORFEYNTA GABAR TIMA TIDCAN

Magaca Dhiganaha: Gabar tima tidcan.
Qoraha halgaadiyey: Maxamuud Cali Calasow  (Jaanidheere)
Bogagga: (152 bog).

Hormooyinka: (3 hormo) oo hormo waliba goonideeda u leedahay, faraqyo kale.
Mucda iyo miida dhiganaha:- Dhiganuhu waxa uu xog dheer ka dhiibayaa, caada dhaqameedka silloon ee “Gudniinka Fircooniga ah”. Qodbidda
Daabacaadda:- Stampato dalla Tipografia del Comune di Firense, Marzo 2002. FG: waa daabacaaddi labaad.

  • Gabari waa gacal waana guul Rabbi
  • Waa garka wadnohoon la goyn karin
      Gabari gacalleydi laba gummoodoon
      Is gacloon isu geysay maahoo.

Sheekh Axmed Wacdiyow (AUN)

Reer guuraa iyo gabar tima tidcani, Waa waxa dhulkeenna u gaar ahoo, laynagu gartaa. Sidaasna waxaa yiri:- Cabdullahi Cabdi Shube. Haddaba dhiganaha “Gabar tima tidcan” waa dhigane lagu dhaadey, laguna asley dhaqankeenni hore ee soo jireenka ahaa. Qaab walba ee hadal loo tebiyo waxa uu leeyahay halbeeg lagu cabbiro oo nuxurka hadalkaasi uu kusoo ururayo. Sidaas oo kale dhiganahaan “Gabar tima tidcan” waxa uu si gooni ah uga hadlayaa “GUDNIINKA FIRCOONIGA” ah ee lagu qodbo gabdha Soomaaliyeed, godobtana looga galay.

Waa dhigane tebinaya cilmi ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale casrigaan aynu joogno ee aan u bixiyey; “amminkii ogaalka” macnaha aqriska. Waxa aan dhihi karaa dhiganahaanu waxa uu qeyb libaax ka qaatay baarujinta bulshada, asiga oo marjac u noqdey inbadan oo aaminsanaa caadadaas ku baahsaneyd ciidda Soomaaliyeed iyo carra-edeg meela badan oo ka mid ah. Caada dhaqameedka gudniinta Fircooniga ah, Qodbidda, dunidu maanta waa ay isku raacsan tahay asalka iyo cidda laga hidda raacay, balse, dhiganahaan Gabar tima tidcan waxa uu si gaar ah u caddeynayaa goorta ay caada dhaqameedkaasu soo gaartay Dalkii Udugga (Soomaaliya). Dhanka kale, sheekada Gabar tima tidcan waa sheeko faneed/masraxeed yaab leh oo aaney jirin meel ay hambeysay, waa dhaqanka iyo caadada e. waa sheeko haddii loo baahdo, qoraaguna oggolaado laga alkumi karo riwaayad wacyigeedu sarreyo, ogaalka bulshadana sare u qaadeysa.

Dadka Soomaaliyeed waa bulsho isku dhaqan, isku af iyo isku Diin ah oo dhaqankoodu ku koraayo deegaan dhib badan cimilada darteed, waxa ay u hoggaansan yihiin mustaqbal aan la hubin. Raadraaca Sooyaalka waxa ay ahaayeen dad beel beel u deggan, waxaana u suura gashay in ay helaan wada noolaasho toleed oo u noqdey saldhigga ay siyaasad iyo xeer ahaanba ay megensadaan. Tol waa bulsho meel wada deggan oo dhib iyo dheef wadaag ah, dhalasho iyo dhaqanna uu ka dhaxeeyo. Soomaalidu waxa ay ku mahmaahdaa “ Tol waa tolane”. Ing: Luigi Robecchi oo Soomaaliya tegay qarnigii 19aad waxa uu yiri:- “Soomaalidu waa beel beel waana federaal qarsoon oo qabiil dugsada, kaliyeeta waxa ka maqan qaran, inkastoo ay beel beel u dagaallamaan, haddana markii uu nin shisheeye ahi yimaado xuddoodkooda, is-difaacoodu waxa uu ku imaanayaa iyaga oo aan ka wada hadlin, si ay u ilaashadaan hantidooda guud.” Cajiib‼ “guul waxa ugu sarreya tan uu kuu qiro nacabkaagu” Soomaalidaa tiraahda.

Soomaalidu weli waxa ay u badan tahay reer miyi, iskaashigoodana waxaa tiir u ah; tirada dadka, waxana lagu tira koobaa reer ama Dab/deb, beel waxa la dhihi karaa celcelis ahaan 200-300 Deb/reer. Bulsha waliba jiritaankeeda nolosheeda, hiddaheeda iyo dhaqankeeda, midka la taaban karo iyo midka aan la taaba karin ee ruuxiga ah, “waaya aragnimada la iska dhaxlo”, waxay isugu gudbiyaan war ab laga soo gaar ah oo min jiil ilaa la is gaarsiiyo.

Shaki kuma jiro qoraalka afka Soomaaligu in uu wax badan ka taray dib u nooleynta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hayeeshee baarista, qoraallada iyo wargelinta ku saabsan dhaqanka iyo hiddaha oo tarma, waxay wax tar weyn u leeyihiin wacyigelinta bulshalda xagga hourmarinta dhaqanka iyo ka hortagga caadooyinka haraadiga ah ee jahliga dugsada. Aniga oo aan hoga tusaaleyn amminka kaaga lumin aan ku dhexgeeyo dhiganaha, ka horse AQRISTE Sharaflow ii oggolow in aan kula wadaago jiiftadii uu ka yiri, habdhaqankaas gurracan abwaan Cabduqaadir X. Yamyam (AUN).

         • Dadka wow gu’ waynahay
         • Guun soo jiraan ahay
         • Googgaa yaqaannow
         • Gabar timaha dabatiyo
         • Gudniinkii la toli jiray
         • Waa dhaxal an guurine
         • Weli geeska yaalloo
         • Bulshadaan u gaaree
         • Diiwaanka noo geli‼

Qoraaga laftiisa ayaa suugaan ku cabbirey, dhibka ay gabdhuhu kala kulmaan qodbidda, gaar ahaan marka ay ablow noqoto isuna beddesho waxa loo yaqaan “Laf-guri” taas oo Dumarka ku keenta nolol dhib badan (Hard life). Qoraagu waxa uu ku tilmaamey, isaga oo soo xiganaya; Dr Maxamed Soomaali (AUN) oo sanooyin badan ku soo dhex jiray howlaha gudniinka, in laf-gurigu yahay qodbid fircooni ah oo xumaatay, kuna timid muruqyo laysku tolay, kuwaas oo kaashaday dhiiggii caadada oo soo bixi waayey kuna xirmay, kaas oo goobtaas ku adkaaday. Qoraa Jaani Dheere waxa uu tixdiisa ku billaabayaa asiga oo meteleaya gabar laf-guri qabta oo tilmaamaysa xanuunka iyo dhibaatada shaqsiyadeed ee ay kala kulantey laf-guriga. Waxa uu yiri qoraagu:-

     • Walaal gacalisaay
     • Gashiyo middida
     • Mataanaha is gabay
     • Nasiibkii gugcay
     • Sababtuu u guray
     • Waa iin-Lafguri.
     • Ganuunkii la tolay
     • Cudur iga galaa
     • Goobtaas i dhigay,
     • Dabiib gayn iyo
     • Gubid waa ku dayey
     • Waana garan la’ahay.
     • Guumeys ma ahiyoo
     • Anoo gabar yar ah
     • Ayaa gariir cadde
     • Geedkaas ii yimid,
     • Hoo gabbaati iyo
     • Ballan aan galno,
     • Guuleed i yiri.
     • Gabar ma ahiyoo
     • Saddex guuris ayaa
     • laysii galbiyey,
     • Garoob ma ahiyoo
     • Gujo mooyiyee
     • Isma dheerin giif.
     • Mana gees xirni
     • Gu’ga soo socdana
     • Guur uma fadhiyo.
     • Gunda haysi dhib
     • Guul kuma timaad,
     • Waa guud markiye
     • Aan gardaadinnee
     • Talo ila gorfeey.

Sidaan soo tilmaamaba, waa sheeka masraxeed uu qoraagu hab jilitaan ah sheekada u tebinayo, haddii intaas laga yimaado sheekada waxa daadihinaya Geni Warfaa. Qoraagu waxa uu yiri:-

Jawiga xasilan, guriga juuq iyo jaaq la’aantu ku habsatay, gabadha timaha loo xiirey ee luguhu u fidsan yihiin oo itaal iyo wehel ka dhiganeysa usha jooggeeda ka dheer ee ay gacanta bidix ku haysato ilka-caddeynta aan farxaddu ka muuqan iyo indha soo taagan, dareenka dhowraya qof soo baryeynaysa iyo cid ay kaalmo wayddiisato. Doorada aan badarki loo daadin, shimbiraha huburuqa iyo califoodka u badan oo jikada daadsan, gabadhii yareyd ee la ciyaari jirtay gudniin ayaa ku dabray darinta falkada ah ee aqalka u hortaalla, waxay ka badin la’dahay la dagaallanka tisxiga ku soo hoobanaayo korkeeda, nolosha adag ee nasiibka iyo sida waagu kuugu baryo ah ayaa ku cidleysay goobta. Adduun waa harka labadiisa gallin e, duggaalka iyo harka jiilka ama juunka soo koraya, gacantii gargaarka hooyada waa hubtaa inay helayso, laakin tabar ay ku sugto ayaa ka maqan. […]

Qoraaga oo sheekada bidhaaminaya ayaa yiri:-

Barwaaqo la mahadshay iyo barqo ay huwaani jirto, guriga duggaalkiisa gabadha sida haaneedka leh guntiinada u xiratay, dhex yarta dhuudhuuban oo naaska jirac-qaniinka ah leh, timaha tidcan ee marna sara kaca marna soo dega, markey badarka tumayso iyo markey ciyaarta gabley shimbirta ku gaddoomeyso kasha iyo moyga isa saaran, foodleey faceed fiid dheer farxaddi lagu yiqiin, GENI oo kali iska baashaaleysa ayaa ku baraarugtey hooyo Cambareey oo si lama filaan ah ugu timid iyo canaantii kululeed ee lagu yiqiin markii ay howshu ku cuslaato, waxayna si caro leh u tiri; “wiilashii yaryaraa ayaan xoolihii la fogeeyay, waana la soo xasiliyey, debadeedna waa soo noqday, welina badarkii ma xashirin” horaa loo yiri: “Gabar xooggeedu waa laba suus” ee bood-boodka iyo baraxa la sug goobta looga baahan yahay. Markii la dhoho yaa dhalay; in ceebi i raacdo ayaad rabtaa ee dhegahaaga fur, {cuntada markaad diyaariso ilmaha u geey ka dibna yaambadaada soo qaado ee beerta iigu imaaw}.
Geni sida caada u ahayd waxay ku jawaabtay; aamusnaan iyo dhawaaqa jugta kasha iyo mooyga.

Bulshada Soomaaliyeed markey muujinayaan qiimaha iyo naxariista ay u qabaan haweenka iyo daryeelka ay ka mudan yihiin, waxay noloshooda u qeybiyaan seddex heer in ay dumarku yahiin, ku waa soo kala ah:- “Yaa dhalay, yey u dhaxdey iyo yey dhashay”.
Geni waxay ku jirtaa geeddigii koobaad oo ay ahayd muraayad laga arkayo sida wanaagsan ee ay waalidkeed u daryeeleen, gaar ahaan hooyadeed oo dhaqan ahaan u xilsaaran barbaarinta gabarteeda.

Soomaalida ayaa tiraahda: “inan waa hooyadeed” sidaas waxaa loo yiri, gabadha waxa toosiya ama ababiya hooyadeed oo ku barbaarisa xishood iyo dhego-nugayl, is asturid iyo af-gaabni. Hooyadu inay tahay mid wanaag ku sifowdey dhaqan ahaan, waxaa si la hubo loo qiimeyn karaa marka la arko gabar ay barbaarisay, waxa loola jeedaa gabar wanaagsan waa hooya wanaagsan, waayoo gabarta marka loo kuur galaayo hidda-raaca wanaaggeeda dambe, waxa la fiiriyaa hooyadeed iyadoo loo cuskanaayo murtidii ahayd:- “Afar lugoodle Awrkiisa la meraa/fiiriyaa, laba lugoodlena ababisada (HOOYO).

Waxa la yiri:- “Gabari mar waa xoog, mar waa xilo, mar waa xoolo, marna waa xurmo. Mar waa xoog; ilaa laga guursado gabartu waxay kaallin firfircoon oo muhiim ah ka qaadataa nolosha reerkeeda. Mar waa xilo: Gabadhu waxay xuddun u tahay xiriirka xididnimo ee laba qoys dhex maraaya, dhaqan ahaanna gabadhu waxay u dhaxeysaa gayaankeeda, waxayna ku qabiil tahay hadba beesha ay u dhaxdo, waa tan la yiraahdo; “Dumar dhalasho maahee waa dhaxdin”.
Mar waa xoolo: Gabadha marka la guursanayo waxa qoyska ay ka dhalatay la siiyaa xoolo yarad ah. Marna waa xurmo: Gabadha waxa loo bixiyaa xurmo sida godob reeb oo loola jeedo xurmo reeb iyo abuurid xididnimo si mustaqbalka nabad laysugu xurmeeyo.

Geni waxay ku jirtaa markii xooggeeda la mahadin lahaa, iyaduna si hagar la’aan ah ayay u kaalmeysaa hooyadeed Cambareey Rooble. Xilliyada (daawyada) is daba yaal ee koritaanka Geni laga soo billaabo markay ka bogsatay dhaawici caadadii gudniinka –laba daran mid dooro- ee ku dayashada qaddiimka ahayd ilaa ay noqotey gabar gashaanti ah oo beesha dhexdeeda laga jecel yahay, waxay ahayd xiddig loo xil haayo oo ciidda, ceelka iyo goobaha cayaartaba uga tilmaaman qurux iyo qaayo dheeri ah. […]

Howl wadaagga dhismaha aqalka ayaa lagu matalaa iskaashiga qoyska e, qoyskuna waa aasaaska jiritaanka bulshada iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waana saldhigga dabiiciga ah ee jiilka soo koraya, jawiga wanaagsan qoyska waxaa si wada jir ah u abuura waalidka, waxaase xuddun u ah Hooyada. Xubin kasta oo qoyska ka mid ah waxaa saaran mas’uuliyad xaddidan oo gaar u ah, waxaase guddoonka iska leh odayga qoyska. Sidaa ayuu yiri oday Warfaa oo wiilkiisa u caqli celinaya. Raage oo sugi waayay warka gunaanadkiisa ayaa yiri; “Aabbe, qoys iyo cidda u talisa waa aqaan ee waxaan ku wayddiiyay, sida bulshada loo qiimeeyo”
Duq Warfaa asiga oo wiilka in uu dejiyo indhaha ugu baaqaya ayuu yiri; “dhaqan ahaan bulshada waxa loo qiimeeyaa kali iyo koox” waxaase Soomaalidu dhaqan gobeed ama sarreya u taqaan markii bulshada nolosheedu qiima-wadareed leedahay. Waa tii ina Gacal Xaayow (AUN) yiri:-

    • “Dadku waysku goosaaran yahay, waana kala gaare
    • Hadduu magucu kala gooni yahay, oo la kala gooyo
   • Ama laysu wada geyn lahaa, waa gob dhaqankeede.

Habka bulshada loo qiimeeyo ee joogtada ah dhaqan ahaan waa seddex, waxayna kala yihiin; “SUMMAD’ DAB iyo MADAX.” Tan hore, qiimeyn guud ayaa lagu sameeyaa bulshada meesha deggan ee summad ama calaamadda xoolaha lagu dhigo wadaagta, ayadoo laga eegayo heerka ay uga jiraan bulsha waynta Soomaaliyeed.

Tan xigta: waxa lagu tiriyaa dab, (qoys), qofku wuxuu tirsan yahay markuu qoys yeesho/guursado, qoyskana si gaar ah ayaa bulshadu u qiimeysaa. Waxa xiga MADAX oo ah qiimeynta qofka Lab iyo Dheddig, waxana lagu qiimeeyaa booska uu uga jiro waxtarka qoyska iyo kan bulshada, ee Raagoow, adiga markii madaxaaga la qiimeynaayo, waxaad noqon doontaa “JID-GOOYE” sababtoo ah wiil markii la safraayo gammaanyo qabaneyso ee lulmooda/hurda, markii ceelka loo socdana jirro isku rida qiimeyn fiican heli maayo. Raage wuxuu la soo booday baahi ogaal doon ah, markaas ayuu yiri; “Aabbe jid-gooye maxaa waaye?” oday Warfaa, farta iyo suulka ayuu daanka uga qabtey, markaasuu yiri “dabbaal…waryaa… meeqo sano ayaad jirtaa”.

Raage waa ammusay, asiga oo leh indho caro ka muuqato, laakin hooyadiis Cambareey oo dabka la qaaqamaayo dhanka kale ka fadhiday oo intuusan wiilku caroon rabta in ay dhiirri geliso ayaa tiri; “Raage, barbaarta ku guuleysatay baxnaaninta nolosha qoyska iyo tan bulsho ee wiil iyo gabarba leh, marka la qiimeeyo seddex ayay mid noqdaan: JID-HAYE oo ah mid ku socda sidii reerka lagu yiqiin. JID-GOOYE oo ah mid ka hoos maray heerkii reerkaas lagu yiqiin. JID-FASHE oo ah barbaarka ka sara maray heerkii laga filaayey. Ma gudbana waxa loo yaqaan doqonka, waa tii la yiri; “Doqon dad kuma jiro

Cambareey waxay fiirisay Geni oo jiifta derin gafaasheeda taalla ee la duuduuban xanuun Dumar oo ay iyadu kaligeed la socoto, iyada oo u dhoolacaddeynaysa ayay tiri; Geni Warfaa, markeey qaangaartey waxa lagu qiimeeyay heerka ugu sarreeya ee qiimeynta barbaarta,waxana la isku raacay inay muteysatay darajada jid-fashe”……………….🔛

                 A  F  E  E  F


Afeef hore lahaaw ama adkaysi dambo waa mahmaah gun dheer, horena loo yiri: aniguse waxa aan leeyahay; “ogaal wacan lahaaw ama aqris badan” marka gorfeyntaydu ka ma dhigna, in dhiganuhu uusan dhaliil yeelan ee waa qofba dhanka uu ka joogsado, anoon tixgelinsiineyn wixii cillad fikir, farsamo ama qalad daabacadeed ah. “dhugasho dhiifoon.”

                            O G A Y S I I S

Caada dhaqameedka qodbidda Fircooniga ah ee dhiganahaan “GABAR TIMA TIDCAN” uu ka faalloonayo, waa caado dhaqameed silloon oo aan meelna ku bannaaneyn, balse, marka ay tahay gudoow iyo dhiijin, waa ay ku Bannaan tahay “DIINTA ISLAAMKA” afarta mad-hab ee ugu waaweyn mad-habta Islaamka afartooduba waa ay banneeyeen, waase ay ku kala duwan yihiin habka iyo halbeegga loo gudayo Lab iyo Dheddigba. Tus: Mad-habka Shaaficigu waxa uu qabaa in ay waajib tahay in la gudo Lab iyo Dheddigba. Mad-habka Axmed Ibnu Xambal isaguna waxa uu qabaa laba si, tan koobaad waxa uu ku raacay Imaamu Shaafici, tan labaadna waxa uu leeyahay waa sunno adag (Sunno mua’kad ah). Xanafiga iyo Maalikina waxa ay kala tilmaameen in ragga in la gudo ay waajib tahay, Dumarkana ay sunno tahay, balse, aragtida guud waa ay ku kala duwan yihiin. Dhanka Qur’aanka waa kii Eebbe (SWT), Suubbanaheenna (SCW) ku yiri:-

ثُمَّ أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ أَنِ اتَّبِعْ مِلَّةَ إِبْرَاهِيمَ حَنِيفًا وَمَا كَانَ مِنَ الْمُشْرِكِينَ

Raac Diintii Nabi Ibraahim (CS) aanu siinnay ee xaniifka ahayd, Nabi Ibraahinna (CS), kama mid ahan Gaalada. Haddaba sida culimadu ay tilmaameen, Diinta Xaaniifka ah ee Nabi Ibraahim (CS) EEBBE siiyay, waxa ka mid ahaa:- GUDNIINKA rag iyo Dumarba. Sidoo kale Suubanaheennu waxa uu yiri:-

الختان في الإسلام شرع الإسلام عَدداً من الخِصال التي فيها طهارة ونقاء للمُسلم في بدنه ومَظهره العام ممّا يعود عليه بالصحّة، وكان من بين تلك الخصال الختان؛ حيث جاء الأمرُ به مَقروناً بمجموعة خصالٍ منها تقليم الأظافر، وإعفاء اللحية، وقصُّ الشارب، وغير ذلك من الخصال. قال النبيّ صلى الله عليه وسلم: (خَمسٌ منَ الفِطرةِ: الاستِحدادُ، والختانُ، وقصُّ الشَّاربِ، ونَتفُ الإبطِ، وتَقليمُ الأظفارِ).[١]

Haddii intaas laga yimaado, waa tan aragtida ay wada qabaan Imaam Shaafici iyo imaam Axmed (RC).

الختان واجب على الرجال والنساء: نُقل هذا القول عن الإمام أحمد بن حنبل؛ حيث قال بوُجوب الختان على الرّجال والنساء بحدٍ سواء.

Haddii aad u baahan tahay inaad ogaatid habka ay A’imadu ugu kala duwan yihiin raqam tireedkaan ka baaro kutubtaada.

^ رواه الترمذي، في صحيح الترمذي، عن أبي هريرة، الصفحة أو الرقم: 2756. ↑ “معنى الختان والاستحداد”، إسلام ويب، اطّلع عليه بتاريخ . بتصرّف. ^ أ ب عادل الصعدي، “سنن الفطرة”، جامعة الإيمان، اطّلع عليه بتاريخ، بتصرّف. ↑ “التفصيل في حكم الختان للذكور والإناث”، اسلام ويب،

Ogaysiiskeygu waxa uu yahay in aan gudniinka laga hidda raacin Fircoon sida dad badan aaminsan yihiin, balse uu yahay, mid Diinta Islaamka dhexdeeda ka jira, haba lagu kala duwanaado e. Dhaammaantood imaamyadu waxa ay qabaan in uu sax yahay. Kan la dhihi karo waa kabad-badis ayaase ah, kan Soomaalidu u taqaanno gudniinka Fircooniga ah oo si aan turriinsho lahayn gabadha jirkeeda loo jarjaro, ka dibna laysku tolo, si uu isugu tirmo.

Kaasu ma ahan, kan Diinta ku bannaan, waana kan jaahilnimada dugsada. Haddaba gudniinku caafimaadka iyo nadaafadda qofka doorka uu ka ciyaaro waa wax la wada qirsan yahay, casirigaan aynu noolnahay oo ay gaaladii xitaa garteen in uu yahay lagama maarmaan. Haddii aad u baahan tahay xog dheeri ahna waxa aad si dhib yar uga heli kartaa guriga kaydka (Google). Haddaba adiga oo aan lahayn aqoon kugu filan ha dhihin gudniinku ma bannaana ee marka hore iska soo hubi.”

               G U N A A N A D

Waxa aan kusoo gunaanadayaa in dhiganaha Gabar tima tidcani yahay dhigane aan laga dhergeyn dheehashadiisa, sidaas oo kalena aan qoraal kooban looga faalleyn karin macaaniga buugga. Qofku goorta uu aqriyo ayuu ogaanayaa qaayaha iyo waaya aragnimada ku aasan. Haddaba qofka laga doonayo inuu ka hirqado aqoontaas, kana salgaaro waaya warramidda dhiganaha waa adiga ee shifo ku aqriso. Goobaha iyo gasarka laga helaayona waxaa noo sheegi doona qoraaga oo aan ku casuumayo gorfeyntaan kooban. Mahadsanidiin

W/D:- Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

                Guriga xariirka:-
                Cuute23@hotmail.com
                Shiribmaal@gmail.com
                WWW.LAASHIN.COM

SHARE