XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 80aad

1-Qofka aad tahay
Qof walba xaq uma lahan in uu dhabtaada ogaado, dadku waxa ay ku moodaan ha kugu dhaleeceeyaan haddey rabaan, dhabtaada waa waxa aad tahay adigana aad ogtahay.
Mmusa

2-Xog culus
Cunto ayaad cunaysaa, beena waad sheegaysaa halka qalbigaaga qofka uu quudan lahaa adiga oo og aad iska indha tirayso!!!!
Xigasho

                                                         3-Isma baddalin
Wali isma baddalin, sidii ayaana dareemayaa ee waa waqtiga kan marba dhinac u didaya oo kolba midaba yeelanaya.
Mmusa

                                                            4-Is noqo adiga
In aad adiga is noqoto waxay ka dhigantahay in aad dunida wax wanaagsan oo horey uga jirin kusoo kordhisay.
Mmusa

5-Wanaag
In aad qof wanaagsan ahaato ku dadaal, balse waqti badan ha ku lumin in aad dadka u muujiso wanaagaaga.
Mmusa

  6-Qabwayni 
Isla qab waynow balse ha ku xadgudbin qabwaynidaada.
Mmusa

                                           7-U dabacsanow
U dabacsanaantaada dadka ha badato,balse ka digtoonow dhagartooda iyo hagardaamada ay maleegaan.
Mmusa

8-Naxariistaada
Naxariistaadu ha badato, daciifnaantaadana ha yaraato.
Mmusa

                                                    9-Noqo qof adag
Noqo qof hal adag balse aan Af adkayn ficilna xumayn.
Mmusa

                                                 10-Waayeel warkiis
Nin waayeel ayaa laga hayaa in uu yiri “waxaa isoo martay mar aan aniga iyo caafimaadkaygaba xoogeena isugu geynay sidii aan ku heli lahayn Hanti, maanta xaalkayga wuxuu taagan yahay aniga iyo maalkayga in aan caafimaad raadinayno”
Waayeel warkiis.

11-Saddex ha iska lumin
Nabadda ha iska lumin waa noloshaada salkeeda.
Rajada ha iska lumin sababtana waa iftiinka aad filayso mar walba.
Daacadnimadaada ha lumin waayo waa waxa aad wax ku tahay.
Mmusa

                                               12-Masoo laabanayaan!!!
Waqtiga masoo laabto
Eray afkaaga ka baxayna ma soo laabto
Fursad ku dhaaftayna waa sida ay kuu dhaaftay
Mmusa

                                                     13- Oohinta
Oohinta laga ooyo Qalbiga waa ka xanuun badantahay midda laga ooyo Indhaha, dad badan ayaa qalbiyada ka ooya ayaga oo shiban indhahoodana ay daganaan ka muuqato.
Mmusa

                                                     14-Ruuxdaada
Waxaa la yiri naftaada darteed u noolow, dhabarkana u jeedi wax walba oo u qalmim naftaada.
Ma jirto maqnaasha ka xun maqnaashaha ruuxdaada sidoo kale ma jirto wax lumo oo ka xun lumidda naftaada.
Mmusa

                                                     15-Jahliga bulshadeena
Bulshooyinka wax bartay qofkooda xanuunsan lama gambado xanuunkiisa kamana xishoodo in uu ka hadlo ee wuu u sharraxaa bulshadiisa qaabka xanuunka haya iyo khibradda uu ka helay la noolaanta xanuunkaas si ay uga faaiidaystaan.
mar walba uu qof afka kala qaado oo uu ka hadlo xaaladdiisa wuxuu laabta u qaboojiyaa samirsiiyaana boqolaal kale oo  la nool xaalad ka daran ama ka liidata xaaladdiisa.
Bulshada aan ka mid nahayse in qofku xanuunkiisa qeexaa waaba u ceeb, taana waxaa keenaya jahliga iyo aqoon la’aanta baahsan ee bulshadeena dilatay.
Mmusa

                                                      16-Go’aan qaadasho.
Ha u malayn in go’aanada aad qaadatid waqtiyada aad xaalad adag ku jirto in ay saxan yihiin.
Mararka qaar waa laga fiican yahay in aad go’aan gaartid marka aad ku dhex sugantahay xaalad jahwareer, cabsi iyo murugaba u saaxiib ah.
Fadlan adiga oo dagan qaado go’aan, midna xusuusnow in go’aan qaadasho kaste in ay ka dhigantahay wax ka baddalidda noloshaada sida ay doontaba ha u baddalantee.
Mmusa

                                              17- Is moogaysii
Nolosha mararka qaar waxay u baahantahay in aad iska dhagatirto ama iska indha tirto xaaladaha qaar sida, dadka oo kale, ficilada qaar oo kale, hadalada qaar oo kale.
Ku abaal mari naftaada is moogaysiin caqli ku dhisan adiga oo wax walba og, maxaa yeelay ma mudna wax walba in la is dul taago
Mmusa

                                                        18- Ku guulayso
Ku guulayso hanashada laabataada, si aad ugu guulaysato hanashada noloshaada.
Mmusa

19-Guusha Nolosha
Marka aad u abuurto rajo kuwa quustsy, marka aad jacayl u muujiso kuwa ku karaahaysto, marka aad karaamayso waxna ugu deeqdo kuwa kaalmada u baahan, marka aad difaacdo kuwa dulman, marka aad u bishaarayso kuwa la xaqiro, waa markaas marka aad noqonaysid Baniaadam Nolosha ku guulayatay.
Mmusa

20- Marka wax lagaa sheego.
Marka ay wax xun kugu dhacaan ama lagaa sheego waxaa kuu furan oo kaliya saddex ikhtiyaar midkood.
1 In waxa lagaa sheegay ay saamayn ku yeeshaan laabtaada ayna ku burburiyaan.
2 In waxa lagaa sheegay ay shaki kugu abuuran kuwaas oo kalsooni darro nafeed kuu sababa
3 In waxaas lagaa sheegay ay kusii adkeeyaan oo aad khibrad ka faaiiddo.
Mmusa

                                        21- Meel sida ay u taal ayaa loola yaalaa.
Kula dhaqan culimada caqligaaga
Madaxdaadana aqoontaada
Asxaabtaadana adaabtaada
Qoyskaagana naxariistaada
cadowgaada iyo doqomada kuu dhowna  dulqaadkaaga
Meel walba sida ay taal ayaa loola yaalaa ayaan maqli jiray.
Mmusa

                                                          22-  Raaxo u dareento.
Si nafsiyan aad raaxo u dareento naftaadana u farax galiso waxaa kuu wanaagsan in aadan qofna xaqirin.
Si aadan marmarsiyo ugu goobin naftaada marna ha dulmin qofna, mar walba isku day in aad farxaddaada ka goobato goob aadan dadka ku dhibayn.
Mmusa

23- Dadka qaar
Dadku waa in ay fahmaan in mararka qaar qofku uu la kali noqon karo arrin aysan cid aan isaga ahayn fahmi karin uuna u baahan yahay in uu naftiisa kula kali noqdo isaga oo ka fogaanaya mujtamaca ama bulshada taas oo macna ahaan ahayn in uu dadka ka cararayo balse, ay tahay si uu u dhuuxo fikraddiisa naftiisana qiimayn gaar ah ugu sameeyo.
Mmusa

Saddex way dhistaa Qofka
1 Xaaladaha adag qofka waa dhisaan.
2 Qibradda qofka waa dhistaa.
3 Go’aan gaadashada qofka waa adkaysaa, oo qofku hadduusan go’aan lahayn qofnimadiisa qiima ma lahan.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN