XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 83aad

 

                                                    1-Wanaaga
Wanaagu waa iftiinka wajiga, nuurka Qalbiga, awoodda Jirka, cuntada caafimaadkeeda, jacaylka qalbiga, raali galinta Alle.
Allow naga dhig kuwa aad wanaaga ku sifaysay.
Mmusa

2-Isku kalsoonow
Intay hadalka ku cabirayaan in la eg ayey qalbiga kuugu hayaan xumaan iyo samaanba, sidaa darteed ha danayn dhaqankooda ku aaddan xagaaga.
Haddii ay doonayaan in ficiladaada ama dhaqankaaga qurixyaan way qurxinayaan, haddii ay doonaan in ay xumeeyaana way xumaynayaan, muhiimadda waa inta aad iska ogtahay iyo kalsoonida aad isku qabtid.
Mmusa

                                                3-Dhaqankaaga wanaagsan 
Waad iska cafisaa ayaga oo qirsaneen ama ogayn khaladka ay kaa galeen.
Waa u gogol badisaa, dulqaadkaagana wuu ku badan yahay, balse taas waa hilmaansan yihiin.
Danaynta aad danaysid waa badantahay, balse dayicidda ay ku dayacaan ayaa ka badan.
Mararka qaar dhaqankaaga iyo sifooyinkaaga wanaagsan ayaa sababa dhibaatooyinka kugu dhaca.
Mmusa

                                                 4-Eedayn
Inta badan ay eedayntaada yaraataa waa inta badan uu jacaylkaagu saaido nacaybkaaguna yaraado.
Mmusa

5-Qofka aad jeceshahay
Qofka aad jeceshahay khaladkiisa khalad lama dhaho, isma uusan lahayn khalad samee, ficiliada qaar inaga oo xumaan ula jeedin ayey xumaan iyo dhaawac isaga muuqdaan, waasa awood la’aanta Aaadanaha iyo daciifnaantiisa.
Mmusa

6-Is indhatirid 
Wax badan oo hareerahaaga ah ma mudna in muhiimad la siiyo, isku day in aad barato qaabka waxyaabaha aan qiimaha lahayn la isaga indha tiro.
Mmusa

                                            7-Awooddaada muuji
Awooddaada ku muuji meel walba ilaa hal meel ma ahee, waa marka aad Alle hortaagantahay, waxaa markaas kula gudboon in aad muujiso daciifnaantaada.
Mmusa

8-Been ha u sheegin
Been ha u sheegin in aad dadka kusoo jiidato ama ku qanciso, runta ku dadaal mar walba xitaa haddii ay kaa dheeraynayso dad badan oo muhiim u ah noloshaada.
In aad naftaada iyo dadkaba u toosnaataa waxay kordhisaa kalsoonida naftaada iyo qiimaha aad adiga isla yeelatid si la mid ah dadka.
Mmusa

                                                   9-Baahi idinwada kulmisa
Wey jirtaa baahi idin wada kulmisa qofka si guudna idiin wada taabata, balse, taas macnaheeda maahan in qof walba uusan lahaan karin baahi gaar ah, baahi gaar ah ayuu leeyahay qof walba taas oo mararka qaar ku qasabta in uu ka tanaasulu baahida idin ka dhaxayso.
Qofna ha ku mucaaradin hadduu qaato go’aan ka duwan kaaga adiga oo filayo in aad isku go’aan taagantihiin.
Mmusa

10-Mahadnaqa
Mahadnaqa Alle waa dhawaqa ugu horeeyay uu Nabi Adam csw uu ku dhawaaqay.
Mahadnaqa Alle waa dhawaqa ugu horeeya Qur’aanka .
Mahadnaqa Alle waa dhawaqa ugu qiimaha badan ee ay ku dhawaaqi doonaan inta nasiibku u saamaxo maalinta dhibaatada badan ee Aakhira.
Allow mahad oo dhan adiga ayey kuu sugnaatay oo nagu toosi in aan nasiib u yeelano ku dhawaaqiddeeda.
Mmusa

11-Daciif, Duq, Gafe
Marka aad dhalin yartahay xushmaddaada dadka waaween ha badato.
Marka aad ladantahay caawi kuwa daciifka ah.
Iska cafi kuwa kaa khaldan marka ay jiraan,maxaa yeelay maalin ay noqotaba waad ahaan doontaa mid waynaada, daciif noqda, hadana gafa.
Mmusa

12-Noloshaada waa xaaladdaada.
xaaladda aad mar walba dhex joogitid ayey ahaanaysaa noloshaada.
jawi qasan haddaad gashid, waad qasmaysaa, mid dagan haddaad gashidna waa dagaysaa, mar walba xaaladdaada waxay ku xirnaan doontaa xaaladda aad dooratid in aad dhex gasho.
Mmusa

                                                         13-Caqabadaha nolosha
Ninka aan ka cabin badda caqabadaha nolosha, wuxuu Oon ugu dhintaa saxaraha Nolosha.
Nolosha waa iskuul wax laga barto, macalinkeedana waa waqtiga, casharadeedana waa caqabadaha.
Mmusa

14-Intan ku dadaal
Noloshu way gaabantahay ee si wacan ugu noolow.
Jacaylka dareenkiisa waa dhif in la helaa ee marka uu kusoo maro si fiican u qabso.
Runtu way wanaagsantahay ee sheegisteeda ku dadaal.
Xanaaqu wuu xunyahay ee iska xoor.
Cabsidu way fool xuntahay ee si Geesinima leh u wajah.
Xasilkuna wuu wanaagsan yahay ee ku dadaal hanashadiisa.
Mmusa

15-Quruxda gudaha
Qofka quruxda ka waayaa gudihiisa, wuxuu ku daalaa daymada dadka kale.
Ku dadaal in aad aragto quruxda gudahaaga, noqona mid qalbi wanaagsan oo faafiyo jacaylka iyo wanaaga meel walba oo aad tagto.
Mmusa

                                                        16-Runta iyo damiirka
Runta dhaawaceeda wuu xanuun badan yahay,
Dareenkeedase wuxuu soo nooleeyaa damiirka Qofka.
Mar walba oo runta ka carartid ogow in ay la mid tahay in aad diidayso in uu soo noolaado dareenka damiirkaaga.
Mmusa

17-Waxaa ceeb ah
Waxaa ceeb ah in aad ku faanto wax aadan samaysan!
Ha ku faanin quruxdaada maxaa yeelay adiga ma aadan is abuurin.
Ha ku faanin nasabkaaga ama qabiillaaga, maxaa yeelay adiga ma aadan dooran.
Ku faan akhlaaqdaada maxaa yeelay waa midda kaliya aad adiga samaysatay.
Mmusa

18-Hormoodka nolosha
Damacaaga, go,aankaaga, adaabtaada, taqwadaada, Alle xuskaaga, iyo calafkaaga oo hagaaga waxay hormood u noqdaan horumarkaaga Nolosha.
Mmusa

                                                             19-Dadka qaar
Dadka qaar waxay ku maqashiiyaan ama kuu sheegaan waxa aad jeceshahay maqalkooda marka ay dan kaa leeyihiin oo kaliya.
Mmusa

la soco axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN