XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 84aad

 

                                       1-Waligaa ma noolaanaysid
Suuragal maahan in aad waligaa noolaatid!
Waasa qasab in aad ahaato mid waligiis raja ku nool.
mid waligiis riyo uu gaaro leh.
mid waligiis fahan fiican.
mid waligiis aaminsan wax kasta oo wanaagsan in uu heli doona maalin ay noqotaba.
Mmusa

2- Isku halayntaada

Isku halayntaada oo yaraataa waa farxaddaada oo nusqaamin!!!

3- Marka ugu horeyso ee uu Alle….

Marka ugu horeysa ee uu Alle wax ku siiyo waa in aad baddashaa qaabka wax bixintaada, ma ahan in aad ku fakarto qaabka aad u baddali lahayd noloshaada.
Mmusa

4-Aamin

Aamin inta aadan jeclaan.
Fahan inta aadan xukmin.
Ma fulin kartaa inta aadan balan qaadin?
Cafi inta aadan hilmaamin ka hor.
Ku qanac inta aadan ka shallaayin.

5-Caqabadaha iyo guulaha.
Haddaad aaminsantahay in aad guulaysanayso mar walba fursadaha ayaa isku kaa muujiyo, adigana waad ka faaiidaysataa mar walba oo aad fursad dheehatid.
Balse, haddii aad mar walba ka cabsoonaysid guuldarro waxaa isku kaa muujiya caqabadaha si aadan marnaba guul u niyeesan.
Mmusa

6- Caaqilka
Caaqilka waxaa laga yaabaa in uu qasaara yar darteed uga fogaado wax badan uu kasban lahaa dartood haboonaasho aan ku haboonayn darteed, halka qofka aan caaqilka ahayn uu u qasaaro wax yar oo aan baahi iyo balaayaba ka difaaci karin.
Mmusa

 

7- Inta aadan hadlin, dhagayso.
Inta aadan, qorin fakar
Inta aadan qarash garayn, qorshee.
Inta aadan go’aansan, baaritaan samee.
Inta aadan eedayn ,hubso oo sug
Inta aadan ducaysan, cuqdadda iska saar oo iska cafi.
Inta aadan quusan, isku day.
Inta aadan howl gab noqon, kaydso.
Inta aadan dhiman, towbad keen.

8-Waxaad wanaajisay sanado.
Waxaad wanaajisay sanado badan iyo in aan xisaab lahayn, balse, hal maaalin ayaad xumaysay, markaas ayey hilmaameen wanaagii aad sanadaha badan u samaynaysay asey xasuusteen halki maalin aad xumeysay kadibna ay kugu shabadeeyeen in aad xuntahay.!!!!
Mmusa

9- Dadka wanaagsan
Dadka wanaagsan dadka ma dhibaan ee naftooda ayey dhibaan ayaga oo is ogayn.
Mmusa

10-Caafimaadkaaga dartiis:
Iska hilmaan wixii kusoo maray oo xanuun ah hubsana in inta aad nooshahay aad marayso waqti farxad iyo waqti muragaba, taasina waa sida sy nolosha u sameesantahay.
Mmusa

11-Dhaawac iyo farxadda

Dhaawacu waa midka kaliya ee xusuusta adag inagu yeesha, halka farxaddu aysan xusuus nagu yeelan!!!
Mmusa

                                                      12-Jacayl iyo iimaan

Jacayl iyo Iimaan wanaagsan haddaad isku hesho, Jannada Dunida waad haysataa, Aakhirana Alle kuma halaajinayo!!!!

13- Nolosha waa imtixaan

Nolosha waa imtixaan, qof walbana si ayuu u marayaa, Muhiimadda waa sida aad ka dhigato Bey’ada aad ku nooshay.

                                                  14-Xaaladda aad ku dhex jirtid
Qofka xaaladda uu doonayo in uu wax ka qabto, ama si kale haddaan u dhigo qofka Umadda uu doonayo in uu xukumo ama wax u qabto marka uu xaaladdooda dhex joogo ama ku dhex nool yahay ayuu fahmi karaa waxna ka qaban karaa, balse, marka uu qofku dhoof badan yahay waxaa mar walba ku hareereesmaya xaaladaha uu dhoofka kala soo kulmo kuwaas ayuuna mar walba ka fakarayaa.
Mmusa

                                                   15-Marka hore aad u socoto

Marka hore aad u socoto waxaad ogaataa fahamtaana wax badan oo aadan ogayn fahmsanayna, marka aad gadaal u socotana waxaad aragtaa wixii aad soo martay oo kaliya, waxna ma fahamtid, wax cusubna ma aragtid.
Mmusa

16-Dunida

Dunuda Qof walba waa la socotaa qofna uma dhutiso marka uu ka haro.
Noqo dunida oo kale.

Mmusa

                            17Iimaanka naf hurista (Sheeko kooban)
Waalidnimada waa iimaanka dhabta ah ee toos uga muuqan kara Baniaadamka, laga yaabee in haddii la dhaho nafta Alle dartii haloo huro ay su’aalo qaar ka dhalan karaan, balse marka dhalaanka ay dhaleen ay taagantahay in naftooda ay halis ku jirto shardina looga dhigo in naftooda ay u huraan ay badbaadin karto uu markaa waalidku dooranayo in nafta laga qaado si uu waladkoodu u noolaado.
Waa aabe iyi hooyo Maleesiyaan ah, Da’da hooyad ayaa 25 ah halka aabaha uu yahay 27. Waxaa dhacday in wiilkooda curadka ah uu labada indhooda dhaawac ka gaaray kaas oo sababay in uu wax arki waayo.
Maadaama farsamada caafimaadka dunida ay heer sare markan gaarsiisantahay ayaa loo soo jeediyay in labadoodaba midba uu ill ku deeqo si wiilka yar aragiisa ugu soo laabto.
Si shuruud la’aan oo aan ka leexasho lahayn ayey ku aqbaleen labadaba, waxayna dhaheen dunida anaga oo hal il ka la’ in aan ku noolaano ayaa nooga fiican in uu wiilkeena mustaqbal la’aan noqdo.
Iimaanka naf hurista Dhallaanka ayaa maanta inooga sarreeyo wax walba.
Mmusa

18-Ma waali ayuu mudan yahah?
Marka qofka uusan ka war qabin naftiisa oo mar walba loo yeeriyo noloshiisa iyo qaabka uu noolaanayo qaadashada waxa loo yeershana uu ku noolaa muddo waa hubaal in hurdada aan muddo badan la jiifi karin, qofku waqti uu kacana wuu kacayaa wuuna la imaanayaa wax ka duwan waxa looga bartay.
Qofka marka uu garto noloshiisa hurdada u yeerintana uu kasoo baraarugo hubaal kuwa wax yeersha in ay ku hadaaqaayaan in qofku uu ku dhuftay micnaha uu xoogaa isku dhex yaacay.
Qofku doorashada naftiisa xaq ayuu u leeyahay, hadduu garto oo uu la yimaado wixii looga bartay wax ka duwan ma waali in lagu sifeeyo ayuu mudan yahay?

19-Raadinta farxaddaada
Raadinta farxadda mar walba waxaa gogol xaar u noqda Murugo iyo caqabado badan oo nolosha kaa soo wajaho.
Ma gaari kartid hadafkaaga ku salaysan ugaarsiga farxaddaada haddii ay saamayn kugu yeelan karaan hadalada miisaanka culus ee kaaga yimaada dadkaaga kuwaas oo aan dhiiri galin u noqon karin jahada aad u jihaysantahay.
Mmusa

20-5ta murugada keenta
Cunta caafimaadsan oo aadan qaadan.
8 saacadood oo ugu yaraan aadan hurdo helin.
Shaqada oo ku dheeraatid xadkeeda.
Biya cabistaada oo yaraata.
Adiga oo si fiican isku qorshayn.
Waa sababta keenta in aad isku buuqdo oo mar walba murugeysnaatid.
Mmusa

21-Jismi ahaan
Xanuunka maskaxiyan laguu geysto ayaa ka xanuun badan mar walba xanuunka jismi ahaan laguu heysto.
Hadalada u daadaga Laabta iyo Maskaxda qofka waa ka saamayn badan yihiin taabashada ama garaafada Jismi ahaan la isu geysto.
Mmusa

la soco axad walba.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN