Sheekadii; Xabsi Doon! Q9AAD W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Sac

Sheekadii; Xabsi Doon! Q9AAD

Waxuu yiri;

Markii aan barriga nimid waxaan soo gaarnay xarunta Mayfac waa Xarun yar oo eey Qaramad a Midoobay, ku siiso Soomaalida, Gargaar soo dhawayn ah oo aan dhaafsiinanayn meel ey ku nastaan, dhowr maalin, halkaasoo la isku liisgareeyo, Si dowlada Yaman u ogaato cadadka Qaxootiga soo galay Dalkeeda, oo eey Saami kaga hesho Qaramad Midoobay.

Xarunta waxaa kaloo gargaar dagdag ah lagu siiyaa, dadka dhaawacan.
Aniga waxaan wataa waraaqahaygii hore sidaasi daraadeed uma baahni in aan sugo dadka kale oo iyagu u xayiran in la siiyo warqada eey ku jidmaraan ama loo keeno Gawaari u daabulayso Xerada Al-Qaras ee ku taalo duleedka Caddan.
Kaligey ayaa ka soo dhaqaajiyay bartii, waxaanan ku soo booday gaari biijoot ah oo Cadan u rakaabsanaa, Saqdii dhaxe ayaan Cadan soo gaaray.

Waxaanan iska xaadiriyay meel la yiraahdo Beerta oo eey dadku aan guryaha haysanin ee Soomaaliyeed seexdaan, Waxan 50 Riyaal ku kiraystay Kartoon aan ku jiifto, Meeshu waa kulayl kaaga darane xiinka kaneecada ayaad moodaa marwaxad kuu shidan, “meey iska cunto oo eey qaylida iga damiso” Ayaan hoosta ka lahaa, Illaa uu waaga sidaa ku baryay.

Iyadoo bariisa ah
Soo galay basaatiin
Iyo boosaskii cadan
Waa meel Busaaroo
Shiidku uu ku badanyahay
Biyana laysma siiyoo
Biisheer ma laga qoro

Beesteen ninkaan wadan
Amaan loogu dirin biil
Waa baabka waalida
Iyo baca aruursiga
Bahdilaada aawgeed
Boqolaalo waashoo
Bud iyo dhagax sitaa jira

Waxaan soo gaaray xaafada la yiraahdo Basaatiin oo eey soomaalida dagantahay, Nin reer magaal ah waxba kama halaabaane, Waxan isla markiiba dhaxda u xirtay sidii aan isugu duwan lahaa ugu yaraan 10 ruux oo tahriib ah, si aan markaas aniga Shuut ugu raaco.

Anigoo illaa iyo 4 ruux liiska galiyay ayaa waxaa yimid 3 gabdhood oo iyaguna rabo in la tahriibiyo, Hablahani lacag ayeey sidii buunshihi u wataan, Sidaasi awgeed ayaan ka diyaarsaday sypaathiyo, Daniba waa seetee midii ugu jeebka waynayd ayaan dhagta wax ugu sheegay, Sidii ayaan aniga ku noqday miftaaxa furo ama xiro, waxey ahaayeen kuwa baxsad ah oo watay lacag foowqul caqli ah, sidaasi daraadeed ayaan u keenay barmaj aan ana ka faaideysto iyaguna uga faa’ideeyo, Waxan hablihii ka dhaadhacsiiyay in Sacuudiga uusan faa’iida lahayn ee aan u weecano dhankaa iyo Libya, “Macquul maaha ayeey la soo boodeen” Laakiin waxan tusay daliil waxaanan u yeeray mid ka mid ah ragii aan Cadan isku baranay, Kaasoo igala qaybqaatay sharaxaada dheer oo eey habluhu u baahnaayeen, Sidaas baanan ku heshiinay.

Maalintii xigtana waxaan u safarnay Xudeeyda oo eey ka baxaan Doomo si sharci daro ah lagu raaco oo Suudaan u ambabaxo.

Xudeeyda baan asbuuc joognay deetana aan safarkeenii dhanka badda ahaa ugu soo ambabaxnay Suudaan.

Dakada caalamiga ah ee suudan si sharci daro ah loogama dagi karo, sidaasi awgeed ayeey
Raga doonida lahaa, oo horeyba ugu shaqeysan jiray xirfadan sharcidarada ah, telfan ugu direen mid ka ah milkiilayaasha laashashkii eey la macaamili jireen.

Laashkii ayaa dhaxda nalooga horkeenay oo aan raacnay, si uu noogu dajiyo meelaha laga kaluumaysto oo aysan jirin wax tarqiib ama ilaalo ah oo dhanka dowlada ka socdo.

Sidaas baan dhib la’aan ku soo gaarnay Suudaan.

La soco Q10AAD.

W/Q. Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN